Maxaa soo rogaal celiyay been-abuurka ku saabsan ''geerida" Kim Jong-un

Kim Jong-un oo xarigga ka jaraya 1 may 2020

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un oo xarigga ka jaraya 1 may 2020
    • Author, Michael Madden
    • Role, Khabiir arrimaha hoggaanka K/Waqooyi

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka soo muuqday xaflad xarigga looga jarayay warshad Bac-rimin.

Kim Jong-un waxaa uu u muuqday mid faraxsan xilli ay jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu dhintay islamarkana ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta.

Sawirka laga soo qaaday Kim ayaa ahaa mid si taxadar leh loo qorsheeyay, balse maxaan ka baran karnaa warar la isla dhexmaro ee ku aadan Waqooyiga Kuuriya?

Baraha bulshada Shiinaha ayaa baahiyay in dhakhaatiirtiisa ay ku fikireen inay qalliin ku sameeyaan islamarkana uu dhintay ka hor inta aysan gaarin dhakhaatiir laga soo diray Shiinaha.

Ma aha markii ugu horeeysay oo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi la waayo oo uu ka maqnaado fagaarayaasha.

Bishii February, ayaan la arkin muddo saddex toddobaad ah iyada oo aysan dhicin wax warar ah oo la isla dhexmarayay oo xaaladdiisa ku aadan.

Sanadkii 2014, waxaa uu fagaarayaasha ka maqnaa 40 maalmood ka dib-na waxaa soo baxay warar sheegayay in xukunka laga tuuray.

Balse waxaa uu dib u soo ifbaxay isaga oo sita usha lagu socdo, ma ahayn afgembi ee waxay ahayd xanuun dhanka xubnaha ah.

Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay markii dambe sheegeen in qaliin looga sameeyo Anqawga.

Balse dhammaan arrimahani ma aysan xaqiijin Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa taa badalkeeda soo harqisay sawiro hogaamiyaha oo ka qeybgalaya xaflado islamarkaana u muuqda qof aysan ba taaban wararka la isla dhexmarayo.

Hadaba maxay ahayd maqnaashiyahan sababay in la isla dhexmaro geeridiisa?

Waxa dareenka dhaliyay ayaa lahaa saddex waji.

Marka kowaad waxaa uu ka maqnaa oo uusan ka qeybgalin xuska 15 April oo ah maalin loo dabaaldago dhalashadii awowgii oo ahaa ninkii asaasay Kuuriyada Waqooyi Kim Il-sung.

Ka maqnaashiyaha xuskan ee Kim Jong-un ayaa waxaa loo arkay in ay tahay calaamad muuujinaysay inay wax qaldan yihiin.

Ka dib Website lagu magacaabo, Daily NK, oo ah bar inta badan tabisa warar lagu kalsoonaan karo ayaa qortay in uu Kim galay qalliin dhanka Wadnaha ah islamarkana uu imika ka soo kabsanayo.

Kim Jong-un oo xarigga ka jaraya 1 may 2020

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un oo xarigga ka jaraya 1 may 2020

Marxaladda saddexaad ayaa ahayd markii warbaahinta caalamka ay tabiyeen warar ay sheegeen in ay ka heleen ilo dhanka sirdoonka oo aysan shaacin islamarkana dhammaan marka arrimahan la isu geeyo ayaa waxaa ka dhashay in la isla dhexmaro in Kim uu "aad u xanuunsanayo " ama xitaa uu dhintay.

Kuuriyada Koonfureed oo aad ula socota xaaladda Kuuriyada Waqooyi ayaa saraakiishooda waxay sheegeen in aysan arkin wax ay ka shakiyaan islamarkana waxay beeniyeen wararka sheegaya in uu dhintay.

Baraha bulshada Shiinaha ayaa dhankooda sii baahiyay wararka la isla dhexmarayay ee ah xanuunka iyo dhimashada Kim.

Haddaba halkey ka yimaadeen asal ahaan wararka la isla dhexmarayay ee ku aadan xaaladda caafimaad ee Kim?

Xaqiiqadii waa qasab a in ay ka yimaadeen qof ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi?

Horay , waaxda ganacsiga dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la rumaysnaan jiray in ay ka soo baxaan wararka la isla dhexmaro ee ku aadan hogaanka Kuuriyada Waqooyi.

Sanadkii 1990- 1992 ayaa waxaa la isla dhexmarar warar sheegayay in Kim Il-sung iyo Kim Jong-il ay toogteen militariga iyaga oo saaran, balse arrintu sidaasi ma ahayn.

Waxaa jiray saddex sheeko oo ku saabsan afgembigii ka dhacay gobolka waqooyi ee Hangyong - kaasi oo ay ku lug lahaayeen saddex sargaal oo ciidamada ka tirsan.

Sanaddii 2003-dii ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in u geeriyooday Kim Jong-il.

Meel walba oo aduunka ka tirsan way dhacdaa wararka la isla dhexmaro iyo kuwa shaqsiyaadka laga sheego islamarkana sida kali ah ee runta lagu ogaan karo ayaa ah Kuuriya Waqooyi ay xaqiijin ama beeniso wararkaasi la isla dhexmarayo.

qoyska North Korea
Qoraalka sawirka, qoyska North Korea