Sucuudigu ma ku dhiiran karaa aqoonsiga Israel?

Netanyahu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Netanyahu

Wasiir ka tirsan xukuumadda Benjamin Netenyahu xubinna ka ah xisbiga Likud, ayaa qiray warar ay warbhaaninta Israel tabisay oo sheegaya ra'isal wasaaraha dalkaas, Benjamin Netenyahu, uu shalay Axaddii socdaal qarsoodi ah ku tagay dalka Sucuudiga, waxaanu ku tilmaamay tallaabo "muhiim ah".

Yoav Galant, wasiirka waxbarashada, oo waraysi siiyey Raadiyowga milatariga Israel ayaa yidhi "xaqiiqada la hubaa waa in kulankaasi dhacay. Waana arin wax ku ool ah xataa hadaan si rasmi ah loo shaacinin."

Idaacadda Israel iyo Raadyaha milatariga dalkaas ayaa labadba ku warameen maanta oo Isniin ah in Netenyahu Sucuudiga kula kulmay dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan, iyo wasiirka arimaha dibada Maraykanka, Mike Pompeo, oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Ilaa haatan wax war ah oo arintaa ku saasani kama soo bixin xafiiska ra'isal wasaaraha Israel iyo safaaradda Maraykanka ee Quddus midkoodna.

Pompeo iyo Bin Salaam

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Pompeo iyo Bin Salaam

Wargeyska Haaretz ee Israel ka soo baxa ayaa isna baahiyey qoraallo muujinaya khadka duulimaadka diyaarad uu leeyahay nin ganacsade ah oo u kala gooshtay magaalooyinka Tel Aviv iyo gobolka Niyuum ee woqooyi galbeed ee Sucuudiga, halkaas oo ay ku kulmayeen Maxamed Bin Salmaan iyo Pompeo.

Pompeo ayaa isku dayayey inuu Sucuudiga ku qanciyo in uu qaado dhabbaha ay dhawaan mareen dawladaha Carbeed ee Imaaraatka, Baxarayn iyo Sudan oo uu cilaaqaad rasmi ah la yeesho Israel.

Ma dhiirran karaa Sucuudiga?

su'aahsani waa mid ay muddo is weydiinayeen khubarada falanqeeya siyaasadda Bariga Dhexe oo badankoodu ay u badinayaan in xidhiidh qarsoodi ahi jiro oo aanay arintu taagnayn ma dhici doontaa ee ay tahay in la is weydiiyo goorma ayaa la shaacin doonaa.

Madaxda Sacuudiga, oo taariikh ahaan lagu yaqaanno inay dhaliilaan Israa'iil iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta, ma waxay ugu dambeyn kusii dhawaanayaan inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin waddanka ay warbaahinta Carabta ku tilmaamaan "Maamulka difaaca Yuhuudda"?

Hadal heyn qabsatay baraha bulshada oo ku saabsan arrintaas ayaa waxaa sii xoojiyay wareysi uu telefishinka Al-Carabiya siiyay madixii hore ee sirdoonka Sacuudiga, ahaana danjirihii Sacuudiga ee mudadada dheer joogay Washington, Amiir Bandar Bin Suldaan aal-Sacuud.

Wuxuu Amiir Bandar si adag u cambaareeyay dhaliilaha ay hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta u jeedinayaan heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhex maray Israa'iil iyo qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka Carabta.

"Dooddan heerka hoose ah ma aha mid aan ka fileynay in looga falceliyo tallaabada ay qaadeen mas'uuliyiinta dadaalka ugu jira sidii loo heli lahaa taageerada caalamiga ah ee ku aaddan danahooda," ayuu yiri Amiir Bandar.

"Lama aqbali karo carada ay hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ka muujiyeen go'aanka madaxda Khaliijka."

Amiir Bandar, oo muddo 22 sano ah soo ahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka, aadna ugu soo dhawaa Madaxweynihii Mareykanka, George W Bush - oo xitaa lagu naaneysi jiray Bandar Bin Bush - ayaa sheegay in nidaamka hoggaamineed ee Falastiiniyiinta uu guul darreystay.

"Waxay taageerada Sacuudiga u qaateen sidii wax ay xaq u leeyihiin," ayuu yiri.

Wareysigiisa ayuu aad uga hadlay wax uu ku sheegay mowqif la'aan ka dhex jirta Falastiiniyiinta dhexdooda.

Erayada noocaas ah, oo kasoo yeeray sarkaal sare oo Sacuudi ah oo ku dhow qoyska talada haya, lagama sii deyn lahayn telefishin uu Sacudiga leeyahay haddii aysan soo ansixinin Boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxalka sugaya ee Maxamed Bin Salmaan.

