Lee Teng-hui: 'Aabihii dimuqraadiyadda Taiwan oo geeriyooday

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwaynihii hore ee Taiwan Lee Teng-hui, oo loo arko in uu ahaa "aabihii dimuqraadiyada ", ayaa geeriyooday.
Waxaa ay da'diisu ahayd 97 sano jir, islamarkana waxaa uu muddooyiinkii u dambeeyay uu ku jiray isbataal.
Waxaa uu madaxwayna ka ahaa, Taiwan, sanadihii u dhaxeeyay 1988 ilaa 2000.
Lee ayaa waxaa lagu ammaanay in uu soo afjaray hoggaankii kalitaliska ahaa islamarkana uu Taiwane u horseeday dimuqraadiyad.
Balse waxaa uu sidoo kale ahaa hogaamiye qaaday tallaabooyiin muran dhaliyay gaar ahaan dhanka Shiinaha.
Isku daygiisii ahaa in jasiiradan uu ka gooyo dhul waynaha Shiinaha ayaa waxaa ka dhashay xiisad maadaama ay Beijing, u aragto Taiwan gobol ka tirsan dhul waynaha Shiinaha.
Lee ayaa geeriyooday ka dib muddo 6 bilood ah oo uu isbataal ku jiray.
Intii uu xukunka hayay waxaa uu Taiwan u horseeday isbadal lagu sameeyay dastuurka.
Madaxwaynaha imika talada haya Tsai Ing-wen ayaa sheegay "waxaa uu ahaa ninkii dhidibada u aasay dimuqraadiyadda ".
Sanaddii 1996 - ayaa Taiwan laga qabtay doorasho toos ah oo madaxwaynanimo islamarkana mar labaad ayaa si dimuqraadiyad ah xilka loogu doortay.
Dowladda Shiinaha ayaa waxay aaminsan tahay in jasiirada Taiwan ay qeyb ka tahay dhul waynaha Shiinaha










