Sida haweenka codkoodu sabab ugu noqon karo in Trump guulaysto

.

Xigashada Sawirka, OSE MORENO

Qoraalka sawirka, .

Haweenka ku nool xaafadaha ay dadka ladani degan yihiin waxay leeyihiin cod badan oo keeni kara in qofka ay taageeraan noqon karo madaxweynaha Maraykanka. Haweenkaas ayaa faahfaahinaya aragtida taban ama ta togan ee ay labada musharax ka haystaan iyaga.

Kimberly Kriebel ayaa sharaxaysa guri ay doonayso in ay iibsato. Waa guri laban qurux badan lagu dhisay oo u dhaw halka ay sodohdeed degantahay oo ah East Norriton, oo ah xaafad ay dadka ladani degaan oo ku taal Philadelphia. Kriebel iyo saygeedu waxay degan yihiin guri ku yaal dhimse fooq ah oo qiyaastii kiiloo mitir iyo badh u jira.

"Markaan halkan imaada waxaan jeclaystaa guryahaa daaradda leh" ayay tidhi, galabnimo Axad ah iyada oo lugaynaysa waddo caleen dhirta ka soo daadatay goglantahay. Kriebel waa 46 jir waxaanay sheegtay in ay la dhacsantahay siyaasadaha Trump ee ganacsiga taakulaynaya waxaanay aaminsantahay in iyada iyo saygeedu ay heli doonaan fursad fiican oo ay ku iibsadaan guriga ay hiigsanayso hadii Trump xilka sii hayo.

"Waa hubaal inuu dhaqaalaha si fiican uga shaqeeyey" ayay tidhi. Arimo kale oo ay ku jeceshahay na way jiraan. Waxay ku kortay guri qoys Masiixiyiin ah oo waxay u riyaaqdaa mawqifka uu ka taagan yahay in haweenku uurka iska soo ridaan iyo sidoo kale sida uu u taageero xorriyada diinta "waanu la dhacnay" ayay tidhi.

Aragtidaa togan ee ay ka qabto Trump waxa la qaba haween badan oo ay deris yihiin, laakiin uma wada dhama.

Meryl Daly-Parker oo ah kalkaaliso caafimaad oo 54 jir ay ayaa dibadda u soo baxday.

Markii la weydiiyey aragtida ay ka qabto Trump, qosol bay ku dhufatay. Waxay sheegtay in ay farta wadnaha kaga hayso midab takoorka dawladaysan, fayraska korona iyo shaqo la'aanta badan. "wax badan oo dalkani la daalaa dhacayaa jira" ayay tidhi, waxaanay sheegtay in Trump wax badan sii kharibay.

Waa laba haweena oo ku wada nool xaafadaha dadka ladani degan yihiin oo hadana laba aragtiyood oo kala fog ka qaba madaxweynaha.

Aniga i taageera

Codka haweenku weligiiba doorashooyinka Maraykanka miisaan buu ku leeyahay. Haweenka codkooda dhiibta ayaa ka badan ragga, sidaana waxa lagu ogaaday daraasad ay samaysay xarunta cilmi baadhista ee Pew.

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Donald Trump

Muhiimadda aragtida haweenka codka bixiya ayaa dhawaan soo jiidatay ololaha Trump sababtuna waxa weeyi in uu isku deyeyo in uu yareeyo farqiga u dhaxeexay isaga iyo ninka la loolamaya ee Joe Biden marka la eego taageerada haweenka. Ra'yi ururin uu dhawaan sameeyey Telefishanka ABC ayaa sheegtay in 61% haweenka codkooda ka dhiibanaya gobolka Pennsylvania ay taageersan yihiin Biden, halka 38% keli ahi ay Trump taageersan yihiin.

Pennsylvania waa gobol ay aad ugu loolamayaan musharaxiintu oo codkiisuna uu guusha saamayn ku leeyahay. Waana sababtaa ta haweenka ku nool gobolkan codkoodu muhiimad ka weyn tii waayadii hore u yeeshay.

Trump wuxuu isku deyeyaa in uu soo jiidto codka haweenkaas. Wuxuu u sheegaa in uu xaafadaha ay degan yihiin ka ilaalin doono dadka geysta falal dembiyeedyada, waxaanu sidoo kale uga digaa halista ay ku yeelan karto siyaasadda Xisbiga Dimuqraadiga ee ah guryo jaban in ay dadku helaan maadaama oo taasi keeni karto in xaafadaha ay degan yihiin dad [sabool] ahi soo degi doonaan.

Biden iyo afadiisa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Biden iyo afadiisa

Fagaare ku yaal gobolka Michigan ayaa Trump wuxuu dadkii isku soo baxay ku weydiiyey ''ma waxaad doonaysaan in xaafadaha aad degantihiin ee quruxda badan laga bilaabo mashruuc guriyeyn ah oo jaban?" fagaareyaal kale oo uu ka hadlayna si toos ah ayuu haweenka ula hadlay.

