Waa kuma wadaadka Faransiiska ah ee magangalyada weydiistay Turkiga?

Idriss Sihamedi/ Facebook

Xigashada Sawirka, Idriss Sihamedi/ Facebook

Qoraalka sawirka, Idriss Sihamedi
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshooyinka Muslimiinta ee ku nool dalka Faransiiska Idriss Sihamedi, ayaa dalka Turkiga weydiistay magangalyo siyaasaadeed ka dib markii dowladda Faransiiska ay xirtay hay'ad Islaami ah oo uu hoggaaminayay.

Dowladda Faransiiska ayaa albaabada isugu dhufatay hay'adaasi gargaarka oo ah mid ka mid ah hay'adaha Muslimiinta ugu ballaaran dalka Faransiiska oo lagu magacaabo BarakaCity.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal ayaa sheegay in go'aankaasi lagu gaaray kulan ay yeesheen golaha wasiirada Faransiiska.

Wuxuu ku dooday inay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaayo Islaamiyiin xagjir ah, wuxuuna ku eedeyay inay cudur daar u sameeyeen weerarrada argagixisada.

Idriss Sihamedi, ayaa beeniyay eedeymaha loo so jeediyay hay'addiisa oo gargaar gaarsiisa 2 milyan oo qof oo ku kala nool 26 dal . Muddo 10 sano ah ayay shaqeyneysay BarakaCity.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Magangalyo siyaasadeed

Mr Idriss ayaa isagoo boggiisa Twitter-ka isticmaalaya waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu magangalyo siyaasadeed dalkiisa ka siiya.

" Waxaa jeclaan lahaa in aniga iyo shaqaalahayga(BarakaCity) inaan magangalyo weydiisano Turkiga maxaa yeelay ma dareemaya inaan ku badqabno gudaha Faransiiska", ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka isagoo adeegsanaya luuqadda Turkiga.

Bartamihii bishan Oktoobar ayay boolisku u dhacen gurigiisa, xabsiga ayayna u taxaabeen. Balse maalin ka dib waa la soo daayay.

Protest calling for the boycott of French products and to denounce French President Emmanuel Macron in Dhaka, Bangladesh, October 27, 2020

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hadalka madaxweyne Macron ayaa ka cadheysiiyay dad badan oo Muslimiinta caalamka ah

Waxay qeyb ka ahayd dhowr goobood oo ay boolisku weerar ku qaadeen ka dib markii madaxweynaha Faransiiska uu wacad ku maray inuu la dagaalami dono Islaamiyiinta ''gooni u socodka'' ee ku nool dalka. Wuxuu sidaa ku yiri khudbad muran badan dhalisay oo uu jeediyay isagoo diinta Islamakana ku sheegay ''Diin bartamaha uga jirta xasaarad dunida oo dhan''

bbc