Abiy Ahmed oo bedelay taliyeyaashii ciidanka iyo sirdoonka Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo khilaafka ka taagan gobolka woqooyi ee Tigray ay isa soo tarayo, ayaa ra'isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, waxa uu bedelay saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda iyo ciidana dalka.
Isku shaandhayntan uu maanta oo Axad ah sameeyey ra'isal wasaaruhu wuxu xilkii kaga qaaday wasiirkiisii armiha dibadda, Gedu Andargachew, waxaanu ku bedelay ra'isal wasaare xigeenkiisa Demeke Mekonen oo noqonaya wasiirka arimaha dibadda ee dalka isagoo xilkiisii ra'isal wasaare ku xigeenimona sidiisii u haynaya.
Wasiirki hore ee arrimaha dibaddana waxaa loo magacaabay la taliyaha amniga qaranka oo u dhiganta jago wasiir.
Taliyihii ciidamada Itoobiya, Gen Adem Mohammed, ayaa isna lagu bedelay ku xigeenkiisii Gen Berhanu Julla oo haatan noqon doona taliyaha ciidamada dalka. Halka Gen Abebaw Taddese loo magacaabay ku xigeenka taliyaha ciidmada qlabka sida.
Madaxweynihii dawlad deegaanka Axmaarada, Temesgen Tiruneh ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha nabad sugidda dalka.
Demelasha Gebremichael ayaa isna loo magacaabay in uu nodo taliyaha booslika Federaalka Itoobiya.
Talaabadan lama filaanka ah ayuu ra'isal wasaare Abiy qaaday maanta iyada oo xiisadda Tigray ka sii darayso.
Dhanka kale, Berhanu Julla oo haatan laga dhigay taliyaha guud ee ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidmada dowladdu qabsadeen magaalooyinka Dansha, Baakar ee gobolka Tigray oo ay haatan ku dhow yihiin magaalooyinka Shire iyo Shiraaro.
Wuxuuna sheegay haddii kooxda uu ku sheegay budhcadda ee TPLF aan cagta la marin in aanu dalka Itoobiya nabad buuxda heli doonin.
Waxaanu sheegay in ciidan kooban oo ay maleeshiyaadka TPLF go'doomiyeen ay ciidamada qaranku soo badaadiyey. Wuxuu intaa ku daray oo yidhi maleeshiyaad iyo ciidmada boolika deegaanka Tigray ayaa ciidamada qaranku gacanta ku soo dhigeen.
War murtiyeed uu soo saaray maamulka deegaanka Tigray ayaa lagu sheegay in xukuumadda Abiy ay dhegaha ka fureysatay baaqyada nabadeed oo ay dagaal aan laga fiirsan deeganka ku oo qaaday.
Madaxweynaha degganka Tigray, Dr Debretsion Gabresilasie, ayaa sheegay in xukuumadda Abiy hoggaaminayo ee deegaanka Tigraay dagaalka ku soo qaadday ay qasaaraha dagaalkaasi ka dhashay mas'uuliyaddiisa iyadu qaadi doonto, waa siduu hadalka u dhigaye.
Hase yeeshee ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha dagaalkaa ka dhashay iyo magaalooyinka ay labada dhinac sheeganayaan in ay kala qabsadeen.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Itoobiya, Aadan Faarax, ayaa isna warbaahinta qaarkeed ku eedeeyey in ay ku hawlan tahay faafinta warar been abuur ah oo ay tahay in talaabo laga qaado. Waxaanu sidoo kale digniin ugu sheegay in aanay ka faa'iidaysan xaaladda dagaal eek a taagan gobolka Tigraay, isaga oo intaa ku daray in ay xukuumadda la gudboontahay in ay tallaabo ka qaado warbaahinta ku shaqaynaysa hanaanka lidka ku ah dastuurka dalka.
Aqalka Sare ee baarlamanka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey qaraar dawladda federaalka ah u fasaxaya in ay xukuumad ku meel gaadh ahu dhisto gobolka woqooyiga dalkaas ku yaal ee Tigray.
