Hindiya iyo cudurka corona: Sidee ’dawada cudurka Corona’ loogu kala iibsanayaa suuqa-madow?

Remdesivir

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa jirto rajo wayn oo laga qabo in remdesivir lagu daweyn karo fayraska Covid-19

Baaritaan ay BBC-da sameysay ayaa lagu ogaaday in labo ka mid ah daawooyiinka la siin karo bukaannada Covid-19 ee dalka Hindiya ee gabaabsiga ah, lagu kala iibsanayo suuq-madow, sida uu ku soo waramaayo weriyaha BBC-da ee magaalada Delhi Vikas Pandey.

Abhinav Sharma adeerkiisa ayaa si lama filaan ah isugu arkay qandho iyo neefta oo ku adkaata ka dibna waxaa la geeyay isbitaal ku yalla Delhi.

Waxa laga helay feyraska Corona, dhaqaatirtana waxay qoyskiisa u sheegeen in loo soo iibiyo dawada remdesvir oo ah mid laga ogolaaday Hindiya in lagu daaweeyo bukaanada xaaladooda ay culus tahay, taas oo micnaheedu tahay in dhaqaatirta ay u qori karaan oo kali ah dadka xaladda degdega ku jira.

Balse dawada remdesvir meelna lagama heli karo, taas oo Mr Sharma ku kaliftay inuu qof walbo waco si loo helo dawada uu abtigiisa uu baahanyahay.

"Waan ooyi gaaray. Abtigey noolashiisa ayaa qatar ku jirtay anigana waxaan raadinayay dawada ay suuragalka tahay inay noolashiisa badbaadiso," ayuu yiri.

Arrintan qabsatay Sharma waxay haysataa dad badan oo dalkaas ku nool. Kuwaas oo diyaar u ahay inay wax walbo sameyaan si ay u badbaadiyaan dadka ay jecel yihiin.

"Ka dib wicitaanno badan, waxaan bixiyay toddobo jibaar lacagtii aan ku iibsan lahaa dawada, waxaan diyaar u ahaa in aan lacag walbo bixiyo runtii, balse waxaan u naxsanahay dadka aan awoodin," ayuu yiri.

BBC-da ayey u suura gashay in ay la xiriirto dadka ka shaqeeya iibinta dawadaas, waxayna sheegeen in ay u diyaarin karaan oo ay ku siin donaan qiimaha saxda ah.

"Waxaan kuu diyaarin karaa dawada, halkii dhalo ee yarna waxaan kaa siinaya 30,000 oo rupee oo u dhiganta $401 dollar, waana qasab in aad hadda u timaado," ayuu yiri mid ka mid ah ragga iibiya oo ku doodaya inuu ku jiro ganacsiga dawooyiinka.

Gilead

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka ee Gilead ayaa shan shirkadood oo Hindiya ku yaalla siisay qandaraas ay ku soo saaraan dawada remdesivir

Qiimaha rasmiga ah ee dawadaas ee dowladda Hindiya ay ogtahay waa 5,400 oo rupees. Bukaankana wuxuu u baahanyahay 6 illa 5 xabo. Laakiin qof kale ayaa laga soo xigtay in 38,000 oo Rupees ay tahay halkii xabo.

Baahida loo qabo dawadan ayaa sare u kacday ka dib markii la ogaaday inay gacan ka geysato badbaadinta bukaannada qaba fayraska Covid-19.

Khuburada ayaa ka digay isticmaalka dawadan, balse dhaqaatiirta Hindiya ayaa si aad ah u siinaya bukaanada xalada degdegga ah ku jira, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo dawadan guud ahaan ee Hindiya.

BBC-da waxay ogaatay in ay jiraan qoysas badan oo ku nool delhi iyo magaalooyinka ku dhowdhow kuwaas oo lacag xad dhaaf ah ku iibsaday dawadan.

Sababta ugu weyn ee arrintan ayaa ah in farqi weyn uu u dhaxeeyo baahida loo qabo iyo tirada shirkadaha ay soo saarayaan.

Shirkadda Gilead Sciences ee fadhigeedu yahay Mareykanka oo markii ugu horeysay soo saartay dawadan si loo siiyo bukaannada cudurka Ebola, ayaa afar shirkadood oo Hindiya ku yalla u wakiilatay in ay soo saaraan dawadan.

