Coronavirus: Sida aad u joojin kartid faafinta xogta marinhabaabinta ah

Graphic of a hand holding a phone with social media apps and germs nearby.

Warbixinta khaldan ee ku saabsan Coronavirus ayaa qabsatay internet-ka khubarrada ayaana ugu baaqaya bulshada inay ka digtoonaadaan arrintaas. Maxaad sameyn kartaa si aad u joojiso faafinta warbixin xun?

1. Ka joog oo feker

Waxaad rabtaa inaad qoyskaaga iyo saaxiibbadaa ka caawiso inay xog-ogaal noqdaan. Sidaas daraaddeed marka aad hesho xog - kugu soo gaartay email, WhatsApp, Facebook ama Twitter - waxaa laga yaabaa inaad degdeg ugu gudbiso.

Balse khubarrada ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee aad sameyn karto si aad warbixinta khaldan uga digtoonaato ay tahay inaad ka joogsato oo aad fekerto.

Haddii aad ka shakiso, ka yara joog, kaddibna hubi.

Graphic shows a mobile phone with "fake news" on it being cleaned by tiny cleaners.

2. Iska hubi isha aad ka soo xigatay

Kahor inta aadan sii gudbin, is weydii su`aalaha aasaasiga ah ee ku saabsan halka ay ka timid warbixinta.

Ka fiirso haddii uu xaalku yahay waxay warbixinta ka timid "saaxiibkaa saaxiibkii" ama "deriska qof ay isla shaqeeyaan eeddadey ".

Waxaan dhowaan dabagalnay sida qoraal khaldan oo ka yimid adeerka qof isla markaana haysta shahaahada master-ka uu aad ugu faafay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah xogta ku jirtay qoraalka way saxsaneyd - waxaa ku jiray talooyin ay ka mid yihiin in gacmaha la dhaqdo si loo joojiyo faafinta fayraska. Balse xogta kale waxay ahayd mid khatar ah, oo ay ku jiraan sheegashooyin aan la caddeynin oo ku saabsan sida lagu garto xanuunka.

"Ilaha la isku halleyn karo ee xogta laga helo waxaa ka mid ah waaxaha caafimaadka bulshada sida NHS, WHO, ama Xarumaha Xamakeynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Mareykanka." Sida ay sheegtay Claire Milne, oo ah tifaftire ku xigeenka ururka xaqiiqo-raadinta ee Full Fact oo fadhigiisu yahay UK.

Khubarradu ma aha kuwo aan khaldamin balse way ka fiican yihiin meelaha kale ee aad xog khaldan ka heli lahayd.

3. Xogtu ma noqon kartaa mid been abuur ah?

Waxa kuu muuqda waxay noqon karaan kuwo been abuur ah.

Waa macquul in laga been sheego akoonnada rasmiga ah iyo maamullada, sida BBC News iyo dowladda. Sawirro laga soo qaaday ayaa la beddeli karaa si looga dhigo in warbixintu ay ka timid il la isku halleyn karo.

Ka hubi akoonnada saxda ah iyo baraha internet-ka. Haddii aadan si fudud ku heli karin warbixinta, waxaa laga yaabaa inay been abuur tahay. Haddii qoraal, muuqaal amaba lifaaq uu kuula muuqdo mid been abuur ah - wuuba yahay.

Farta isugu jirta tan waaweyn iyo tan yaryar ee isku dhex qasan ayay dadka wax hubiya u adeegsadaan inay ku kala gartaan warbixinta saxan iyo tan been abuurka ah, sida ay qabto Claire Milne oo ka tirsan Full Fact.

4. Ma hubtid sow maaha inay sax tahay? Hala wadaagin dadka

Ha gudbin warbixinnada adiga oo ay kaa tahay waxaa laga yaabaa inay run noqoto. Waxaa laga yaabaa inaad dhib geysaneyso intii aad wanaag sameyn lahayd.

Aaalaaba waxaan wax ku qornaa meelaha aan ognahay inay joogaan khubarro - sida dhaqaatiir iyo xirfadleyda caafimaadka. Taasi dhib malaha, balse waa inay kuu caddahay waxaad ka shakineyso. Iskana ilaali - in sawir ama qoraal aad soo wadaagtay laga beddli karo micnihii dhabta ahaa.

5. Hubi xaqiiq walba

Waxaa jiray cod la iskula wadaagayay WhatsApp-ka. Qofka hadlaya waxay sheegeysaa inay tarjumeyso talo ka timid "qof ay isla shaqeeyaan saaxiibkii" oo ka shaqeeya isbitaal. Boqollaal qof oo dunida ku kala sugan ayaa u soo diray BBC.

Balse waxay isugu jirtaa talo saxan iyo mid khaldan.

Marka aad hesho liis dheer oo talo ah way fududdahay inaad wada rumeysato sababtoo ah waxaad ogtahay in qaar ka mid ah ay sax yihiin.

Balse mar walba sidaasi xaalku maaha.

6. Iska ilaali qoraallada uu dareenku ku dheehan yahay

Waa waxyaabaha na cabsi gelinaya, naga xanaajinaya, na walwal gelinaya, amaba na farxad gelinaya kuwa aad u baaha.

Baaqyada degdegga ah ee wax qabasho ayaa loo sameeyaa qaab qofka cabsi gelinaya, marka ka taxadar.

7. Iska ilaali warbixinnada dhinac u janjeera

Ma waxaad qof la wadaageysaa wax aad ogtahay inay run yihiin - ama aad ku raacsan tahay?

Carl Miller, oo ah agaasimaha baaritaanka ee Xarunta Taxliilinta Baraha Bulshada ee think tank Demos, ayaa sheegay inaan mar walba jecel nahay inaan dadka la sii wadaagno waxa sii xoojinaya waxa aan aaminsan nahay.