Waxa kale oo markii ugu horraysay taariikhda Sucuudiga loo ogolaaday dadka sita baasaboorrada Israel ee Carabta iyo Yuhuuda ba ah in ay dalka Sucuudiga ku tagi karaan safarro diineed iyo kuwo ganacsi labadaba.

Wasiirka arimaha gudaha Israel ayaa isaguna wada tashi uu la yeeshi laamaha nabad gelyada ee dalkiisa ka dib, wuxuu bishii Jeeniweri ee sannadkan soo saaray warbixin uu ku sheegay in muwaadiniinta Israel loo ogolaaday in ay Sucuudiga ku tagi karaan laba arimood midkood uun oo ah sababo diineed oo ah Xajka ama arimo la xidhiidha ganacsi sida maalgashi ama shirar ganacsi.

Maxamed Al-Ciiisa iyo wefti uu hogaaminaya oo ku tukanaya Auschwitz

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamed Al-Ciiisa iyo wefti uu hogaaminaya oo ku tukanaya Auschwitz

Maalmo ka hor inaan qoraalkaasi soo bixinna, xog-hayaha guud ee ururka Raabidat Al-Caalam Al-Islaami, Maxamed Al-Ciisa, ayaa booqasho ku tagay xeradadii Nazi-ga ee Auschwitz ee ku taal Poland oo uu kaga qayb galay xuska 75 guurada gumaadka dadkii lagu xasuuqay.

Maxamed Al-Ciisa oo hore u soo qabtay xilka wasiirka caddaaladda waxa socdaalkaa ku wehelinayey wefti uu hogaaminayey oo uu goobtaa ku tujiyey.

Wargeysyada dawladda Israel ayaa iyaguna markaas ka dib waxay bogogga ay Twitter-ka ku leeyihiin ay ku faafiyeen qoraalkan:

"Xog-hayaha guud ee Raabidat Al-Caalam Al-Islaami ee u dhashay dalka Sucuudiga, Maxamed Al-Ciisa, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku tukaday xeradii Yuhuudda lagu xasuuqay ee Auschwitz oo u duceeyey isagoo booqasho ku tagay."

Arintaas ayaa ku soo beegantay iyada oo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, diyaarinayey qorshihiisa nabadda Bariga Dhexe ee loo bixiyey heshiiska qarniga. Taas oo ujeedadiisu tahay in dhulka Daanta Galbeed ee la haysto 70% laga dhiso dawlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo aan hubaysnayn, sidoo kalena aan maamulin hawadeed sidoo kalena aan heshiisyo caalami ah geli karin, hase yeeshee ay Falastiiniyiintu ku gacan saydheen.

Qorshahaas ayaa sida ay ku warameen wargeysada Israel ee uu ka midka yahay Yedioth Ahronoth, dhinaca dhaqaalaha ay ka taageerayaan Sucuudiga iiyo Imaaraad ka oo maal gelin doona mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo dhulka Falastiiniyiinta, si loo ogolaysiiyo Falastiiniyiinta in ay qaataan heshiiskaa nabadeed ee Israel laga dhex wado.

Ma xalkii colaadda Carabta iyo Israel baa?

Saxaafadda Carabta iyo baraheeda Internet-ka ayaa waxaa lagu soo bandhigayay falanqayn ku aaddan waxa lagu tilmaamay "nabadda Khaliijka" iyagoo tilmaamaya sida Imaaraatka iyo Baxrayn ay heshiiska xiriir soo celinta ula galeen Israa'iil arrintaas oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

Qoraayaasha ayaa waxa ay nabaddaas ku tilmaameen inuu "xal sixir ah" u yahay dagaal tobannaan soo socday oo u dhaxeeyay Carabta iyo Israa'iil, halka kuwa kalana ay cambaareeyeen oo ay ku tilmaameen malaha waa midkii soo afjari lahaa "riyadii Falastiiniyiinta ee aheyd inay dowlad dhistaan".

Qoraayaasha ayaa waxa ay iswaydiiyeen in Sucuudigu fuuli doono "tareenka xiriir hagaajinta" iyo in kale.

Cabdullaahi Bin Bajaad Al-Cutaybi ayaa waxa uu faallo ku qoray wargayska Al-Sharq Al-Awsadh ee ka soo baxa magaalada London, kaas oo uu kaga hadlayay "dhabbaha nabadda ee Khaliijka".

