"Walwalka Coronavirus-ka waxaa inoo wehliya gaajo iyo hoy la'aan"

Dad ka soo barakacay Walaweyn iyo Janaale oo ku tabaalaysan duleedka Muqdisho
Qoraalka sawirka, Dad ka soo barakacay Walaweyn iyo Janaale oo ku tabaalaysan duleedka Muqdisho
    • Author, Ibrahim Aden
    • Role, BBC, Muqdisho

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaysa tirada dadka laga helayo fayraska Korona ee gudaha waddanka Soomaaliya.

Xogtii ugu dambaysay ee ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tirada shalay laga helay cudurka Covid-19 ay aheyd 29 qof, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira cudurka ay gaartay 164 xaaladood.

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in dhamman dadkaasi la xaqiijiyay inay qabaan cudurkaasi ay yihiin muwaadiniin Somaliyeed, halka ilaa hadda ay todoba qof cudurkaasi ugu dhinteen gudaha dalka.

Dhanka kalana waxaa isa soo taraya walaaca la xiriira fayraskaasi ee xeryaha ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barakacay oo todobaad kasta ay ku biiraan qoysas cusub oo ka soo qaxaya dagaallada ka dhacaya gobolada qaar ee waddanka.

Todobaadyadii ugu dambeeyayna qoysas cusub ayaa ku biiray xeryaha ku yaalla hareeraha iyo gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida uu ku soo warramayo weriyaha BBCda ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadenna, dadka ku nool xeryahaasi cabsida ugu badan ee ay qabaan waa sidii ay carruurtooda cunno, biyo iyo hoy ugu heli lahaayeen.

Dadkaas ayaa waxa ay ka soo carareen col iyo colaad oo waxa ay soo magan galeen magaalo aanay cidna uga soo horeynin oo waliba laga sheegay cudur safmar ah oo ay adag tahay sidii ay isaga ilaalin lahaayeen.

Ma sugna tirada dadka dhawaan ku soo barakacay magaalada Muqdisho waxaase lagu qiyaasayaa boqolaal qoys oo u badan haween iyo carruur oo todobaadyadii ugu dambeeyay ka soo cararay dagaallada wajiyada badan leh ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan agagaarka magaalooyinka Janaale iyo Walaweyn.

'Hoy iyo cunno ayaa noogu daran'

Dad ka soo barakacay Walaweyn iyo Janaale oo ku tabaalaysan duleedka Muqdisho

Dadkaas naftooda iyo kuwa carruurtooda la soo cararay waxaa ka mid ah Khadiijo Macalin Maxamad oo iyada iyo sagaal caruur ah oo ay dhashay ka soo hayaameen colaadaha ka jira deegaano hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Khadiija waxaa hoy u ah geed hoostii halkaas oo ay ku sugaan wixii dadka degmada Dayniile ay ugu kaalmeeyaan biyo iyo raashinba, waxaana ay sheegtay in cudurka la sheegay uu werwer ku hayo balse aanay awoodin inay ka hortagto duruufaha ku xeeran dartood "Kala fogaanshe! Inteen ku kala fogaanaynaa hee, meeshaanaan ku jirnaayee intee aadaynaa.

"Carruurta hadda way ii caafimaad qabaan Alxamdulillaah, laakiin hoy ma haysanno, wax aan cunno ma haysanno, horteenna soon waaye, meel aann seexanno ma haysanno maacuun ma haysanno." Ayey ku caalacashay hooyo Khadiija.

Khadiija waxa ay sheegtay in dhegta uun ay ka maqlaan fariimaha caafimaadka ee la xiriira ka hortaga fayraska corona, hasayeeshee wax tabar ah ma hayaan oo ma ay jirto meel ay ku kala fogaadaan.

'Ilmahaas shaah uma awoodno cunto iska dhaafee'

Dad ka soo barakacay Walaweyn iyo Janaale oo ku tabaalaysan duleedka Muqdisho
Qoraalka sawirka, Dad ka soo barakacay degmooyinka Walaweyn iyo Janaale oo hoy iyo cunno la'aan ay ku hayso Muqdisho

Khadiija Macallin iyo carruurteeda waxa ay hoos daadsan yihiin geed hoostii, halkaas oo qaarna fadhiyaan kuwa kalena marka ay daalaan ay ciida dhinaca dhigtaan, tiiyoo aanay heli karin saabuunta gacmaha lagu mayro iyo biyaha laftigooda oo ciriiri ku ah.

