Dumarkii ka muddaharaadsanaa kufsiga iyo dilka

Women protest in Algiers over the rape and murder of a teenage girl, on 8 October 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Protesters in Algiers said there was a heavy police presence during their rally

Dibadbaxyo ayaa lagu qabtay magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Algeria si loo dalbado tallaabo lagu joojinayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka ee kufsiga iyo dilka ah, kaddib markii ay sidaasi ku dhacday gabadh dhallinyaro ah.

Meydka la gubay ee Chaïma, oo 19 jir ah, ayaa laga helay goob shidaal oo cidla ah oo ku taal zatia, 80 km (50 mayl) bariga caasimada Algiers, bishan.

Gacan ku dhiigleheeda ayaa qirtay dambiga waana la qabtay, warbaahinta maxalligga ahi sida ay so tebisay.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in meydka haweeney kale oo la gubay laga helay kayn cidla ah xalay.

Haweenku waxay ku qabteen mudaharaaddo maagaalooyinka Algiers iyo Oran, iyagoo ku dhawaaqaya magaca koowaad ee Chaïma kuna baaqaya in la joojiyo rabshadaha ku saleysan jinsiga Dhaqdhaqaaqayaashu waxay sidoo kale baraha bulshada ku isticmaalayeen hashtag ah #JeSuisChaima (Waxaan ahay Chaïma).

Waxayna sheegeen in goobta u hadheeyey booliis aad uxooggan inkasta oo ay socdeen mudaharaaddo yaryar.

Chaïma

Xigashada Sawirka, Chaima

Qoraalka sawirka, Chaïma's body was found burnt
1px transparent line

"Xukuumaddani ma bixiso hoy ama habab ay uga badbaadiso dhibbanayaasha loo geysanayo jidhdilka, dowladdani waxay leedahay sharciyo, laakiin dhab ahaantii haweenka waxaa laga codsanayaa inay cafiyaan kuwa ku xadgudbay, walaalkood ama aabbahood ama wax kastoo ay tahay," sida ay tidhi haweeney ka mid ah dadkii ka qaybgalay isu soo baxaas.

"Haweenka waxay soo gudbiyaan cabasho waxayna sugaan seddex ama afar sano inta la xallinayo iyo xukun ka soo baxa. Kuwaani waa shuruudo aan la aqbali karin. Aljeeriya waxaa leh ragga iyo dumarka reer Algeria."

Chaïma hooyadeed waxay sheegtay in eedeysanaha uu isku dayay inuu kufsado gabadheeda sanadkii 2016, markaas oo ay ahayd 15 jir, laakiin kiiska laga noqday.

Kooxda Femicides Algeria, oo dabagal ku sameysa dilalka noocan oo kale ah, ayaa sheegtay in 38 haween ah lagu dilay jinsigooda awgeed dalkan tan iyo bilowgii sanadka. Waxay diiwaangeliyeen 60 sanadkii 2019, laakiin ayy rumeysan yihiin in tirada dhabta ahi ay aad uga badan tahay maadaama dilal badan oo noocaas ah aan la soo sheegin.