Waxaannu yiri: "Nabad lala Israa'iil iyo in la taageero qadiyadda Falastiiniyiinta, arrintaas ayaa waxa ay noqotay xalka sixirka ah ee haatan jira, xilli ay in xal adag laga gaaro dagaalka Carabta iyo Israa'iil ee socday todobaatanka sanadood iyo ka badanba, xalkaas oo ay soo hindiseen hogaamiyayaal Khaliijka u dhashay oo aragti fog u leh mustaqbalka".

Falastiiniyiin ka mudaharaadaya heshiiska dalka Khaliijka iyo Israel

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Falastiiniyiin ka mudaharaadaya heshiiska dalka Khaliijka iyo Israel

Waxa uu intaasi ku daray: "Dhabaha nabadda waa xalka xaqiiqiga ah ee burburiyay ismariwaa taagnaa muddo tobannaan sanadood ah, waana midka isbadello muhiim ah ku keenaya istiraatiijiyadda dadkii ku kala aragti duwanaa gobolka, iyadoo heerka ka faa'iidaysiga qadiyadda Falastiin ay gaartay heer aad u xun oo ay faa'iido iyo ganacsi ay ka raadiyeen dad aan Carab ahayn, oo ay ku jiraan dalal wada mashaariic liddi ku ah dowladaha Carabta iyo shacabkoodab, taas oo qaar ka mid ah bulshooyinka Carabta lagu beerlaxowsaday magaca asal raacnimada, iyo ururo Islaami ah oo siyaasadeed iyo weliba magaca qowmiyadda".

Halka Cabbaas Al-Dharaabuli uu ku daabacay wasgayska Maanta iyo Masar sababaha isbadelka siyaasadda qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ee Israa'iil, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay "waaqica siyaasadeed ee haatan taagan". Waxaannu yiri: "Waxaa suuragal ah in taariikhda aanan lagu hayn heerka uu gaaray kala qaybsanaanta dhex-taal dhinacyada Falastiiniyiinta, sidaas oo ay tahayna waxaannu qadiyadda Falastiiniyiinta u arkaynay inay tahay arrinta koobaad ee Carabta, walow uusan xaalku sidaas wada ahayn markii la eego qaar ka mid ah garbaha Falastiiniyiinta laf ahaantooda sababtoo ah waxaa ku jira kuwo qadiyadda ka dhigtay fursad ay ku faa'iidaan amaba kayd dahab ah oo ay ku ganacsadaan, haba noqoto inay wax ku haddidaanee."

Waxa uu sii raaciyay: "Cidna maskaxdeeda kuma aanay soo dhicin in dowladaha Khaliijka ay u suuragalayso inay maalin uun la fariistaan oo ay wax isku afgartaan oo ay heshiis saxiixdaan… hasayeeshee taasi waa siyaasadda haatan taagan… ama waaba "waaqica siyaasadeed"… arrintaas ma saamaynaysaa Falastiiniyiinta mise iyagaaba sabab u aha isbadelkan… ama waaqica haatan jira ayuu ujeedku yahay in lagu gaaro in la dhiso dowlad ay Falastiiniyiinta oo garab deggan dowladda Israa'iil".

"Sucuudigu muxuu isu dib dhigayaa?"

Aadan Maxmed warbixin uu ku ku qoray barta Al-Carabiya waxa uu isku waydiinayaa: "Muxuu Sucuudiga uga dib dhacayaa tareenka ku wajahan hagaajinta xriirka Israa'iil?

Waxaannu yiri: "Sanadihii ugu dambeeyay, boqortooyada Sucuudiga waxa ay u muuqanaysay inay wadday olole loogu gogol xaarayo tallaabo kasta oo loogu dhawaanayo Israa'iil.

Dadka Sucuudiga u dhashay ee Twitter-ka wax ku qorana waa dadkii baraha bulshada ka bilaabay arrimaha ku saabsan hagaajinta xiriirka… marka la fiiriyo arrimaha siyaasaddana dhaxal suge Maxamed bin Salmaan wuxuu u muuqday mid daneynayay in xiriir dhaw lala yeesho Israa'iil. Boqortooyada waxay isku dayday inay ugu dhawaato maamuka Turump sida in wax laga baddalo mowqifkii laga haystay Yuhuudda".

Hasayeeshee waxa uu arkaa "In nidaamka Sucuudiga uu ka cabsi qabo in dhaleecayn adag oo loo soo jeediyo ay wax u dhimmi karto maqaamkiisa. Weliba xilli Turkiga oo uu Erdogan hogaaminayo loo arko dowlad dhexdhexaad oo Islaamka ku adag una taagan difaaca shacabka Falastiiniyiinta".