"Waxa la gaadhay xilligii la kala guri lahaa Soomaaliya iyo Somaliland"

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Guud ahaan Somaliland waxaa maanta laga xusay sannad-guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland sheegtay inay goonni isu taagtay, waxaana khudbad xasaasi ah ka jeediyay madaxweyne Muuse Biixi.

Xaflado iyo dabbaal degyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan gobolllada Somaliland.

Munaasabaddii lagaga xusay magaalada Hargeysa ayaa si gaar ah dadka wax falanqeeya waxay ku tilmaameen tii ugu weynayad ee dadkii ugu badnaa ka soo qaybgalaan sannadahan.

Ciidanka Somaliland

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland

Qoraalka sawirka, Ciidanka Somaliland

Ururrada bulshada, xisbiyada mucaaradka, ardayda iyo dadweyne kale ayaa isugu baxay fagaarayaasha, sidoo kale marti Sharaf ka socotay in ka badan 10 dal oo isugu jira dalalka jaarka ah, dalal carabeed iyo kuwa reer yurub ah ayaa iyana ka mid ahaa, iyadoo ciidammadu ay gaardi iyo qoob ka ciyaar ku samaynayeen waddooyinka, waxaana gaardigaa qayb ka ahaa hablihii iyo inamadii lagu tababarayey Dararweyne.

Dadka xafladdaa ka hadlayna waxaa ugu mudnaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kaga hadlay xafladdaasi waxyaalo badan.

Madaxda Somaliland ayaa ka qeyb gashay munaasabadda 18-ka May
Qoraalka sawirka, Madaxda Somaliland ayaa ka qeyb gashay munaasabadda 18-ka May

Madaxweynaha ayaa qodobbadii uu isdul taagay waxaa ka mid ahaa madaxbannaanida Somaliland iyo ka go'itaanka Soomaaliya inteeda kale.

"Waxaa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya iyo Somaliland iyaga oo xor ah oo laba dal oo Ingiriis iyo Talyaanigu kala guumaysan jireen ayay midoobeen lixdankii, soddon sano, oo toban sano dagaal ahaa labaatan sanona ciil, isqabqabsi iyo cadho ahayd ayay midaysnaayeen, kaddibna dawladdii dhexe way duntay", ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaaliland ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay uga xun yihiin inaanay 28 sano ictiraaf helin, isaga oo ku eedeeyey in muddadaas Soomaaliya ay hor taagnayd.

Qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda
Qoraalka sawirka, Qeybaha bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda

Waxa uu sheegay in soddonkii sano ee ay midaysnaayeen wixii gaadhay ay ka culus yihiin, oo ka adag yihiin waxa ay gaadhsiiyeen 28-kii sano ee ay xorta ahayd, isagoo sheegay in Soomaaliya caalamka lahayd mudadaas "ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno waa qayb naga mid ah".

Waxa kale oo madaxweyne Muuse Biixi, khudbaddiisa ku soo hadal qaaday qorshe uu sheegay in laga wado dalalka ku teedsan badda cas, kaasi oo ah in amnigiisa la iska kaashado iyada oo uu tilmaamay in Somaliland aan lagala tashan arrintaas, wuxuuna ka yidhi: "Isbeddelka ka socda geeska afrika waxay Somaliland ka soo qayb gelaysaa iyada oo xor ah, cidna magan uma aha, ninka taa indha ka laliyaa ee arki waayaa uma socdo in geeska afrika horumaro"

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland, isaga oo ka hadlaya doorashooyinka dhawaan ku soo aaddan Somaliland, ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, ayuu si gaara xisbiga Waddani uga codsaday inay ka qayb galaan isaga iyo tageerayaashiisu. Waxa uu sidoo kale ammaanay xisbiga Ucid, oo uu sheegay inuu ahaa xisbigii ugu doodda adkaa.