Harry Maguire: difaaca cusub ee Manchester United ma u qalmaa £80m?

Xigashada Sawirka, TWITTER: Harry Maguire
5 sano kahor, Harry Maguire waxa uu ka ciyaari jiray tartanka heerka saddexaad ee kubadda cagta Ingiriiska ee loo yaqaanno League One. Tartankaas waxaa ka sarreeya Championship-ka iyo Premier League. Laakiin hadda wuxuu noqday difaaca ugu qaalisan adduunka.
Kooxda Manchester United ayaa iminka dhammeystirtay heshiis ay 80 malyan oo gini ugu soo iibsatay laacibkan 26 jirka ah ee u dhashay England.
Maguire oo lagala soo wareegay kooxda Leicester City ee isla horyaalka Ingiriiska, waxa uu ka ciyaaraa difaaca dhexe ee dambe.
Farriin uu ugu mahadcelinayay kuna macsalaameynayay kooxdiisa hore ayuu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Hase yeeshee su'aal ay dad badan oo ka faallooda arrimaha ciyaaraha kubadda cagta isweydiinayaan ayaa ah: Miyuu u qalmaa qiimaha 80-ka malyan ee gini ah.
'Arday mar walba jeclaan jiray inuu heer sare gaaro'
Bal ka fikir ciyaartoyda ugu wanaagsan ee kubadda cagta adduunka.
Waxaad tusaale ahaan u soo qaadan kartaa laacibiinta caanka ku ah inay si fiican u camiraan boosaskooda garoonka.
Dhinaca weerarka, waxaa qof walba maskaxdiisa kusoo dhacaya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, halka xirfadda khadka dhexena si weyn loogu ammaano laacibka reer Belgium ee lagu magacaabo Kevin de Bruyne.
Balse Maguire, hadda ma aha difaaca ugu fiican adduunka.
Kooxo badan ayaa horay u diiday inay iibsadaan sababo la xiriira inuusan orod fiican lahayn.
Huddersfield oo xilli ciyaareedkan dib ugu laabatay heerka labaad ee tartamada ciyaaraha kubadda cagta Ingiriiska ayaa goor sii horreysay ka noqotay heshiis ay dooneysay inay kula soo wareegto ciyaartoygan.
Kooxdan ayaa markaas damacsaneyd inay ku iibsato lacag dhan 1 milyan oo gini, laakiin waxay uga tanaasushay maadaama la sheegay inuu aad u orod gaaban yahay.
Hase yeeshee, Maguire ayaa cilladaas wax badan ka baddalay sannadihii ugu dambeeyay.
"Waa ciyaartoy aad u fahmad badan oo si dhakhso ah xirfado cusub ku barta", sidaas waxaa BBC Sports ku yiri tababarihii hore ee kooxda Sheffield United Micky Adams, kaasoo Maguire siiyay fursaddiisii ugu horreysay ee ciyaaraha waaweyn sanadkii 2011-kii, xilligaas oo uu ciyaartoygan ka tirsanaa kooxdaas lagu naaneyso "The Blades".
"Markii hore aad bay xirfaddiisu u hooseysay, wuxuuna rabay inuu wax barto. Waa arday jecel ciyaarta wuxuuna macluumaadka u qaataa si dhakhso ah, gaar ahaan marka ay khuseeyaan dhinaca tababarka", ayuu yiri macallin Adams.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale, Maguire ayaa aad loogu ammaanaa inuu yahay ciyaaryahan kalsooni buuxda qaba marka uu garoonka ku jiro.
Waxaa taas marqaati ka ah agaasimihii hore ee akadeemiyadda kooxda Sheffield United Travis Binnion, kaasoo ciyaartoygan lasoo shaqeynayay tan iyo markii uu 16 sano jir ahaa.
"Wuxuu rabi jiray inuu mar walba ugu fiicnaado tababarka, wuxuuna jeclaan jiray inuu sii wato xitaa marka uu waqtiga dhammaado".
Intii uu ka tirsanaa kooxda da' yarta ah ee Sheffield United, Maguire waxay mar iska hor imaadeen ciyaartoyga ay hadda isku kooxda noqonayaan ee lagu magacaabo Paul Pogba.
Pogba ayaa markaas u ciyaarayay da' yarta kooxda Manchester United.
Labada ciyaartoy ayaa isku wajahay ciyaartii Fiinaalka ee "2011 FA Youth Cup".
Inkastoo kulankaas looga adkaaday Sheffield United, Maguire wuxuu si adag ula dagaallamay koox ay xitaa ku jireen Jesse Lingard iyo Ravel Morrison.
Warar ayaa sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson, oo ciyaartaas daawanayay, uu kulanka kadib u yeeray Maguire, isagoo u sheegay inuu leeyahay dhammaan xirfadaha u horseedi kara inuu heerka ugu sarreeya gaaro.
Su'aasha ku saabsan inuu u qalmo lacagta lagu soo iibsaday hadda, wali sideeda ayey u taagan tahay, qof walbana wuxuu ka dhiibanayaa fikirkiisa gaarka ah.
Laakiin waxaa hubaal ah in Maguire uu wajahayo caqabad weyn oo ah inuu kasoo baxo booskiisa uuna muujiyo inuu u qalmo lacagtaas faraha badan, maadaama si weyn isha loogu heyn doono hab ciyaareedkiisa.










