Ruushka oo bilaabay isticmaalka tallaalka corona

Nin tallaaka cususb ee eefaayraska corona qaadanayo

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Kumannaan qof oo ku nool Moscow ayaa codsaday tallaalkan cusub

Ruushka ayaa ka bilaabaya barnaamijka taalaalka ee Covid-19 cisbitaalada caasimadda Moscow iyadoo lagu bilaabayo kuwa ugu khatarta badan feyraska corona.

Tallaalkan ayaa ah mid u gaar ah dalka Ruushka, waxaana la diiwanageliyay bishii Agoost, xilligaas oo la bilaabay isticmaalkiisa.

Soo saarayaasha talaalka ayaa sheegay in boqolkiiba 95 uu waxtar leeyahay, islamarkaana uusan sababaynin saameyn weyn, walina ay ku socto tijaabooyin badan

Kumanaan qof ayaa durbaba is-diiwaan geliyay , si ay u helaan tallaalka koowaad, waxaase aan kala caddeyn tirade ay soo saari karto dowladda Ruushka.

Soo saareyaasha tallaalka ayaa la filayaa in ay soo saaraan oo kaliya 2 milyan xabo oo ah tallaalka dawada corona.

Maayorka magaalada Moscow Sergei Sobyanin oo shaaciyey barnaamijka tallaalka bilowgii todobaadkan ayaa sheegay in lagu talagalay dadka magaalada ku nool oo gaaraya 13 million kuwaas oo ka shaqeeya iskuulada, xarumaha caafimaadka, iyo shaqaalaha arimaha bulshada.

Waxa uu sheegay in tiradu sii kordhayso hadba marka uu diyaar noqdo talaalkan, dadku waxay iska diwaangellinayaa Online-ka waxayna dadka caasimada ku nool ee da'doodu ay ka sarayso 18 sano ilaa 60 sano ay tagi karaan todobaatan goobood oo caasimada ku yaalla iyagoo wax ballan ah samaysanin

Dada safaf haadheer ku jira si ay tallaalka u helaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dada safaf haadheer ku jira si ay tallaalka u helaan

Xarumaha tallaalka ayaa furnaan doona sideeda subaxnimo ilaa tobonka habeenimo saacada GMT-ga loo yaqaano

Dadka horay cirbadaha u qaatay ama qaba xanuunada neefta sodonkii beri ee la soo dhaafay kama mid ahan dadkan hada la talaalayo, waxaa sidoo kale aanan dadkan ka mid ahayn kuwa qaba cudurada lala noolaado, haweenka uurka leh iyo dumarka ilmaha nuujiya

'Qof walba oo kale waa inuu helaa tallaalkani'

Dadka ka falcelinaya talaalkan ayaa ku kala aragti duwan afkaartooda

'waa aan jeclahay waayo waa fursad looga adkaan karo caabuqan, si loo dhimo tirade dadka uu ku dhacayo' sidaas waxaa yiri Igor Krivobokov ayaa hadlay

Balse dhanka kale, Sergei Grishin, waxaa uu sheegay in aanu u diyaar garoobin tallaalka.

"Hannaankan waxaa uu qaadan doonaa wakhti. Qeyb yar oo kamid ah tallaalka ayaa lasoo saaray, qofwalba waa in uu helaa tallaalka", ayuu yiri Sergei.

Tan iyo markii uu bilawday xanuunka corona, dalka Ruushka waxaa laga diiwaangeliyay inkabadan laba milyan oo kiis halka 41, 730 na ay u dhinteen cudurka.

Magaalada caasimadda ee Moscow ayaa la sheegay inay tahay halka ugu daran ee xanuunkan uu sida aadka ah ugu faafay, waxaana lagu soo warramayaa in ay buux dhaafeen isbitaalada dalkaas.

Dowladda Ruushka ayaa meesha ka saartay xayiraada horleh balse bishii Nofembar, Mr Sobyanin ayaa soo rogay tallaabooyin horleh oo ay kamid tahay saacadaha baararka, xilliyada waxbarashada iyo in dadku ay kala fogaadaan xilliyada ay joogaan goobaha ciyaaraha.