Slovenia: Xaaska Donald Trump, Melania dalka ay ka soo jeedo maxay tahay cabsida soo wajahday?

Keeggaan ama doolshada loo yaqaanno Torta Melanija, waa mid caan ku ah bandhigyada hoteellada magaalada Sevnica oo keliya, waana dalka Slovenia.
Midibada Torta Melanija, ayaa ka kooban jalaato dahbi ah iyo kareem midabkiisu caddaan yahay, waxaana lagu mamausaa gabadha caanka ah ee Melania Trump, oo hadda ah marwada koobaad ee Mareykanka ee xilkeedu sii dhammaanayo.
Afartii sano ee la soo dhaafay, dadka ku nool halkaas waxay ka faa'iideysteen sumcad yar oo ay heleen taasi oo kor loogu qaaday dalkooda Slovenia iyo wax soo saarkooda.
Balse hadda madaxtinimada Donald Trump waxay gelaysaa toddobaadyadii ugu dambeeyay. Waxaa jira dareen arrintaan la xiriira oo ka taagan gudaha magaalada Sevnica oo ah meesha ay ka soo jeedo Melania.
"Waxaan rabnaa in keeggu noqdo mid muuqaal wanaagsan oo u eg Melania, dahabna ku xardhanyahay oo aan ka wadno Trump iyo midabka caddaanka oo ah Aqalka Cad," ayay tiri Nusa Vidmar, oo ah milkiilaha Slascicarna Julija patisserie.
We wanted to catch the moment and make it great in our own way

Waxaa sidoo kale ku jira loos ay aad u jaceleyd Melania Trump, ka dib markii ay noqotay mowrwada kowbaad ee Mareykanka, bishii Jannaayo ee sannadkii 2017-kii.
Dalxiisayaal gaaraya illaa 5,000 oo qof ayaa magaaladaa tagay iyagoo u sii maray webi iyo keymo dhexdooda.

Bannaanka Sava, oo waxyar ka durugsan magaalada, wax qof u eg oo la dul saaray jiridda geed ayaa kor laga arkayaan, taas oo qiimeyneysa waxa qofka uu arkayo.
Kani waa noocii labaad oo ah taallo lagu magacaabo Melania. Sawirkii asalka ahaa, ee alwaaxa ahaa, oo aan xitaa u muuqday mid u eg Sevnica oo caan ahaa ayaa la gubay xagaagii la soo dhaafay.

Gudaha Sevnica, dadka waxay si farsamaysan u kala soocaan siyaasada iyo xiriirka tooska ah ee ay la leeyihiin Washington DC.
Patisserie-keena, waxaan u helnaa dad badan oo adduunka oo dhan ka yimid oo dalxiiseyaal ah - dhammaantood waxay isku cuneen Torta Melanija, laakiin uma maleynayo in ay u yimaadeen kaliya keegga," milkiilaha ayaa sidaa tiri.
"Waxay noo ahayd wax aad u weyn, anaga iyo Slovenia . Waxay ahayd waqti taariikhi ah - umana maleynayo in aan markale arki doonno daqiiqad ceynkaan oo kale ah."


Xigashada Sawirka, Reuters

Balse taasi micnaheedu maahan in la joojiyo faa'iidooyinka isku xirnaanta Melania ay u keeni doonto Sevnica.
Gudaha qalcadda weyn ee qarnigii 16-aad la dhisay ee buurta magaalada ka sareysa, waxaa ku jira walxo loo yaqaan "Marwada Koowaad". Qaarkood waxay u muuqan karaan in ay lacag yihiin, iyo waxa Melania Trump ka dhigi karo inay yeelato oo lagu sharfay.

Duqa magaalada, Srecko Ocvirk, ayaa sheegay in qaab mideysan oo ka turjumaya bulsho ay akalsooni ka muuqato ay ugu soo bandhigeen Sevnica aduunka.
"Sevnica maahan meel dhaqan oo loo dalxiis tago. Laakiin wixii dhacay afar sano ka hor saameyn aad u wanaagsan ayey ku yeesheen, sida aqoonsiga magaalada," taasi waxay isu keentay dadka deegaanka waxayna ganacsatada ku dhiiri galisay in ay is midoobaan oo ay wada shaqeeyaan.
For local businesses that do business internationally, the name recognition of Sevnica has really helped


Isagoo taagan meel u dhow taallada Melania, ayuu Smiljan Slukan sheegay in uu ku kalsoon yahay in aabihiis uu ahaa macallinka soo saaray Melania xilligii uu u dhigi jiray dugsiga hoose. Laakiin taasi wax saameyn ah kuma lahan natiijada doorashada madaxtinimada Mareykanka.
"Aniga shaqsiyan saameyn weyn iguma yeelan markii ay noqotay Marwada Koowaad, iyo hadda oo ay darajadaasi ka sii dhamaaneyso."
Melania Trump muddo afar sano ah ayay tahay Marwada madaxweynaha Mareykanka balse hadda toddobaadyo ka dib waxey noqon doontaa marwadii hore ee Mareykanka, maadama seygeeda looga guuleystay doorashada dalkaas.












