Coronavirus: Muslimiinta ku dhimata Kenya sidee loo aasayaa?

.

Xigashada Sawirka, Maxamed Shariif Cabdiwahaab

Qoraalka sawirka, Guddiga aasaya muslimiinta coronavirus ugu dhimata Kenya ayaa isugu jira ururro kala duwan
    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

Guddi ka kooban golaha sare ee muslimiinta Kenya, Dalladda imaamyada, Dhakhaatiirta muslimiinta ayaa ka shaqeynaya aaska dadka muslimiinta ah Kenya ugu dhinta xanuunka coronavirus.

Dhismaha guddigan waxaa iska kaashaday dowladda Kenya iyo muslimiinta ku nool waddanka qeybihiisa kala duwan.

Maalintii Isniinta, ee 13-ka bisha April, waxaa Nairobi lagu aasay ninkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee Kenya ugu geeriyooday cudurka.

Sidee loo aasayaa dadka Muslimiinta ah?

Sheekh Maxamed Shariif Cabdiwahaab, oo ah imaamka iyo khadhiibka Masjidul Mujtamac oo ku yaalla xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ayaa ka mid ah xubnaha guddiga u istaagay aaska muslimiinta u geeriyoota cudurka lagu magacaabay Covid-19.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu Sheekh Maxamed ku sharraxay sida ay howshan culus u qabtaan.

"Wasaaradda Caafimaadka ayey ka timid su'aal ah 'haddii qof muslim ah uu u dhinto cudurka sideen ula tacaalnaa?', taas ayaana keentay in guddiga la aasaaso. Guddigu wuxuu sameystay dhalinyaro badan oo iskood isu xilqaamay, oo la tababaray, kuwaasoo dalka oo dhan ka kala socda, waxayna xiran yihiin dharka qafilan ee la isaga caabiyo cudurka. Markii uu qof muslim ah dhinto dowladdu waxay lasoo xiriireysaa dhakhaatiirta muslimiinta ah ee ku jira guddiga, kaddib dhakhaatiirtuna waxay la wareegayaan meydka islamarkiina waxay soo wargalinayaan guddiga", ayuu yiri.

Qoyska qofka dhintay sidey ugu lug yeelanayaan aaska?

.

Xigashada Sawirka, SheikhJamaludinOsman/Twitter

Qoraalka sawirka, Meydka qofka u dhintay coronavirus ayaa lagu tukanayaa isagoo gaariga ku dhex jira

Isagoo sii faahfaahinaya sida qofka loo aasayo ayuu yiri; "Dhalinyarada loo tababaray ee ku labisan dharka qafilan ayaa sameyneysa aaska. Dhinaca qoyskana, wasaaradda caafimaadka waxay noo sheegtay inay oggoshahay ugu horreyn labo ruux oo xaqiijisa inuu qofka dhintay yahay qofkooda, sababtoo ah dadkan markii hore waxaa dadka cudurka qaba meel gaar ah ku heysatay dowlada. Markii ay labadaas qof oo dharka qafilan loo xiray xaqiijiyaan meydka, kaddib waxaa qoyska loo oggolaanayaa inay soo dirsadaan 15 ruux oo ka qeyb gasha janaasada lagu tukanayo meydka, goob joogna ka ahaanaya aaska".

Dowladda ayaa meel gooni ah u asteysay in lagu aaso dadka u dhintay xanuunkan, meydadkana waxaa janaasada lagula tukanayaa qabuuraha agtooda, iyadoo aan wali gaariga laga soo dajinin.

Ninka Soomaaliga ah ee shalay la aasay loo maray nidaamka ay guddiga iyo dowladda isla dajiyeen.

Sheekh Maxamed Shariif wuxuu sheegay in aysan jirin cid mushaar ku siineysa shaqadan, balse ay xitaa iyagu kharash ku bixiyaan.

Wuxuu dadweynaha ka codsaday inay si dhab ah u qaataan halista cudurkan, dadka guryaha ugu dhinta xanuunkana waxay guddiga ka wici karaan lambarka 719.

.

Xigashada Sawirka, SheikhJamaludinOsman/Twitter

Kenya ayaa tan iyo markii uu cudurka soo gaaray waxaa sare usii kaceysay tirada dadka uu soo ridanayo, inkastoo dadka u dhimanaya ay koobnaayeen.

208 kiis oo coronavirus ah ayaa laga helay Kenya, halka 9 qofna ay u dhinteen.

Bandow soconaya inta u dhaxeysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta subaxnimo ayaa ka dhaqan galay waddanka oo dhan.

Waxaa xayiraad galitaan iyo ka bixitaan ah lagu soo rogay magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin caafimadda Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Presentational white space
bb
bb

Qaabka dhaqista iyo aaska qofka muslimka ah ee u dhinta coronavirus

Nin khamiis xiran iyo xaaskiisa oo si wanaagsan u xijaaban

Xigashada Sawirka, Getty Images/AHMAD AL-RUBAYE

Dalal badan oo ka tirsan dunida muslimka ayaa caqabad lagala kulmay sida loo wajahayo dadka u dhinta cudurkan safmarka ah.

Al-Azhar Al-Shareef, oo ah xarun weyn oo ay Muslimiintu aad u tixgeliyaan, kana mid ah xarumaha diinta Islaamka ee ugu faca weyn, ayaa Fatwo ay soo saartay ku faahfaahisay sida ugu haboon ee ay tahay in loo aaso qofka u dhinta cudurkan halista ah ee fayraska Covid-19.

"Asalku waa in qofka Muslimka ah ee dhinta la maydho maydkiisa, kafan lagu xidho oo lagu tukado salaadda janaasada, laakiin haddii qofku u dhinto cudur faafa oo la kala qaado oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyaan in maydkaas maydhiddiisa laga qaadi karo cudurka uu u dhintay, markaas waajibkaasi meesha wuu ka baxayaa oo sida ay khubarada caafimaadku ku taliyeen ayaa la raacayaan oo kafankii iyo maydhiddiiba waajib noqon maayaan," Ayey tidhi Fatwadu.

Jawaabtan oo kale waxa isna bixiyey oo ka hadlay sida loo aasayo qofka u dhinta coronavirus, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaalida.

Wuxuu sheekhu sheegay in waajibaadkaas ay shareecadu jidaysay ee ah maydhidda, kafan ku xiridda iyo salaadda jinaasadu "ay meesha ka baxayaan oo ay diintu ruqsadaas bixinayso" haddii Muslimiinta nool ee aasi lahayd qofkaas dhintay ay naftoodu halis ku galayso arimahaas, sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadku ee ah in xitaa maydka laga qaadi karo cudurkan Covid-19 haddii ay dadku taabtaan.

Sheekhu wuxuu aad u faahfaahiyey arrintan, isagoo dadka u sharaxay hadba sida ay diintu u eegto maslaxada dadka nool ee Muslimiinta ah.