Trudeau iyo Macron oo ka wada hadlay xiisaddii ka dhalatay sawir gacmeedkii Nabi Maxamed

Emmanuel Macron iyo Justin Trudeau

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Emmanuel Macron iyo Justin Trudeau

Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa la hadlay dhiggiisa Faransiiska kaddib xiisaddii dhawaan ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ee sii huriyay xasaraddii ka dhalatay sawir-gacmeedka "lagu aflagaadeeyay" Nabi Maxamed NNKH.

Trudeau wuxuu sheegay in murugada uu la qeybsanayo shacabka Faransiiska kaddib weerarkii aragagixisada ahaa ee lagu qaaday halkaas.

Macalin u dhashay Faransiiska ayaa la gowracay kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay nebi Maxamed N.N.K.H.H.

Hadalka madaxweyne Emmanuel Macron uu ku difaacay daabacaadda sawir gacmeedka nebiga wuxuu ka careysiiyay dunidaMmuslimka oo ay ka dhaceen dibadbaxyo loogu baaqayay dalalka inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.

Muxuu yiri Trudeau?

Mr Trudeau wuxuu cambaareeyay weeraradii dhawaan ka dhacay Faransiiska oo uu kamid yahay weerarkii lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice.

Ra'iisul Wasaaraha Canada oo ka jawaabayay xiisadda ka dhalatay sawir gacmeedka laga sameeyay nebiga wuxuu yiri "Xoriyatul qowlka waa mid xaddidan"

"Waxaa inoogala baahan yahay in aan xushmeyno dadka kale ma ahan in si ula kac ah ama tallaabo aan loo baahneyn lagu dhaawaco dad aan bulshad ahaan dunida ku wada noolnahay...waxaa markasta jiraa xudduud"

Muxuu yiri Macron?

Talaadadii, Madaxweyne Macron wuxuu teleefoon kula hadlay madaxa gobolka Quebec ee Canada, Francois Legault kaas oo uu uga mahadceliyay hadallada uu ku taageeray Faransiiska kaddib weerakii ka dhacay halkaas.

Mr Legault wuxuu sheegay "In shaki la'aan uu cambaareeyay" wixii ka dhacay Faransiiska.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Balse Macron maalintaas ma uusan wicin Trudeau- waxaana loo arkay in uu is moogeysiinayo Ra'iisul Wasaaraha Canada, iyadoo labada nin ay yihiin saaxibbo dhanka siyaasadda ah.

Maxay ka wadahadleen maanta?

Trudeau wuxuu sharraxaad ka bixiyay hadalkiisii hore ee ahaa "Waxaa muhiim ah in aan sii wadno difaacidda xuriyatul qowlka"

Wuxuu intaa ku daray "Farshaxameystayaasheena waxay inaga caawinayaan in wax ka baddalno aragtideena, waxayna kaalin muhiim ah ka qaateen horumarka bulshada, waana sii wadeynaa difaacidda xuriyatul qowlka"

Waxay ka wadahadleen labada hoggaamiye inay muhiim tahay difaacidda xuriyatul qowlka iyo xuquuqda aadanaha.

Waxayna isku raaceen inay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada iyo kooxaha xagjiriinta ah.