Sida Hindiya ay door weyn ugu yeelan doonto joojinta Coronavirus

serum institute of india
Qoraalka sawirka, Ilaa iyo lix shirkadood oo laga leeyahay Hindiya ayaa ku holwan soo saarka talaalka Corona

Xoghayaha Arimaha dibadda ee mareykanka Mike Pompeo ayaa shaaciyay in Hindiya iyo Mareykanka ay ka wada shaqeynayaan sidii loo soo saari lahaa tallaal ka hortaga cudurka Coronavirus. Hadalka Mr Pompeo gebi ahaan ba ma ahan mid la la yaabay.

Labada dal ayaa maamulaya barnaamij caalami ah oo lagu horumariyo tallaal muddo ka badan saddex sano.

Waxay ka shaqeeyeen joojinta Dengue, cudurada jidhka, hargabka iyo xanuunka qaaxadda. Tijaabooyinka tallaalka dengue waxaa loo qorsheeyey inay shaqeyaan mustaqbalka dhow.

Hindiya waxay ka kamid tahay soo saarayaasha ugu weyn ee dhanka dawooyinka iyo tallaalada aduunka, iyadoo hoy u ah shirkadaha ugu waa weyn ee sameeya tallaalka iyo shirkado yar yar oo soo saara dhibcaha talaalka ee dabaysha, oof wareenka ,jadeecada,iyo fayrasyada iyo cuduro kale oo dhowr ah.

serum institute

Xigashada Sawirka, kaliprasad

Qoraalka sawirka, Serum Institute oo ku yaalla dalka Hindiya waa mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee sameeya talaalka

Hadda dhowr shirkadood oo Hindiya laga leeyahay ayaa sameynaya tallaalo ka hortagaya fayruska keena Covid-19

Machadka Serum ee dalka Hindiya ayaa ah halka lagu sameeyo talaalka ugu badan ee dunida oo dhan ah marka loo eego tirada talaalka ee la iibsaday adduunka oo dhan.

Shirkadda 53-sano jir ah waxay sanad kasta sameysaa 1.5 bilyan oo daawo. Inta badan waxay ku sameysaa labadeeda xarumood kuwaasi oo ku yaala magaalada Pune taasi oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Ilaa 165 dal ayeey shirkaddani waxay siisaa qiyaastii 20 nooc oo tallaal ah kuwaasi oo qiyaastii 80% ka mid ah tallaaladooda la dhoofiyo adduunka oo dhan. Waa noocyada talaalka ee ugu jaban qiimo ahaan caalamka.

Inkastoo ay hadda shirkaddu iskaashi la sameeysay shirkadda Codagenix, oo ah shirkadda cilmiga Boyoolajiga (biotech) ah ee Maraykanka si ay usoo saarto tallaal " nool oo la qiimeeyey" kaasi oo ka mid ah in kabadan 80 la sheegay in laga soo saaray adduunka oo dhan.

"Waxaan qorsheyneynaa in aan talaalka ku tijaabo dhowr xayawaan ah, sida jiirka. Marka la gaadho bisha Sebtember, waa inaan awoodnaa inaan iyana bilowno in aan ku tijaabino dadka,'' ayuu yiri Adar Poonawalla, madaxa fulinta ee machadka Serum ee Hindiya.

"Waxaa ammaan ku leh ganacsatada iyo shirkadaha dawooyinka ee maal galiyay soosaarida tayada iyo tirada leh. Mulkiilayaasha shirkaddaha ayaa sidoo kale lahaa himilo ah inay wax wanaagsan u qabtaan adduunka, iyagoo ka shaqeynaya sida uu ganacsigooda na u guuleysan lahaa. Waa hab dhammaan lagu wada liibaanay, "Soumya Swaminathan ,madaxa saynisyahannada Uruurka Caafimaadka addunka (WHO) ayaa sheegay.

bb
bb

David Nabarro, oo ah borofisar ku takhasusay caafimaadka Addunka oo ka shaqeeya machadka Imperial ee London ayaa sheegay in aadunuhu ay la noolaan doonaan halista xanuunka Coronavirus '' mustaqbalka dhow ee la saadaalin karo'' sababta oo ah ma jiro wax dammaanad qaaday in soosaariada tallaalka guuleysan karo.

Fayraska Karoona waxaa hadda adduunka oo dhan laga helay dad ka badan 3 milyan iyo badh, iyada oo ay dhimashaduna ka badan tahay rubuc malyuun. Soo saaridda talalaal hagaagsan waxa ay qaadan doontaa waqti badan, iyada oo loo baahan doono in talaal walba la hubiyo bayooliji iyo kimistiri ahaan ba kahor inta aanan la shaacin.

"Laakiin waxaan ku rajo weynahay in labo sano gudahood ama ka yar ba lagu soosaaro talaal badqab leh oo si deg deg ah wax u tara ," ayuu yiri Mr Poonawalla.19.