Laacibka reer Brazil Ronaldinho oo xabsi-gurigii laga sii daayay

Xigashada Sawirka, Asuncion Courthouse/EPA
Laacibka reer Brazil Ronaldinho ayaa laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa ee guriga ahaa ee dalka Paraguay. Wuxuu ciyaartoygan u xirnaa heysashada baasaboorro been abuur ah.
Ronaldinho oo koobka adduunka ku guuleystay iyo walaalkii ayaa muddo ku qaatay xabsi qol ah oo ku dhexyaalla hoteel qaali ah oo ku yaalla caasimadda Paraguay ee Asuncion.
Labadoodaba waala sii daayay hadda, balse waa in ay bixiyaan illaa $200,000 oo dollar.
Ronaldinho wuxuu lahaa mustaqbal dhalaalaya oo dhanka ciyaaraha ah ka hor inta uusan ka fariisan, sannadkii 2015-kii.
Wuxuu qeyb ka ahaa laacibiintii Brazil ku hoggaamisay in ay hanato koobkiii shanaad ee tartamaha ciyaaraha adduunka ee 2002-dii.
Sidoo kale wuxuu qaaday koobka Champions League iyo laba koob oo La Liga ah intii uu Bracelona u dheelayay.
Wuxuu ka dib u ciyaaray kooxaha Paris Saint-Germain and Inter Milan.
Bishii March, Isaga iyo walaalkii, Roberto de Assis Moreira - oo sidoo kale ah maamulaha ganacsigiisa - ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay baasabooro been abuur ah ku galayeen dalka Paraguay.
Ronaldinho wuxuu dalkaas u tagay in uu xayeysiiyo olole lagu hormarinayo carruurta u baahan taageerada dheeraadka ah.
Wuxuu xuska dhalashadiisa 40-aad ku qaatay xabsiga. Ka dib ayaa loo ogolaaday inuu u wareego hoteel qaali ah oo si damiin ah uu ku degganaa.
Dacwad-oogayaasha waxay aaminsan yihiin in laacibkan uusan ka warhayn inuu baasaboor been ah sitay, balse walaalkii uu arrintaa la socday. Si kastaba, labadoodaba waxay sheegeen in aysan dembi lahayn.
"Feejignaantii ahayd in la xiri karo ayaa meesha laga saaray, dhamaan xayiraadda ay saartay waaxda cadaaladda ee Paraguay na waa laga qaaday," ayuu yiri Garsoore Gustavo Amarilla oo Isniintii ka hadlay maxkamadda.










