Bruno: Ciyaartoyga caanka ah ee loo xiray dilka atariisho horay u jecleyd

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fursad kasta waxay ahayd muhiim, lagamana soo kaban karin inay khasaarto.
Kooxda waxay guul ka gaareen kooxda ay ku xifaaltamaan magaalada Rio de Janeiro ee Fluminense. 2-0 ayey uga badiyeen kulan ka tirsanaa horyaalka Brazil, oo ay ciyaareen galabtii ay taariikhda ku beegneyd 27-kii bishii May, 2010-kii.
Laad xor ah ayaa loo dhigay meel aan ka fogeyn xeyndaabka goolka kooxda kasoo horjeedday, xilli ay ciyaarta mareysay daqiiqaddii 90aad.
Gool hayihii kooxda Flamengo, Bruno Fernandes de Souza ayaa qaatay fursaddaas, wuxuuna dhaliyay gool aad u qurux badan.
Wuxuu ahaa goolkii afaraad ee uu dhaliyay intii uu xirfaddiisa ku guda jiray, isagoo waliba gool haye ah.
Rajo aad u fiican ayaa laga qabay inuu meel sare gaarsiin doono xulka qaranka Brazil, oo ku caan baxay inay soo saaraan ciyaartoyda xirfaddooda cajiibka tahay.
Laakiin hal bil kaddib xilligaas, waxaa isbaddalay guud ahaan mustaqbalkiisii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bruno waxaa loo xiray eedeyn ku saabsan inuu amray afduub iyo dil argax darro ah oo loo geystay haweeney.
Warbaahinta Brazil ayaa xooggooda saaray tabinta wararka ku saabsan kabtanka kooxda Flamengo ee eedeynta dilka ah loo heysto, halkii ay wararkooda xoogga ku saari lahaayeen ciyaarihii koobka adduunka ee sanadkaas 2010-kii.
Gabadha la dilay, oo lagu magacaabi jiray Eliza Samudio, ayaa ahayd atariisho sidoo kale dharka xayeysiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilliga ay arrintaas dhaceysay Bruno waxay dadka reer Brazil qaarkood ku tilmaamayeen mid ka mid ah ciyaartoydii ugu wanaagsaneyd ee abid soo mara.
Xitaa waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in gool hayahan oo 25 jir ahaa uu ku biiri rabay kooxda AC Milan ee horyaalka dalka Talyaaniga.
Waxaasoo dhan markii dambe waxay isu baddaleen sida riyo uu qofkii ku riyoonayay hurdada kasoo kacay.
Bruno iyo Eliza waxaa dhex maray xiriir muddo kooban socday.
Saaxiibbo labada dhinac ah oo ka markhaati kacay xiriirkooda waxay sheegeen inay kulmeen 21-kii bishii May ee sanadkii 2009-kii.
Bishii August ee isla sannadkaas ayey ciyaartoyga u sheegtay inay uur u lahayd. Bruno wuxuu goor dambe maxkamad ka sheegay inuu aad u carooday markii ay Eliza ka diidday inay ilmaha iska soo xaaqdo.
Xilligaas wuxuu si rasmi ah ula socday haweeney dhakhtarad ah oo lagu magacaabo Ingrid Cavalcanti, taasoo isagoo xabsiga ku jira uu guursaday sanadkii 2016-kii.
Dhanka kale, wuxuu lahaa xaas uu xilli hore guursaday, oo u heysay 2 gabdhood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
13-kii bishii October ayey Eliza dacwad u gudbisay booliska, kiiskoodana wuxuu noqday mid ay warbaahinta si weyn u hadal hayeen.
Bruno wuxuu ku eedeeyay Eliza inay been sheegeyso, ayna marar badan isku dayday inay dhibaato u horseeddo.
Muddo kaddib waxay dhashay cunuggii, waxayna u bixisay Buno.
Markii uu dilkeeda dhacay, baaritaannadii ay booliska wadeen ayaa lagu ogaaday inuu kool hayaha ku lug lahaa falkaas.
Cunigga yar waxay booliska ka heleen meel lagu qariyay, laakiin meydka Wliza ilaa hadda lama helin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2013-kii ayaa Bruno lagu xukumay xabsi 22 sano ah.
Aparecido, oo ah ninkii lagu helay inuu gacantiisa ku fuliyay dilka haweeneydaas, ayaa lagu xukumay 36 sano oo xarig.
Bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay ayey maxkamad fadhigeedu yahay Brazil oggolaatay in Bruno laga khafiifiyo xukunka, waxaana loo oggolaaday inuu mararka qaar gurigiisa seexdo.










