'Waxaan rabaa in carruurteyda ay farxad ku dareemaan midabkooda madow'

Marvyn Harrison iyo labadiisa carruurta ah

Xigashada Sawirka, @SarpongPhotography

Qoraalka sawirka, Marvyn Harrison wuxuu leeyahay wiil afar jir ah iyo gabadh labo jir ah

Taageerada UK looga muujiyay dhaqdhaqaaqa loohu halgamayo nolosha dadka madowga ah ayaa sii badaneysa tan iyo markii la dilay George Floyd, laakiin warka ku saabsan dhimashada ninkaas wuxuu sababay in waalidiin badan ay garan waayaan sidii ay carruurtooda ugu sharrixi lahaayeen cunsuriyadda.

"Maxaa sidaas loo leeyahay?" ayey ahayd su'aashii ay gabadha shan jirka ah ee uu dhalay Denis Adide aabbaheed weydiisay markii ay aragtay halkudhigga " Black Lives Matter", oo loola jeedo Nolosha dadka madowga ah waxay leedahay muhiimad.

"Arrintan waxay si dhab ah u taabaneysaa cunugga madowga ah, waxay si dhab ah u taabaneysaa aniga oo ah aabbe madow," ayuu yiri Denis. "Carruurnimadaada uguma raaxeysaneysid sida ay dadka aan madowga ahayn ugu raaxeystaan."

"Waxaan ogahay inay jiraan carruur markii ugu horreysay noloshooda ogaanaya taariikhda dadka madowga ah," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkan sheegay xilli ay saddexdiisa carruurta ah, oo shan sano ka wada yar aysan suurtagal ahayn in la fahansiiyo xaaladda ku saabsan George Floyd. Laakiin wuxuu ogyahay in carruur badan oo madow ah ay arrintaas saameyn ku yeelatay.

Denis Adide iyo saddexdiisa carruurta ah

Xigashada Sawirka, Denis Adide

Qoraalka sawirka, Denis Adide oo kasoo jeeda galbeedka London wuxuu ka shaqeynayaa sidii ay carruurtiisa ugu qanacsanaan lahaayeen midabkooda madow

Wuxuu ka sheekeeyay gabadh uu saaxiibkiis dhalay, taasoo aad u oysay markii ay maqashay dhacdada, islamarkaana shaki ka muujisay inay ku badbaadeyso midabkeeda madow.

"Waxaa laga yaabaa inay baraarug u tahay carruurta, balse nasiib darro waa mid walwal galineysa, sababtoo ah waa arrin ku saabsan jirkooda. Jirkaaga ma baddali kartid si aad u badbaaddid."

Denis, oo ku nool galbeedka London wuxuu sheegay in shaqadiisa waalidnimo ay qeyb ka tahay sidii uu carruurtiisa ugu tababari lahaa inay midabkooda madow kula koraan gudaha UK, iyagoo aan niyad jab dareemin.

Wuxuu sheegay in marar badan ay booliska istaajiyeen, ayna baaritaan ku sameeyeen, xilligii uu carruurta ahaa iyo markii uu weynaaday labadaba.

Wiilkiisa afar jirka ah ayuu hadda u diyaarinayaa inuu wajaho nolol sidaasoo kale u dhib badan.

Georgena Clarke

Xigashada Sawirka, Georgena Clarke

Qoraalka sawirka, Gabadha ay dhashay haweeneyda qareenka ah ee lagu magacaabo Georgena Clarke waxay rabtay inay ogaato sababta aysan timo casuus ah u lahayn sida gabar ku jirtay filimka Frozen

Georgena Clarke oo ah qareen kasoo jeedda deegaanka Cheshire, ayaa sheegtay in iyada lafteeda ay su'aalo badan kala kulantay carruurteeda mataanaha ah oo toddobo jir ah - oo kala ah wiil iyo gabadh.

Arrinta ku saabsan midabka maqaarka waxaa markii ugu horreysay su'aal ka weydiisay gabadheeda. Waxay sheegtay in isdhexgal la'aanta bulshada awgeed ay gabadheeda mar kasta gacanta u haatiso dadka madowga ah ee waddada maraya, "maadaama aysan inta badan arkin".

"Qof walba oo madow waxay u maleyneysay inuu qaraabo nala yahay," ayey tiri.

Waxay ahayd cunugga kaliya ee midab madow ka leh fasalkeeda iskuulka. Maalin maalmaha ka mid ah mar ay shan jir ahayd ayey diidday inay gaariga ka dagto markii la gaaray iskuulka, waxayna tiri "Hooyo ma rabo inaan noqdo qofka kaliya ee ka duwan dhammaan dadka kale".

Cunug dibadbaxa dadka madowga ah lagu taageerayo uga qeyb galay magaalada Manchester, ee ku taalla waqooyiga England

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Cunug dibadbaxa dadka madowga ah lagu taageerayo uga qeyb galay magaalada Manchester, ee ku taalla waqooyiga England

"Aad baan u murugooday. Ma garaneynin wax aan dhoho xilligaas, waana ogaa inaan sameynin dadaal fiican oo ku saabsan sidii aan wax uga dhaadhicin lahaa," ayey tiri Georgena.

"Horay ayey ahayd inaan ugu sheego in sababta uu midabkeeda noocaas u yahay ay tahay in iyadu ay qof khaas ah oo dadka kale ka fiican tahay."

Laakiin markaas waxba kama aysan qaban karin sida ay dareemeysay gabadheeda.

Georgena waxay gabdheeda u sheegtay in hooyadeed ay kasoo jeeddo Afrika, aabbaheedna ka yimid galbeedka Hindiya, sidaas awgeedna uu "qof walba oo waddamadaas ka imaada iyaga u egyahay". Waxay isticmaashay muuqaallo Youtube-ka ku jira si ay caddeyn uga dhigato.

Aabbe lagu magacaabo Marvyn Harrison, oo ku sugan xaafadda Hackney, ee ku taalla bariga London, ayaa ka walaacsan sida uu wiilkiisa afar jirka ah dareemi doono marka uu ku biiro iskuulka.

"Wiilkeyga wuxuu qabaa kalsooni buuxda. Arrintan waxay caqabad weyn ku tahay ragga madowga ah," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inuu ku dadaali doono sidii uu wiilkiisa u bari lahaa inuu la caqsado caqabadaha soo wajihi doona.

Xiisadda la xiriirta cunsuriyadda ka dhanka ah dadka madow ayaa cirka isku shareertay bishii lasoo dhaafay kaddib markii nin madow ah uu ku dhintay gacanta booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Dibadbaxyo looga careysan yahay ficilkaas ayaa ruxay Mareykanka, iyagoo sidoo kalena ka dhacay meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Geerida Floyd, oo ahaa 25 jir, ayaa loo arkaa mid horseedday isbaddal weyn oo dunida ka dhacay.