''Dumarka ladan baan la hadlayaa, fadlan ii codeeya aniga" ayuu ka yidhi fagaare uu ka ololaynayey oo ka dhacay Nevada. ''Xaafadihiina ayaan ilaalinayaa. Bulshadiina ayaan ilaalinayaa, waxaan hoos u dhigi doonaa falal dembiyeedka ka dhaca xaafadihiina." Mararka qaarna isaga oo baryootamaya ''fadlan ma aydun i taageeri" ayuu ku yidhi haweenka gobolka Pennsylvania.

Biden ayaa qudhiisuna haweenka codkooda dhiibta u carrab laalaadinaya. Qorshihiisana waxa ka mid ah arimo badan oo ay danaynayaan haweenka ku nool xaafadaha dadka ladani degan yihiin sida isbedelka cimilada, caafimaadka iyo tacliinta aasaasiga ah. Joe Biden ''wuxuu leeyahay astaamaha shakhsiyadii wax hagaajin lahayd" ayey afadiisa oo haweenka Pennsylvania internet-ka kala hadlaysay tidhi ''yoolkiisuna waa inuu dib u qaabeeyo mustaqbalkeenna" ayay intaa ku dartay.

Haweenka ladan qudhoodaa kala qaybsan

Xaafadda ay deganyihiin Kimberly Kriebel oo taageersan Trump iyo Meryl Daly-Parker oo iyadna taageersan Biden ayaa goor galab ah isugu yimid bal in ay ka wada sheekaystaan guud ahaan waayaha xaafadaha dadka ladani ay ku nool yihiin ee qudhooduna ku jiraan.

Xaafadaha dadka ladani ay degenyihiin dadka ku nooli waxay u badnaan jireen dad caddaan ah oo muxaafidiin ah. Haatan se xaafadaha ay ka midka tahay ta ay ku nooshahay Daly-Parker dad kala isir ah ayaa ku nool mararka qaarkoodna waxay ku kala qaybsamaan siyaasadda.

Meryl Daly-Parker

Xigashada Sawirka, JOSE MORENO

Qoraalka sawirka, Meryl Daly-Parker

Guri ku yaal wado xaafaddaa marta ayaa waxa dhinac kaga dhegan boodh lagu taageerayo Trump dhanka kalana waxa ku yaal mid kale oo Biden lagu taageerayo.

''Waxa markii hore lagu dhejiyey boodhka Biden" ayay tidhi Kriebel oo arimaha bulshada ka shaqaysaa ''markii dambena boodhka Trump ayaa lagu dhejiyey".

Sannadkii 2016 ayaa haween badan oo ku nool xaafadaha dadka ladani deganyihiin iyaga oo la dhacsan u codeeyeen Trump. Guud ahaan haweenka cadaanka ah ee u codeeyey waxay ahaayeen 52%. Intan dambe se inkasta oo taageeradiisii haweenka caddaanka ah uu ka haystay hoos udhacday, sida ray'i ururin dalka oo dhan laga sameeyey tilmaamyso, waxa haatan Trump taageersan 45% halka taageerada uu haweenka caddaanka ah ka haysto Biden tahay 54%.

Dareen shakhsi ah

Dumar badan oo ku nool xaafadaha dadka ladani deganyihiin ayaan siyaasadda danayn jirin [doorashadii] Trump ka hor. Hase yeeshee arintii isagaa ka dhigay waxa ay si shakhsi ah u daneeyaan. Maanta qaarkood ayaa u arka inuu yahay geesi; halka kuwo kalena u arkaan shar socda. Labada qoloba dedaal bay ugu jiraan in waxay aaminsan yihiin meel maro.

Kriebel waxay sheegtay in ay taageersantahay dedaalka uu ku doonayo in sharciyada qaarkood uu wax kaga bedelo iyo sidoo kale in ay jeceshay sida uu ula dagaalamayo nidaamka dawladeed ee kakan. Waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay in xisbiga Dimuqraadigu guulaysto oo taasina saamayn taban ku yeelan karto duruufteeda maaliyadeed.

''Biden wuxuu sheegay in uu cashuurta kordhinayo oo uu soo xarayn doono lacag badan oo tiriliyoonno ah" ayay tidhi ''waana arin cabsideeda leh taasi".

Kimberly Kriebel

Xigashada Sawirka, JOSE MORENO

Qoraalka sawirka, Kimberly Kriebel

Ma doonayso in cashuurta la kordhiyo, maadaama oo iyada iyo saygeedu doonayaan in ay guri iibsadaan ''waxay sheegayaan ee ah in wax kastaa bilaash noqon doono, lama hubo in ay run tahay oo ay bilaash noqon doonaan. Waxay sheegayaan jaamacadaha oo bilaa lacag lagu dhigan doono, daryeel caafimaad oo bilaash ah oo la siin doono dadka soo galootiga ah. Maxaa igu qasbaya in lacagta waxaas oo dhan lagu qabanayo aniga la iga qaado?"

Daly-Parker iyaduna aad bay u danaynaysaa doorashadan, hase yeeshee way ka aragti duwan tahay Kriebel. Waxay sheegtay in madaxweynuhu ku guul daraystay in uu dalka hogaamiyo. ''Isbedel baan u baahannahay" ayay tidhi. Dabeetana baabuurkeeday fuushay oo intay daaqadda soo xidhatay dhaqaaqday.