'Cudur dhif ah oo si tartiib ah u naafeeyay gacmaheyga iyo lugaheyga'

Xavier Alford, waa filim sameeye soo bandhigi jiray sheekooyinka dadka. Hadda wuxuu kaamirada ku jeediyay naftiisa si uu dadka ugu soo bandhigo xaaladdiisa naadirka ah ee sida tartiibka ah u naafeyneysa gacmihiisa iyo lugihiisa.
Markii la iga helay xanuunka neerafaha ee naadirka ah, oo aanan weligey maqlin, dhulka ayaa ila gariiray.
Dhaqtarka ayaa markii hore ii sheegay warka farxadda leh - xanuunkan inta badan ma sababo dhimasho. Balse ka dib warkii xumaa ayaan maqlay - cidna ma garaneyso waxa sababa, dawona ma laha.
Ma uusan ii sheegi karin sida uu ii saameyn karo, balse wuxuu ii sheegay inay xaaladdeyda ka sii dari doonto ilaa aan isticmaali waayo gacmahayga iyo lugahayga.
Isla xilligaas, dunidii aan garanayay way is beddeshay.
Xavier Alford ayaa ka sheekeeyay xaaladdiisa iyo sida uu xanuunkan u saameeyay.
"Waxaan qabaa xanuun dhanka neerfaha ah. Wuxuu sababaa in habka difaaca jirka uu weeraro xuubka ku dahaaran neerfayaasha - myelin - ilaa neerfuhu ay murqaha u gudbin waayan amarrada maskaxda. Natiijada ka dhalata waxay noqoneysaa waxa loo yaqaanno flaccid paralysis taas oo xubnahaaga iyo wejigaaga ka dhigi karta howlgab.

Waxa ugu habboon ee xaaladahan lagu tilmaami karo waa cudurka loo yaqaanno Guillain Barre Syndrome (GBS). Inkastoo ay dhif tahay, haddana waxay xaaladdan dadka u horseedi kartaa naafonimo, muddo maalmo gudahood ah.
Maskaxda waxay noqoneysaa mid firfircoon, balse jirka ma awoodi karo inuu dhaqaado. xubnaha jirka ma heli karaan qaab ay ku wada hadlaan, inkastoo ay maskaxda si buuxda u soo jeeddo.
Nasiib wanaag, inta badan dadka way ka soo kabtaan xaaladdan iyaga oo dib u hanta isticmaalka jirkooda. Dadka qaar gebi ahaanba way soo kabtaan halka kuwo kalena ay ku tiirsadaan gaariga naafada.
Marka dhinac laga eego, soo kabashada waa caksiga waxa dhabta ah ee aniga igu dhacaya. Marka laga soo tago naafanimada degdegga ah, xaaladdeyda kama soo reyneyso iyadoo gacmaheyga iyo lugaheyga ay naafoobayaan.
Calaamaddii ugu horreysay ee aan isku arko waxay ahayd suuxdin iyo jareys yar oo aan suulasheyda ka dareemay, ka dibna faraheyga.
Lugaheygu waa xubnihii ugu horreeyay ee ay xaaladdan saameysay. Hadda labadeyda lugood waa daciif socodkuna wuu igu sii adkaanayaa.
Waxaan ka mid ahay dadka midiga isticmaala, inta badanna ma adeegsan karo. Awooddeyda iyo dhaqdhaqaaqa jirkeyga way tageen.
Kaamiradeyda si fiican uma qaban karo, si fiican wax uma qori karo, haddii aan wax yar isku dhibana waan daalayaa, waxaana u baahanayaa inaan nasto. Waxaa i walaacinaya in daciifnimadu ay sidoo kale ku bilaabatay gacanteyda bidix.

Waxaa xaaladdan la iga helay 12 sano kahor anigoo jira 30 sano jir ah. Waan ogaa sida uu u saameynayo mustaqbalkeyga, iyo inuu sidoo kale saameyn doono kan xaaskeyga, Anna, iyo carruurteenna. Sidaas darteed waxaan sameeyay waxa dad badan oo booskeyga ku jira ay sameyn lahaayeen (gaar ahaan ragga) - waan diiday inaan ka hadlo.
Waxaan khabiir ku noqday is moogeysiinta iyo jawaabo aan caddeyn: "Ma garanayo; "Waan fiicanahay" iyo "Haka walwalin". Waan ka gaabsan jiray inta badan su`aalaha, ilaa markii dambe uu qof walba joojiyay inuu i weydiiyo.
Muddo toban sano ah walwalkeyga waan qarinayay - Muxuu mustaqbalkeyga noqon doonaa? Ma waxaan u baahnaan doonaa daryeel? Waa maxay saameynta uu ku yeelan doono qoyskeyga?
Balse dabcan, xanuunka ma iga guurin. Wuu ka sii darayay ilaa labo sano kahor oo aan awoodi waayay in aan iska indho tiro - waan qaban waayay kaamiradeyda. Taasi ma waxay la micno tahay dhammaadka xirfaddeyda?
15-kii sano ee la soo dhaafay waxaan dukumentariyo u diyaariyay BBC-da.
Waxaan mar walba dadka u sheegaa - iyaga oo maray xaalad nafsi ah oo cakiran - in habkaan uu noqon doono mid ay nafis ka dareemaan. Wuxuu ka caawin doonaa in ay micno u sameyso wixii ay soo mareen.
Sidaas daraaddeed waxay Anna soo jeedisay inaan filim ka sameeyo xanuunkeyga - waxaa laga yaabaa in ay taas igu qasabto in aanan ka aamusin xanuunka oo aan ka hadlo.
Maalintii aan go'aansaday inaan jebiyo xayiraadda aamusnaanta waxay ahayd markii aan xaqiiqsaday in aan u baahanahay caawin iyo taageero.
Waxaan bilaabay in aan raadiyo dadka uu saameeyay xanuunka GBS, aniga oo rajo ka qaba in ay iga caawin doonaan inaan fahmo xaaladdeyda.

