Maxay Jubbaland iyo Puntland ka yiraahdeen heshiiskii doorashada ee Dhuusamareeb?

Xigashada Sawirka, JBLTV
War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Maamullada Puntland iyo Jubbalnd ayaa ay kaga hor yimaaddeen oo ku qaaddaceen qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo dhawaan ka dhacay caasimadda Maamulka Galmudug.
War saxaafadeedkaas ayaa lagu sheegay in 21-kii bishan ay labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland yeesheen shir dhanka khadka taleefanka ah oo ay kaga wada hadleen mawqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dalka Somaaliya. Labada madaxweyne ayaa isku raacay in shirkii Dhuusamarreeb 3 oo daba socday shirkii ay hore qaybta uga ahaayeen ee Dhuusamarreeb 2 waxa ka soo baxay aan lagu metelin ee ay ku kooban tahay aragtida madaxdii ka qayb gashay shirkaas, sida ay sheegeen.
"Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed", ayaa lagu sheegay war saxafaadeedkaas.
Dhinacyadu waxa ay haseyeeshee sheegeen inay diyaar u yihiin " dadaal kasta oo loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/2021 ayna noqoto mid wakhtigeeda ku dhacda"

Xigashada Sawirka, JBLTV
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa dhanka kale sheegay inay mar kasta diyaar u yihiin dedaal kasta oo loo dhan yahay oo lagu gaadhi karo hirgelinta doorashada 2020/2021 ayna noqoto "mid wakhtigeeda ku dhacda, isla mar ahaantaana u dhacda si la isla ogol yahay oo heshiis lagu yahay hannaanka loo marayo doorashadaas".
Maxay ku diideen shirkaasi?
Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hadheeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go'aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra'iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taas oo la soo billaabatay markii hore hannaanka bilawgii wadatashi ee shirkan.
Baarlamaanka federaalka ayaa codka kalsoonida kala noqday xukuumadda, islamarkii uu soo dhammaaday shirkii labaad ee ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb. Labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa laba warsaxaafedeed oo ay hore u soo saareen labadooduba ku caddeeyey mawqifkooda walaac ee arrintaas.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qodobada ka soo baxay shirka Dhuusamareeb
Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa:
1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah
2. In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
3. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta.

4. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
5. In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
7. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.
10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
11. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare.
12. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go'aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada.
14. Madaxda shirka waxa ka go'an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan.
15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka










