Maxkamadda ugu sareysa Burundi oo go'aamisay qofkii badali lahaa Nkurunziza

Xigashada Sawirka, AFP
Maxkamada ugu sareysa dalka Burundi ayaa soo saartay go'aan looga gol leeyahay in lagu so afjaro marnaan dhanka awoodda ah oo ka dhalatay geeridii lama filaanka ahayd ee Isniintii ku timid madaxwayne Pierre Nkurunziza.
Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa sheegtay in madaxwaynaha la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Sharci ahaan, afhayeenlka baarlamaanka dalkaasi, Pascal Nyabenda, ayay ahayd in uu noqdo hogaamiyaha kumeelgaarka ee dalkaasi.
Balse golaha wasiirada dalkaasi ayaa arrintan u gudbiyay maxkamadda islamarkana Mr Ndayishimiye ayaa imika noqonaya madaxwaynaha labo bilood ka hor xilligii ay ahayd in uu xilka la wareego.
Waxaa xilka madaxwaynanimada loo doortay bishii May si uu u badalo Nkurunziza, oo xilka hayay muddo 15 sano ah.
Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.
Mr Nkurunziza ayaa awoodi karay in uu u tartamo doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii aanu soo dhaafnay, balse go'aansaday in uu siyaasada ka fariisto.
Dowladda ayaa sheegtay in uu madaxwaynaha uu dhintay ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxaa ka jira in uu feyriska Corona u dhintay?
Ilo ku dhow dhow qoyska madaxweynihii geeriyooday ee Burundi ayaa xaqiijiyay in dhimashadiisa ay daba socotay kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.
BBC-da ayaa heshay warar laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Burundi oo shaacinaya in Pierre Nkurunziza uu la xanuunsanayay coronavirus.
Xaaskiisa oo uu cudurka ku dhacay ayaa xilliga ay geeridiisa timid lagu daweynayay waddanka Kenya.
Warbaahinta SOS oo arrintan daaha ka qaadday ayaa dib u eegis ku soo sameysay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameynayay madaxweynaha, ka hor inta aan lagu dhawaaqin dhimashadiisa.
Dadka dalka Burundi ayaa waxay imika uu ku jiraa maalmo baroor-diiq loo sameynayo madaxwaynihii geeriyooday Pierre Nkurunziza.










