Dowladda Shiinaha oo ka hadashay iskaashigii ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland

SOMALILAND MFA

Xigashada Sawirka, SOMALILAND MFA

Qoraalka sawirka, Wasiirada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Shiinaha ayaa ka hadashaya wax u muuqday in ay uga jawaabeyso kullankii shalay dhexmaray madaxda Taiwan iyo masuuliyiin ka socday jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maxbanaannida ee Somaliland.

Bogga safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu daabacay " in aysan aqbali doonin in qof, urur gaar ah ama xisbi gaar ah uu kala qeybiyo madaxbanaanida dhuleed ee Shiinaha. Taiwan waa qeyb kamid ah Shiinaha".

Safaaradda ayaa sheegtay in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dalka Shiinaha, dowladda dalkaasina ay matesho dhammaan Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in iyaga iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in midba midka kale uu xafiis ka furto.

Taiwan ayaa xiriir diblomaasi la sameysatay 15 dal oo caalamka ah. Tusaale ahaan qaaradda Afrika, dalka eSwatini ayaa xiriir buuxa la yeeshay Taiwan.

Bishii Febraayo ee sanadkan, Taiwan ayaa heshiis is-afgarad ah la yeelatay Somalialnd oo iyada laftirkeeda ictiraaf raadineysa.

.

Xigashada Sawirka, SOMALILAND MFA

Qoraalka sawirka, Wasiirada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in xiriirka kal dhaxeeya Somaliland uu ahaa mid soo jiray tan iyo sanadkii 2009-ka.

Waxaa kale oo uu sheegay in sideed dal oo caalamka ay wakiilo u joogaan Somalialnd, kuwaas oo uu sheegay inay kamid tahay Itoobiya.

"Waxay ila tahay in waxa aan sameyneyo aysan ahayn wax ka duwan waxa dalalka kale ee caalamka ay sameeyaan"ayuu yiri Wu oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Taipei.

Dhanka kale wasiirka arrinmaha dibadda ee Somaliland, Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan iskaashi dhexmara labada dhinac.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan saxiixno heshiis dhanka diblomaasiyadda oo dhexmara labadeena dal", ayuu bartriisa Twitter-ka kusoo qoray wasiir Faratoon.