Afartaasi shirkadood ayaa kala ahaa- Ciplac, Jubilant Life, Hetero drugs iyo Mylon, balse illaa iyo hadda, keliya shirkada Hetero ayaa bilowday soo saarista dawadan.

Waxay illa 5 gobol u qaybisay qiyaastii 20 kun oo xabo, waxayna BBC-da u sheegtay in aysan hubin halka ay ka soo baxayaan dawooyinka lagu iibinayo suuqa-madow.

"Dawadan ma aynaan siinin dad sii qeybiya. Sida uu sharciga yahay, waxaan geynay isbitaalada," waxaa sidaas sheegay ku xigeenka madaxa shirkada Hetero oo BBC-da u sheegay.

Wuxuu intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan in ay buuxiyaan baahida loo qabo dawada, balse ay niyad jab ku tahay in suuqa madow lagu kala iibsanayo.

Healthcare workers screening people

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, Tirada kiisaska corona ee Hindiya ayaa sare u kacay bishii June.

"Waan dareemeynaa xannuunka haysta qoysaska, ma ahayn in qaraabada ay dadka ka xanuunsan yihiin loo diro in ay raadsadaan dawada, waxaan ku kalsoonnahay in maalmaha soo socda aan kordhin doono soo saarka dawadaas, si xaaladda sidan uga ficnaato," ayuu yiri.

Marka sidey dawada gacanta ugu gashay dadka ka shaqeysta suuqa madow?

Rajiv Singhal oo ah ninka Hindiya u qaabilsan dawooyinka, xoghayana u ah urur ay ku bahoobeen dukaamada iibiya dawooyinka, ayaa sheegay in aysan jirin dukaan ka tirsan ururkaas oo arrintaas ku lug leh.

"Waxaan hubaa in aysan jirin cid ururkeena ka tirsan oo arrintaas ku lug leh, waxaanna rabaa in aan halkan ka xiqiijiyo in qofkii lagu hela isagoo si sharci darro ah ku iibinayo dawadaas, tallaabo adag laga qaadi doono," Ayuu yiri Rajiv.

Arrinta ma ahan oo keli ah dawad Remdesivir, sidoo kale waxaa jirto dawo kale oo nolol badan badbaadisay oo qiimo sare lagu kala siisanayo suuqa-madow.

Hetero's brand name for remdesivir is Covifor

Xigashada Sawirka, Hetero

Qoraalka sawirka, Nooca dawada remdesivir ee Hetero ay soo saarto waxaa loo garanayaa Covifor

Dawada tocilizumab ayaa lagu daweyay bukaanno la xanuunsana feyraska dunida oo dhan ku faafay.

Khuburada waxay sheegeen in loo baahan yahay baaritaanno badan si loo ogaado wax qabadkeeda, balse isbitaallo badan ayaa soo sheegay in ay waxtar leedahay.

Dawadan waxaa soo saarta shirkadda Roche oo fadhigeedu yahay dalka Switzerland balse waxay u wakiilatay shirkadda Cipla oo fadhigeedu yahay Hindiya, in ay soo saarto. Sidoo kale, dawadaas si fudud ugama heleysid magaalada Delhi.

Nin ka tirsan Cipla oo ku sugan waqooyiga Hindiya ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeyay ay sare u kacday baahida loo qabo dawadaas.

"Waxaan kordhinay soo saarka dawada balse waxaan fileynaa in baahida ay sare u sii kici doonto maalmaha soo socda," ayuu yiri.

A Covid hospital in Delhi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isbitaallo badan ayay dhibaato ka haysataa wax ka qabashada tirada sare u sii keceysa.

BBC-da waxay ogaatay dhacdooyiin badan oo isbitaalada ay ehellada weydiisanayaan in ay soo iibsadaan dawada.

"Waxaan maray 50 dukaan oo delhi ku yalla, si aan eedadey ugu soo iibiyo dawada balse waxay i weydiinayeen lacag labo ama seddax jibbar ah," ayey tiri mid ka mid ah dadka degan Delhi oo dalbatay in magaceeda la qariyo.

Balse shirkadda Cipla ayaa diiday in dawada ticilizumab lagu iibiyo suuqa-madow.