Manchester United oo ka hadashay xadhigga Harry Maguire

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa sheegtay in kabtankeeda Harry Maguire uu "si buuxda ula shaqeynayo booliska dalka Giriigga" kaddib markii lasoo tabiyay "fal la sheegay" inuu habeennimadii Khamiista ka dhacay jasiiradda Mykonos.
"Maamulka kooxdu wuu ka war qabaa dhacdada la sheegay inuu ku lug leeyahay Harry Maguire ee xalay ka dhacday Mykonos," ayaa lagu yidhi bataan ay maanta soo saartay Manchester United.
"Waa lala xidhiidhay Harry, wuxuuna si buuxda ula shaqeynayaa booliska Giriigga. Xilligan wax faahfaahin dheeraad ah ma bixineyno."
Warar kasoo baxay gudaha Giriigga ayaa lagu sheegay in Maguire uu ku lug lahaa dhacdada, laakiin ma jirto faahfaahin ku saabsan waxa dhacay.
Daafaca Manchester United iyo xulka qaranka England, oo 27 jir ah, ayaa hadda dalxiiska fasaxa ku jooga Giriigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu kooxda United ku biiray kaddib markii ay Leicester uga iibsatay lacag dhan £80m - taasoo ahayd kharashkii ugu badnaa ee difaac loogu iibsado caalamka - bishii Auguist ee sanadkii 2019-kii.
Harry Maguire ayey cadho weyn wajigiisa ka muuqatay markii ugu dambeysay ee uu la hadlay warbaahinta, kaddib markii Axaddii kooxdiisa looga adkaaday 1-2, sidaasna looga burburiyay rajadii ay ka lahaayeen inay ku guuleystaan koobka tartanka Europa League.
Sevilla, oo guushaas ku gaadhay ciyaarta kama dambeysta ah, ayaa caawa la ballansan kooxda Inter Milan, oo iyana kasoo adkaatay Shakhtar Donetsk.
Maguire kooxdiisa Manchester United xilli ciyaareedkii dhammaaday u saftay 55 kulan, waxaana ka mid ah daqiiqad kasta oo qeyb ka ahayd kulamadii horyaalka Premier League-ga.