Xigashada Sawirka, Rob/BBC
Waxay ahayd markii aan dareemay saameynta buuxda ee xanuunka. Halka uu iyaga ku dhacay xanuunka gebi ahaanba naafeeyay kahor inta aysan si tartiib ah u bilaabin in ay soo kabtaan, aniga taas beddelkeeda, xaaladdeydu way ka sii dareysay.
Mid ka mid ah dadka aan la kulmay wuxuu ahaa Scott, oo ku jiray da'da 40-meeyada. Wuxuu safar ugu maqnaa Yurub, markii uu gariiryo ka dareemay saddex ka mid farihiisa.
Muddo 32 saacadood gudahood ah, wuxuu ku jiray qeybta daryeelka gaarka ah, waxaana ku xirnaa qalab ka caawinaya inuu neefsado, ma uusan awoodin inuu dhaqaajiyo jirkiisa amaba uu iskiis u neefsado. Welise maskaxdiisa si buuxda ayay u shaqeyneysay.
Labo sano ayaa lagu daryeelayay guriga, hadda wuxuu ku nool yahay guri isaga u gaarka ah wuxuuna ku socdaa gaariga naafada.
Gudaha UK, isbitaallada keliya waxaa lagu arkaa hal ama labo kiis oo xanuunka GBS ah sannad kasta. Waxaan doonayay in aan la kumo qof ay xaaladdiisa meel xun mareyso, 12 bilood ka dibna waxaan ugu dambeyn la kulmay Rob.
Wuxuu ahaa 70 sano jir, wuxuuna ahaa qof firfircoon. Wuxuu sidoo kale jareys ka dareemay farihiisa muddo hal toddobaad gudihiisa ah, keliya wuxuu dadka kula xiriiri jiray inuu indhaha ka bilig siiyo.
Arrintan waxay Rob uga dhigneyd khatar noloshiisa soo wajahday, awooddiisa ah inuu go'aamo gaaro ayaa meesha ka baxay, muddo ilbiqirsi gudaheed ah.
Waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeyay xanuunka Scott iyo Rob iyo keyga - inkastoo uusan keyga daawo lahayn, waxaa jirta daweyn hoos u dhigi karta xanuunka.
Intravenous immunoglobulin ama IVIG, oo laga sameeyay dhiigga kumannaan qof oo ku deeqay, waxay ka kooban tahay malaayiin waxyaabo difaac u ah jirka aadanaha oo caafimaad u ah, taas oo leygu duray si ay si ku meel gaar ah wax uga beddesho habka difaaca jirkeyga.
Waxay joojineysaa weerarka neerfahayga. Waxay ku timaaddaa dhalooyin, saddexdii toddobaadna waxaan qaataa toddoba ka mid ah.
Muddo labo toddobaad ah ayay shaqeyneysaa, kaddibna xanuunka wuu igu soo laabanayaa - gacmaheyga iyo lugaheyga daciif ayay noqdaan, waxaana bilaabaa in aan rido waxyaabaha qaar, si fiican uma qaban karo kaamirada waxaan dareemaa daal iyo inaan jiifi karo maalmo.
Waxaa laga yaabaa in maalin uun ay joogsato daweynta, balse hadda nolosheyda ayay ka mid tahay.
Sameynta filimkan wuxuu igu qasbay in aan ka hor imaado xanuunkeyga. Waxay sidoo kale ii horseeday in aan si wanaagsan ugala hadlo qoyskeyga. Waan ogaa wiilkeyga Louis, oo 11 jir ah, iyo gabadheyda 14 jirka ah ee Ami inay su`aalo qabeen, balse su'aalahaas horey ugama jawaabin si fiican.
Tani waa markii aan ogaaday in aan isaga hadasho dokumentariga si aan u dareemo nafis, waxayna i tustay in ay tahay in aan la hadalno dadka iigu dhow, mar walba oo ay nolosha nagu adkaato.
Markii uu Louis i weydiiyay in sidoo kale laga yaabo in xanuunkeyga oo kale uu ku dhaco, waxaan ogaaday in ay muhiim ahayd in aan carruurteyda u oggolaado in ay i weydiiyaan su`aalaha ka guuxaya maskaxdooda. Waxaan u sheegay in uusan khatar weyn igu ahayn xanuunka, sida dadka kaleba.
Hadda su`aalahooda ugu dambeyn waa laga jawaabay dhammaanteenna waan ku qanacsannahay natiijada.
Inkastoo aynaan warbixin buuxda ka heysan xanuunkeyga, ugu yaraan waan ka wada hadli lahayn mustaqbalkana, si wada jir ah ayaan u wadaagi lahayn.
Hadda xanuunkeyga wax lag aqoonsado ayuu leeyahay, waan dareemi karaa, waan aqbali karaa, waan u caroon karaa, balse waxaa intaas ka badan, waan la noolaan karaa.













