Armaan Malik: Maxaad ka taqaannaa Amiirka jacaylka iyo sida uu ku hantay taageerada caalamka?

Armaan Malik

Xigashada Sawirka, Armaan Malik

Armaan Malik taageerayaashiisa Bollywood-ka waxay ku naaneysaan "amiirka Jacaylka".

Fannaankan 25 jirka ah oo shaashadaha caalamka ay ka daawadaan dad lagu qiyaaso in ka badan labo bilyan, barahiisa bulshadana ay ku taxan yihiin 17 milyan oo ruux, wuxuu qaadaa heeso uu kula tartami karo Justin Bieber ama Ariana Grande.

Waxaaba lagu tilmaami karaa Amiirka heesaha Pop-ka ee Hindiya.

Malik oo ka dhashay qoys taariikh ku dhex leh Bollywood-ka wuxuu fannaanimadiisa soo billaabay xilli uu aad u da' yaraa, isagoo guriga ku dhageysan jiray heesaha uu sameyn jiray aabihiis, Daboo Malik, oo caan ku ah qorista heesaha.

"Aabbeheey mar walba heesaha wuxuu ku daari jiray guriga dhexdiisa, ayuu yidhi isagoo sharraxaya qaabkii ay xirfaddiisa ku billaabatay.

"Waxaan ku dhex noolaa guri muusig ka sameysan! Mararka qaar waxaan ku heesi jirnay miiska cashada dushiisa, mararka qaarna intaan baxno ayaan soo duubi jirnay heeso."

Isagoo aad u da' yar ayuu go'aansaday in uusan raacin raadka aabihiis ee qoritaanka heesaha kaliya ah, balse uu noqdo qoraaga heesaha sidoo kalena fannaan ku luuqeeya ah.

"Waxaan ku fikiri jiray in aanan ku ekaanin qorista heesaha kaliya, aniga sidaas dookheyga ma ahayn. Waxaan doonayay inaan noqdo fannaankii ugu horreeyay ee qoyskeenna uu yeesho."

Malik wuxuu ku luuqeynta heesaha billaabay isagoo siddeed jir ah, wuxuuna caan noqday hal sano kaddib, markaasoo uu fursad u helay ka qeyb galka tartan xirfadaha lagu soo bandhigo.

Tartankaas Malik wuxuu ka galay kaalinta siddeedaad, waxaana u soo baxday in ay wali hor taallo shaqo badan oo horumarinta xirfaddiisa ah.

"Waxaan halkaas ku ogaaday in la iga doonayo inaan noqdo fannaan ka fiican sida aan ahaa," ayuu yidhi. Wuxuu sidoo kale qiray in waqtigaas uusan kalsooni badan isku qabi jirin marka uu masraxa taagan yahay.

'Tallaabadii ugu fiicneyd'

Markii ay da'diisa ahayd 18 sano, Malik wuxuu ku biiray fannaaniinta qaada heesaha filimada lagu duubo. Heesaha uu duubo ayaa la dul saari jiray atooreyaasha filimada jila, iyagoo ku matalaya inay codkooda ku qaadayaan.

Heesta lagu magacaabo Tumko Toh Aana Hi Tha, oo ku jirta filimka Hidniga ah ee Jai Ho, waxaa qoray walaalkiis Amaal waxaana ku luuqeeyay Armaan. Waxay heestaas u horseedday horumar ballaaran.

"Taasi waxay ahayd tallaabadeydii ugu fiicneyd," ayuu yidhi Malik. "Markaas ayey billaabatay xirfaddeyda fannaanimo."

Tan iyo xilligaas wuxuu kasoo muuqday in ka badan 200 oo bandhig oo ka kala dhacay dunida qeybaheeda kala duwan. Wuxuu noqday fannaankii ugu da'da yaraa Hindiya ee abid hees ka qaada fagaaraha Wembley ee magaalada London.