"Geedkaan agtiisa ayaa guri noo ah, hoy ma haysanno, Allaha naga hayee hadda waxaa la sheegayaa cudur, ilmahaan anigaa dhalay wax aan meel ugu hayana malahan."

"Saabuun gacmaha halagu dhaqo waa la leeyahay, dhar hala dhaqo waa la leeyahay, halkii aan ku soo baxnay ayaan ku taagannahay, saabuun faro kuma hayno, saabuunta lacag ayey joogtaa. Ilmahaas shaah uma awoodno cunto iska dhaafee." Ayey tiri hooyo Khadiijo.

Dambas bay miciin bidaan

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dad ka soo cararay degmada Janaale sababo la xiriira dagaalada aagaasi ku dhexmaraya ciidamada dawladda ee ay taageerayaan kuwa midowga afrika iyo kuwa maraykanka iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dadka ka soo qaxday degmada Janaale diifta iyo daranyada ka muuqata ayaadan malayn karayn iyaga iyo caruurtoodaba, waxaase kaga sii muraga badan cudurka baladka soo galay oo aanay war iyo wacaal toona u hayn haddii ay maqleenna aanay awoodin fulinta farriimaha looga hortagayo.

Dadkaas waxaa ka mid ah Maxamad Xasan oo ay la socdaan 9 caruura iyo hooyadood, oo isagoo geed hoostiis carruurtaas la fadhiya ayuu BBCda u sheegay in qofba tabartii uu iska ilaalinayo fayraska korona balse duruufaha ku hareeraysan aanay rajadoodu wanaagsanayn.

"Annaga hadda saan ayaan isugu dhexjirnaa, Ilaahaan iska aamminsannahay iska tawakalsannahay." Ayuu yiri Maxamed. "Maalinwalba raadiyayaashaa laga sheegaa gacmaha iska dhaqa ayaa la leeyahay laakiin saabuuntaba dadka qaarkii ma haystaan, oo biyahaas iyo dambaska ayaan isaga dhaqanaa."

Dad ka soo barakacay Walaweyn iyo Janaale oo ku tabaalaysan duleedka Muqdisho

Xeryuhu way buux-dhaafeen

Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayso tirada dadka uu ku dhacayo cudurka COVID-19 ayaa dadka gudaha ku barakacay waxaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin labo milyan iyo lix boqol oo kun oo qof.

Dadkaasi waxa ay ku nool yihiin xeryo laga sameeyay gudaha iyo hareeraha magaalooyinka waa weyn halkaas oo ay dadku ay aad isugu dhawyihiin oo ma heli karaan meelo ay ku kala fogaadaan ama musqulo u kala gaara iyadoo ay sareyso baahiyaha kale ee ay qabaan.

Xeryahaasi waxa maalinkasta agagaarkooda soo daga qoysas horleh oo colaad ama abaari soo bara kicisay.

Arrintaas oo walaac badan u abuurtay horjoogayaasha xeryahaasi kuwaas oo sheegaya inuu sareeyo walwalkooda la xiriira faafitaanka fayraska korona, iyagoo ku baaqay in laga caawiyo dadka gudaha ku barakacay sidii aanu cudurku u gaari lahayn.

Agaasimaha waaxda barakayacayaasha ee degmada Dayniile, Cabdillahi Xiirey Calasow, ayaa sheegay in cabsi wayn ay qabaan "Dadku wuu iskorsaaran yahay sida aad buushashkaba ku soo aragteen sidaas bay gabigood isku korsaaran yihiin, cudurkana waxaa la yiri waa in hal mitir la isu jiraa dadkanna dad hal mitir isu jiri kara ma ahan waa dad barakacayaal ah meel la kala geeyo lama arko, oo qaar kale ayaa hadda ku soo darsamaayo."

"Marka meeshan halis badan oo cudurkaasi inuu meeshan ku faafo ah ayaan ka cabnaysaa".

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay bulsahda uga digtaa haliska fayraska korona iyagoo farto inay taxadaraan, guryahoodana joogaan, si gaar ahna ay u taxadaan dadka da'da ah.