Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi

.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL/Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland(bidix
    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ku kulmay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda waddanka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Addis Ababa u joogay shirka sannadlaha ah ee madaxda Midowga Afrika. Dhanka Somaliland, horey ugama qeybgali jirin kulamada AU, haddana ma cadda sababta uu Muusa Biixa u tagay halkaas.

Labada Madaxweyne ayaa goob joog ka ahaa shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo ka dhacay xaruntiisa Addis Ababa.

Faah-faahin buuxda lagama hayo waxa ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Biixi, waxayna warar soo baxay sheegayeen inay yeesheen kulan ay albaabada u xirnaayeen oo qaatay in ka badan nus saac.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa xaqiijiyay shirka balse ka gaabsaday inuu faahfahin ka bixiyo.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo maanta magaalada Hargeysa shir jaraa'id ku qabtay ayaa xaqiijiyay kulanka dhex maray Biixi iyo Farmaajo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu xogta oo dhammeystiran bixiyo.

Wuxuu wasiirku sheegay in Kulanka uu la mid ahaa "shirarka caadiga ah ee ay isku arkayeen madaxweynayaashii isugu tagay magaalada Addis Ababa".

.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL

Farmaajo iyo Biixi ayaa si gaar ah ugu kulmay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Kulanka uu ahaa mid albaabada ay u laabnaayeen oo labada hoggaamiye keligood ay wada hadleen. Wuxuu shirka qaatay illaa 40 daqiiqo.

Horay si fool ka fool ah isuma aysan hor fariisanin labada mas'uul tan iyo intii ay xilalka qabteen.

Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa dhawaanahan isku fahmi la'aa wadahadalladii u dhaxeeyay, oo aan dhowr sano qabsoomin.

.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Laakiin wax kulan ah labada dhinac ma dhex marin wixii ka dambeeyay markii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 2017-kii

Maxay yihiin shuruudaha lagu xiray dib u billaabashada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland?

Dhawaan waxay guddiyada labada dhinac u qaabilsan wadahadalladaas ka hadleen sidii dib loogu laaban lahaa miiska wadahadalka.

Somaliland ayaa tabasho ka qabta dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii horay looga gudbay intii ay wadaxaajoodyadaas socdeen.

Dhinaca Soomaaliya, Guddiga Qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada u qaabilsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadahadal la furaan Somaliland.

Hadalkan waxay soo saareen kaddib todobaadyo ay wadatashi kula jireen ururrada bulshada rayidka iyo madaxda kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

"In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar", ayey tiri Adna Aaden Iscaamiil, Gudoomiyaha guddiga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan dhinac Somaliland.