Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya galabta oo Axad ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday mid ka mid ah hoteelada ku yaalla xeebta Liido. Qaraxa ayaa ka dhacay iridda hore ee hoteelka Elite.
Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas ay ka dhacaysa gudaha hotelka iyadoo dad badan oo rayid ahna ay ku sugnaayeen gudaha hotelka.
"Waxaan maqlay qarax weyn o ka dhacay hoteelka, waxaa xigay rasaas oo aan wali maqlaya. Hawada waxaa qabsaday qiiqa qaraxa", ayuu yiri Axmed Cali oo ah goobjooge ku sugnaa goobta.
Shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah ayaa si aad ah u aadaan hoteelkaasi iyo kuwa kale eek u yaalla xeebta Liido.
Ma jirta wali war rasmi ah oo ku aadan khsaaraha weerarka, balse telefishinka dolwadda ee SNTV ayaa ku warramay in agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cabdi uu ku dhintay qaraxa. Wuxuu sidoo kale telefishinku sheegay inuu qaraxaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah sawir qaadayaasha telefishinka Maxamed Cabdi Xuseen