Fadhi deg deg ah oo uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ayaa Aqalka Sare ku ansixiyey qaraarkaas iyada oo aanay ilaa haatan muuqan in xiisadda ka taagan gobolkaasi degayso.

Jimcihii ayaa ra'isal wasaaraha dalka, Abiy Ahmed, sheegay in milatariga dalku qaaday weerarro cirka ah oo uu ku burburiyey xarumaha saanaddu u taal maamulka gobolka, waxaanu sheegay in weerarro kale la qaadi doono.
Xukuumadda Abiy ayaa ku eedaysay xoogaga gobolkaas ee u daacadda ah xisbiga TPLF ee talada gobolka hayey tan iyo horaantii sagaashamaadkii, in ay weerarro ku qaadeen saldhig milatari oo gobolkaa ku yaal iyo sidoo kale goobo ka tirsan gobolka la deriska ah ee Amhara.
"Duqeyntii diyaaradaha waa la fuliyey welina wey socotaa, duqeymahaasina waxaa loo fuliyey si loo wiiqo awoodda cadowga. Meelo ka mid ah deegaanka Tigray gaar ahaanna agagaaraha magaalada Maqale waxaa ku kaydsan gantaalo aad u badan gantaladaasi oo ay riddadoodu gaadhi karto 300 oo km, markaa si aanay kooxdan fallagada ahi ay u isticmaalin, annaga oo ka duuleyno xogaha naga soo gaadhay Maqale ee ahaa iney tijaabo wadaan ay gantaalladaasi u isticmaalaan, ayaanu si aan waxyeellada ka iman karata uga hortagno waxaan gabi ahaanba burburinnay raadarradii iyo gantaalaha riddada dheer ee halkaasi ku keydsanaa, balse duqeymaha dhinaca cirka ee la fuliyey ma ahayn kuwo lagu beegsaday goobo shacab." Ayuu yidhi ra'isal wasaare Abiy oo ka hadalay amarkii uu ku bixiyey in la duqeeyo goobo ku yaal gobolka Tigray.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro "isla xisaabtan la'aanta ka jirta gobalkaas".
Abiy Ahmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ma huraan tahay in hogaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaa maxkamad la soo taago oo lagula xisaabtamo "xasilooni darrada ay halkaa ka abuureen."
Falcelinta maamulka gobolka Tigray
Madaxaweynaha gobolkaas, Debrestion Gebremicheal, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee gobolkaasi ay difaac kaga jiraan xuduudaha gobolka. Waxaanu intaa ku daray in ciidamada dowladda Itoobiya ay dagaal ku soo qaadeen xadka deegaanka Tigray.
Getachew Reda oo ah xubin ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga tadla gobolka Tigray haya ee TPLF oo isna warbaahinta Tigraay la hadlay ayaa yidhi "Abiy Ahmed hubka gacantiisa ku jira oo dhan inuu isticmaalayo waan ognahay, anaguna tallaabooyinka uu isagu qaadayo kuwo laba jibaarkood ah ayaan qaadeynaa. Diyaaradaha dagaalkana halkooda iyaga oo aan ka soo kicin inaan ku burburinno ayaan diyaar u nahay."

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/GETACHEW REDA
Warbaahinta deegaanka Tigray waxay baahisay muuqaal shacabka magaalada Maqale qaar ka mid ah laga duubay oo ay shacabku ku sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan weerar kasta oo xukumadda Abiy ku soo qaado deegaankooda.
Xogaha ka soo baxaya dowladda Itoobiya waxay sheegayaan ciidamada dawladdu inay hub culus ku garaaceen tuulooyin ku yaalla xadka deegaanka Tigray ayna qabsadeen deegaanno dhowr ah balse ma jiro ila madax bannaan oo xaqiijiyey.
Iyada oo dagaalka deegaanka Tigray sii xoogeysanayo ayaa waxaa isa soo taray baaqyada labada dhinac ee dagaalamaya gudaha iyo dibaddaba uga imanaya ee lagaga codsanayo in ay dagaalka joojiyaan oo ay miiska wadahadalka wada fadhiistaan oo ay khilaafka taagan ku xaliyaan.











