Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyey in xukuumad ku meel gaadh ah loo dhiso Tigray

.

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

Qoraalka sawirka, .

Aqalka Sare ee baarlamanka Itoobiya ayaa ansixiyey qaraar dawladda federaalka ah u fasaxaya in ay xukuumad ku meel gaadh ahu dhisto gobolka woqooyiga dalkaas ku yaal ee Tigray.

Fadhi deg deg ah oo uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ayaa Aqalka Sare ku ansixiyey qaraarkaas iyada oo aanay ilaa haatan muuqan in xiisadda ka taagan gobolkaasi degayso.

Jimcihii ayaa ra'isal wasaaraha dalka, Abiy Ahmed, sheegay in milatariga dalku qaaday weerarro cirka ah oo uu ku burburiyey xarumaha saanaddu u taal maamulka gobolka, waxaanu sheegay in weerarro kale la qaadi doono.

Xukuumadda Abiy ayaa ku eedaysay xoogaga gobolkaas ee u daacadda ah xisbiga TPLF ee talada gobolka hayey tan iyo horaantii sagaashamaadkii, in ay weerarro ku qaadeen saldhig milatari oo gobolkaa ku yaal iyo sidoo kale goobo ka tirsan gobolka la deriska ah ee Amhara.

"Duqeyntii diyaaradaha waa la fuliyey welina wey socotaa, duqeymahaasina waxaa loo fuliyey si loo wiiqo awoodda cadowga. Meelo ka mid ah deegaanka Tigray gaar ahaanna agagaaraha magaalada Maqale waxaa ku kaydsan gantaalo aad u badan gantaladaasi oo ay riddadoodu gaadhi karto 300 oo km, markaa si aanay kooxdan fallagada ahi ay u isticmaalin, annaga oo ka duuleyno xogaha naga soo gaadhay Maqale ee ahaa iney tijaabo wadaan ay gantaalladaasi u isticmaalaan, ayaanu si aan waxyeellada ka iman karata uga hortagno waxaan gabi ahaanba burburinnay raadarradii iyo gantaalaha riddada dheer ee halkaasi ku keydsanaa, balse duqeymaha dhinaca cirka ee la fuliyey ma ahayn kuwo lagu beegsaday goobo shacab." Ayuu yidhi ra'isal wasaare Abiy oo ka hadalay amarkii uu ku bixiyey in la duqeeyo goobo ku yaal gobolka Tigray.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro "isla xisaabtan la'aanta ka jirta gobalkaas".

Abiy Ahmed waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ma huraan tahay in hogaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaa maxkamad la soo taago oo lagula xisaabtamo "xasilooni darrada ay halkaa ka abuureen."

Diyaaraduhu intaanay soo kicin ayaan halkooda ku burburin doonaa

Madaxaweynaha gobolkaas, Debrestion Gebremicheal, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee gobolkaasi ay difaac kaga jiraan xuduudaha gobolka. Waxaanu intaa ku daray in ciidamada dowladda Itoobiya ay dagaal ku soo qaadeen xadka deegaanka Tigray.

Getachew Reda oo ah xubin ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga tadla gobolka Tigray haya ee TPLF oo isna warbaahinta Tigraay la hadlay ayaa yidhi "Abiy Ahmed hubka gacantiisa ku jira oo dhan inuu isticmaalayo waan ognahay, anaguna tallaabooyinka uu isagu qaadayo kuwo laba jibaarkood ah ayaan qaadeynaa. Diyaaradaha dagaalkana halkooda iyaga oo aan ka soo kicin inaan ku burburinno ayaan diyaar u nahay."

Getachew Reda

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/Getachew Reda

Qoraalka sawirka, Getachew Reda

Warbaahinta deegaanka Tigray waxay baahisay muuqaal shacabka magaalada Maqale qaar ka mid ah laga duubay oo ay shacabku ku sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan weerar kasta oo xukumadda Abiy ku soo qaado deegaankooda.

Xogaha ka soo baxaya dowladda Itoobiya waxay sheegayaan ciidamada dawladdu inay hub culus ku garaaceen tuulooyin ku yaalla xadka deegaanka Tigray ayna qabsadeen deegaanno dhowr ah balse ma jiro ila madax bannaan oo xaqiijiyey.

Iyada oo dagaalka deegaanka Tigray sii xoogeysanayo ayaa waxaa isa soo taray baaqyada labada dhinac ee dagaalamaya gudaha iyo dibaddaba uga imanaya ee lagaga codsanayo in ay dagaalka joojiyaan oo ay miiska wadahadalka wada fadhiistaan oo ay khilaafka taagan ku xaliyaan.

Maxaa la isku hayaa?

Xiisadda u dhexaysa TPLF iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa taagneyd intii muddo ah.

Ra'iisal wasaare Abiy ayaa sanadkii hore kala diray isbahaysigii talada hayay, waxaana uu sameeyay xisbi qaran oo ay ku jiraan dhowr xisbi oo ka dhisan deegaannada qowmiyadaha ku salaysan, kaasoo loo bixiyay Prosperity Party.

TPLF ayaa diiday inay ku biirto Prosperity Party.

Xiisadda ayaa ka sii dartay markii ay TPLF qabsatay doorasho deegaan bishii September, tallaabadaas oo ka caraysiisay Addis Ababa oo codbixinta ku tilmaamtay mid "sharci darro ah".

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Doorashadaas ayaa dhalisay walaac ah in TPLF ay isu diyaarinayso inay ka go'do Itoobiya inteeda kale. Xisbigaas ayaa ku dooday inay ka go'an tahay ka sii mid ahaanshaha Itoobiya, balse uu diidan yahay waxa uu ugu yeeray isku dayga Abiy ee ah xukuumad dhexe oo awood badan.

Ra'iisal wasaaraha ayaa ku eedeeyay TPLF inay weerartay saldhig uu leeyahay milateriga Itoobiya, waxaana ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday in gobolka Tigray la geliyay xaalad degdeg ah muddo lix bilood ah. Hawada gobolkaas ayaa la xiray.

.
Qoraalka sawirka, .

Dareenka beesha caalamka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" xaaladda, waxaan uu ku baaqday in degdeg loo joojiyo dagaalka.

Xoghayaha arimaha dibedda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa Arbacadii ku baaqay in la joojiyo xabbada.

"Waxaan ka xunnahay dadka ku dhimanaya dagaalka, waxaana ku baaqaynaa in degdeg lagu joojiyo colaadda, isla markaana nabad lagu soo dabaalo gobolka. Badqabka shacabka iyo ammaankooda ayaa muhiim ah," ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray.

Midowga Afrika oo ay xaruntiisu tahay Addis Ababa ayaa xoogga saaraya in wadahadal lagu xalliyo xiisadda, balse dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa diidan wadahadalkaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.