Darawal bukaannada ka caawiyo fullinta hammigooda ka hor geerida

Kees Veldboer wuxuu garwadeen ka yahay barnaamij bukaanada looga caawinayo inay tegaan goobaha ay jecel yihiin ka hor geerida

Xigashada Sawirka, Kees Veldboer

Qoraalka sawirka, Kees Veldboer wuxuu garwadeen ka yahay barnaamij bukaanada looga caawinayo inay tegaan goobaha ay jecel yihiin ka hor geerida

Kees Veldboer oo 60 sano jir ah, oo u dhashay dalka Holland, waxay shaqadiisu tahay in bukaannada la xanuunsan cudurrada halista ah uu ka caawiyo inay soo arkaan goobaha ay doonayaan inay u dalxiis tegaan ama waxa ay jecel yihiin ka hor inta aysan geeriyoon.

Muddo ka badan 10 sano, wuxuu kumanaan qof, oo la daala dhacayay cudurro dilaa ah, ka caawiyay in ay soo arkaan goobaha ay jecel yihiin ka hor inta aanay dhiman.

"Wuxuu BBC-da uga warramay howlo samafal ah oo uu qabtay maadama uu galay safaro badan."

Muddadii uu shaqadaas ku howlanaa wuxuu bukaannadan geeyay goobo dhowr ah sida, matfaxyo, badda, garoomada ciyaaraha, kaniisado iyo goobo dalxiis.

Safarkii Vatican-ka

Sannadkii 2013-kii, haweeney 60 sano jir ahayd oo lagu waday sariirta bukaannada oo dooneysay inay la kulanto Baaderi weynaha kaniisadda madhabta Catholic ee Pope Frances ayuu caawiyay.

Wuxuu ku qaaday gaari, waxaana u suuragashay in ay la kulanto Pope-ka, wuxuu ka baxay magaalada Rotterdam ee Holland si uu gaaro Taliyaaniga.

Haweeneyda oo xanuunsanayd oo ku jiiftay sariirta bukaanada ayuu u geeyay Pope-ka "isla markaana uu ugu soo duceeyay halkaas".

Kees Veldboer wuxuu bukaanada qaar u fududeeyay inay arkaan Pope Francis si uu ugu soo duceeyo

Xigashada Sawirka, Kees Veldboer

Qoraalka sawirka, Kees Veldboer wuxuu bukaanada qaar u fududeeyay inay arkaan Pope Francis si uu ugu soo duceeyo

Haweeneydii waxay geeriyootay maalmo ka dib markii ay la kulantay Pope-ka

Kees Veldboer wuxuu inta badan ka jawaabi jiray codsiyo uga yimid dad uusan aqoon u laheyn, wuxuu dadka xanuunsan ka caawiyay inay macsalaameeyaan waxyaabaha ay jecel yihiin ka hor inta aanay geeriyoon.

Kees waa dhakhtar, wuxuu ahaan jiray darawal kaxeeya gawaarida gurmadka degdegga ah, wuxuuna sanado badan goobjoog u ahaa geerida bukaano badan. Wuxuu sheegay in arrintaas aysan wax welwel ah ku abuureyn.

Wuxuu sheegay in inta badan dadka uu caawiyay ay jiraan da'da 70, 80 illaa 90 sano.

Adeegyada bilaashka ah

Labadii sano ee ugu horreysay, Kees iyo xaaskiisa waxaa u suuragashay in ay ka jawaabaan codsiyada isa soo tarayo, maadaama ay dhakhaatiir yihiin. Si uu codsiyadaa uga jawaabo wuxuu ka tegay shaqadiisa si uu ugu biiro ha'yaddiisa.

"Ha'yaddeena waxay caawisay ku dhawaad 15,000 qof si ay u soo arkaan goobaha ay jecel yihiin ka hor inta aysan geeriyoon," ayuu yiri.

Bukaanada wuxuu geeya goobaha kala duwan ay jecel yihiin inay soo arkaan

Xigashada Sawirka, Kees Veldboer

Qoraalka sawirka, Bukaanada wuxuu geeya goobaha kala duwan ay jecel yihiin inay soo arkaan

Veldboer wuxuu haatan leeyahay ilaa 7 ka mid ah gawaarida gurmadka degdegga ah, waxay ha'yaddiisa ka howlgashaa illaa 14 dal, shaqadiisa ma ahan mid ganacsi ah balse wuxuu u qabtaa si bilaash ah.

"Wax dhaqaale kama helno dowlad, mana helo wax deeq ah," ayuu yiri Kees Veldboer.