Gabar arooskeeda la baajiyay oo arrin layaab leh ku dhaqaaqday

Gabar la filayay inay aroosad noqoto, oo dib loo dhigay arooskeeda ayaa ku dhaqaaqeysa arrin dad badan ka yaabisay.

Waxay go'aan ku gaartay inay iyadoo kaligeed ah xusto sanad guuradguuradii 75-aad ee kasoo wareegtay dhammaadka dagaalkii labaad ee adduunka.

Subax walba waxay ku lugeyneysaa agagaarka gurigeeda, iyadoo ku labisan dharka ay xilligaas ciidamada jiran jireen noocooda.

Kindra Jones, oo 31 jir ah, waxay qorsheyneysa inuu guurkeeda dhaco maalinta Sabtida ah, laakiin waxaa dib loogu dhigay ilaa sanadka dambe, sababo la xiriira saameynta cudurka safmarka ah ee Corona Fayras.

Taas baddalkeeda, waxay maalinta arooskeeda la filayay ku labisan doontaa dharka ciidamada milatariga, kuwa badda iyo ciidanka dhulka, waxayna ku wareegi doontaa waddooyinka magaalada Ely, oo hoostagta Cambridgeshire.

Waxay sheegtay inay arrintaas ka heli doonto "wax fiican oo ay ku mashquusho".

Ms Jones, oo ah taariikhyahan si madax bannaan u shaqeysa, waxay sheegtay inay dooneyso sidii ay sameyn lahayd wacyigalin ku saabsan doorarkii waaweynaa ee ay dumarka ka qaateen dagaalkaas lixda sano socday, laakiin la iska illoobay.

Waxay isticmaaleysaa dhar iyo qalab badankood asal yihiin oo aan ahayn kuwo loo ekeysiiyay wax sax ah.

"In aan dharkan xirto waxay toos iila xiriirineysaa nolosha dumarkii dagaalkaas ku jiray, waxayna ii muujineysaa sida uu doorkooda isu baddalay intii uu socday dagaalka," ayey tiri.

"Tusaale ahaan, ciidankii badda waxaa markii hore la filayay inay badankood la filayay inay maamuleyaal noqdaan. Markii uu dagaalka dhammaaday, waxay ka shaqeynayeen maraakiibta, iyagoo sidii u labisan."

Waxay rajeyneysaa in xirashada dharka kala duwan ee ciidamada, oo ay ku xuseyso sanad guuradii 75-aad ee dhammaadkii dagaalka ee dhanka Yurub, ay xiisa galin doonto carruurta guryaha wax ku baranaya, sababtoo ah "in laga hadlo saameyntii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay ku yeelatay nolosha maalinlaha ah ... muhiimad weyn ayey iyaga u leedahay xilligan".

"Waxay su'aalo iska weydiin karaan sida ay hadda dareemayaan - ka warran haddii aysan saaxiibbadood kula xiriiri karin baraha bulshada?", ayey tiri.

Ms Jones waxay qorsheysatay meelo ay socodkeeda kusoo marto, oo ka mid ah magaalada.