Waxaa layaab leh in uu ku heesi karo in ka badan 10 luuqadood oo kala duwan - inkastoo xaqiiqdii uu ku hadlo labo luuqadood kaliya, oo kala ah Hindiga iyo Ingiriiska.

Waxaa la weydiiyay sida ay suuragal ku noqotay in qof labo luuqadood oo kaliya ku hadla uu ku heeso in ka badan 10 luuqadood.

"Ma garanayo," ayuu ku jawaabay.

"Ku heesidda luuqadaha kale waxaan billaabay anigoo sagaal jir ah. Qofkii duubayay hees aan sameyneynay ayaa i weydiiyay inaan erayada oo luqad kale ah isla sidaas ugu heesi karo. Wuu ii daaray erayada anigana islamarkiiba waan ka daba dhahay, si fiican ayeyna usoo baxday."

Naomi Scott and Mena Massou, stars of the 2019 live action remake of Aladdin

Xigashada Sawirka, Disney

Qoraalka sawirka, Malik wuxuu codkiisa saaray jilaaga filimka Aladdin ee loo baddalay af Hindiga

Heesaha ugu caansan ee uu Malik qaaday waxaa ka mid ah Bol Do Na Zara, Main Hoon Hero Tera oo af Hindi ah iyo heesta Butta Bomma, oo af Telugu ah, taasoo ilaa hadda Youtube lagu daawaday in ka badan 465 milyan oo jeer.

Malik oo ka tirsan fannaaniinta Bollywood-ka wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in ku heesitaanka luuqadda ingiriiska uu yahay dookhiisa dhabta ah.

Markii uu soo korayay wuxuu jeclaa inuu dhageysto heesaha fannaaniinta Bruno Mars, Michael Bublé, Frank Sinatra, Chris Brown iyo fannaaniin badan oo ku heesa ingiriiska.

Laakiin wuxuu sheegay in uu wax badan ka faa'iiday fannaanka reer Mareykan ee lagu magacaabo John Mayer.

Fannaanka reer UK ee lagu magacaabo Jay Sean, oo asal ahaan kasoo jeeda Hindiya, ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay xirfadda Malik, maadaama uu ku dayan jiray.

Jay Sean singing

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jay Sean oo heysta dhalashada UK ayaa noqday fannaankii ugu horreeyay ee asal ahaan Hindia ah ee ku guuleysta tartanka US Billboard

Sanadkii 2011-kii, Malik wuxuu heshay deeq bilaash ah oo uu uga qeyb galay barnaamij Muusig ah oo ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, kaasoo uu heer aad u wanaagsan ku dhammeeyay.

Wuxuu barnaamijkaas u noqday tallaabo kale oo xirfaddiisa horumarisay.

"Markii aan kasoo noqday barnaamijkaa Berklee, waxaan u sheegay aabbeheey inaan jeclahay sii wadista heesaha Ingiriiska, si aan taariikh cusub uga dhigo heesaha pop-ka," ayuu yidhi.

Armaan Malik

Xigashada Sawirka, Armaan Malik

Qoraalka sawirka, Malik wuxuu ku luuqeeyaa heeso Ingiriis ah oo uu isla isaga qoray

Markii hore, aabbihiis wuu kasoo horjeeday fikraddaas, isagoo Malik u sheegayay in heesaha Ingiriiska aysan suuq fiican ka lahayn gudaha Hindiya.

Xilligaas Malik wuxuu qaatay taladii aabihiis, laakiin hadda wuxuu heesihiisa u weeciyay dhinaca pop-ka, aad ayaana loola dhacsan yahay.

Sanadkan ayuu soo saaray saddexdiisii heesood ee ugu horreysay ee luuqadda ingiriiska ah. Waxaa ka mid aheesta uu ku magacaabay "How Many". Wuxuu heestaas uga hadlayaa Inta jeer ee qofka uu ku guul darreysanayo xiriirka jacaylka.

Marka laga soo tago in uu fannaan yahay, Malik sidoo kale waa atoore codadka saara filimada loo baddalayo luuqadda Hindiga.