Yey tahay Xilka inuu ku wareejiyo ra'isal wasaaraha cusub?

Soomaaliya waxay dhawaan yeelatay Ra'isal wasaare cusub, iyadoo 23-kii Septmber 2020 golaha shacabku ay codka kalsoonida siiyeen Ra'isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Max'ed Xuseen Rooble.

Iyada oo dhinacya badanna ay dowladda ku dhaliilayeen Ra'isal wasaarihi hore ee xilka ka tagay ee Xasan Cali Kheyre inay ahayd si ku meel gaar ah inuu xilka u sii hayo inta uu ka imanayo ra'isal wasaarihi beddeli lahaa, xukumaddi uu ra'isal wasaarihi hore dhisayna ay si ku meel gaar ah ay u shaqeyneyso.

Balse xilka ra'isal wasaaranimada waxaa kusima ahaan u sii hayey ra'isal wasaara ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Warqad maanta uu Ra'isal wasaarihi hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu u diray Ra'isal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka xafiiska ra'isal wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya uu wareejiyo.

Sida oo kale wuxuu warqadda uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilwareejin uu ku sameeyo muddo usbuuc gudahiis ah, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda dadaallada loogu jiro horumarinta dalka.

Haddaba xilka Ra'isal wasaare sharciyan sidee loo wareejiyaa?

"Ra'isal wasaarihi codka kalsoonida baarlamaanka siiyey ay baarlamaanka ku ogaayeen inuu sharciyan uu hoggaamiyo dowladda federaalka isagaa laga rabaa inuu xil wareejinta sameeyo, maadaamaa isaga marka horaba loo dhaariyey codka kalsoonidana lagu siiyey hadda marka codka kalsoonida laga laabtayna isagaa laga rabaa sharciga sida uu tilmaamaya waa saas" ayuu yiri Abukaata Zakariya Yuusuf.

Ra'isal wasaaraha cusub maxaa laga filayaa?

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa laga sugayaa inuu xilka uu si buuxda uu ula wareego uuna soo dhiso xukumad iyada oo muddo xileedka dowladda hadda jirta ay ka harsan tahay 143 maalmood.

Xukumadda uu ra'isal wasaaraha cusub soo dhisana waxaa laga sugayaa iney baarlamaanka codka kalsoonida ka hesho.

"Howsha ra'isal wasaaraha cusub laga sugayo waxay tahay si deggan iney howlaha doorashada golaha wasiirrrada ku dhammeystiraan dalkana laga ilaaliyo gole wasiir la'aan inuu noqon, maadaamaa baarlamaankaba la filayo inuu dhawaan u dareero doorashada" ayuu yiri Abukaata Zakariya Yuusuf.

Taariikhda Maxamed Xuseen Rooble

Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay "Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka".

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso - waa haddii la meel mariyee - xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Bayaanka lagu magacaabay Rooble ee ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweyne Farmaajo ku faray: "In uu deg-deg ku soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa."

Haddaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble?

Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.

Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga.

Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay'adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).

Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaarsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali - lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani.

Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka.

Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo food-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee loogaga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee.

Wuxuuse ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka heshiiyeen nooca doorasho ee uu dalku geli doono iyo habkii loo mari lahaaba.