Kumannaan qof oo markab laga fasaxay kaddib markii laga waayay Coronavirus

Passengers disembark from the World Dream cruise liner

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Rakaabka ayaa loo ogolaaday inay ka dagaan markabka World Dream

Kumannaan qof oo muddo shan maalmood ah ku xayirnaa markab ku sugnaa Hong Kong ayaa waxaa loo ogolaaday inay markabka ka dagaan kaddib markii laga waayay caabuqa coronavirus.

Ilaa 3,600 oo qof oo isugu jira rakaab iyo howlwadeenno la shaqeynayay markabka World Dream ayaa la karantiilay xilli laga cabsi qabay in qaar ka mid ah shaqaalaha ay safar hore ku qaadeen caabuqa.

Markab kale oo laga helay tobannaan kiis oo coronavirus ah ayaa weli ku karantiilan meel ka baxsan xeebaha Japan.

Cudurka ayaa waxa uu dilay 813 qof, dhammaan dadkaasi waxa ay ku dhinteen dhulwayaha Shiinaha laba qof ma ogiyee.

Coronavirus ayaa haatan waxa uu dilay in ka badan dadkii u dhintay cudurka Sars. 2003 cudurkaasi waxa uu dilay 774 qof kuwaas oo ku kala dhintay in ka badan labaatan dal.

Gobolka Shiinaha ee Hubei oo kaliya, oo ah halka uu cudurkaasi coronavirus ka dilaaca, dhimashadu waxa ay maraysaa 780 si ay sheegeen mas'uuliyiinta caafimaadka ee gobolkaas. Caalamka oo dhan in ka badan 34,800 oo qof ayuu cudurkaasi ku dhacay, kuwaas oo intooda badan ay ku nool yihiin waddanka Shiinaha.

Maxay tahay sababta loo karantiilay markabka?

Markabka World Dream ayaa Arbacadii la karantiilay kaddib markii ay soo baxday in saddex rakaab ah oo hore ugu safray markii dambe la ogaaday inay cudurka qaadeen.

Madaxa caafimaadka ee dekadda Leng Yiu-Hong ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka - oo gaaraya ilaa 1,800 oo qof - laga waayay cudurka coronavirus, iyadoo qofwalba loo ogolaaday inuu markabka ka dego iyadoo aanan loo baahnayn in qofka uu is karantiilo.

Jimcihii, wasiirka caafimaadka ee Hong Kong ayaa sheegay in 468 qof lagu amray inay joogaan guryahooda, qolalka hoteellada ay deggan yihiin ama xarumo ay dowladda maamusho, maalin kaddib markii saraakiishu ay fuliyeen amar qasab dadka uga dhigayay in laba todobaad la karantiilo qofkasta ee ka yimaada dhulwaynaha Shiinaha.

Passengers queue up to finally disembark from the World Dream cruise ship

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Rakaabka ayey qasab ku noqotay inay markaba dulsaarnaadaan muddo shan maalmood ah

Dhulwaynaha Shiinaha, malaayiin qof ayaa waxa ay isu diyaarinayaan inay dib ugu laabtaan shaqooyinka, kaddib markii la dheereeyay fasaxa sanadka cusub ee dalkaas ee Lunar-ka, taas oo ay dowladdu ku doonaysay inay ku joojiso in caabuqu uu faafo. Sikastaba xaalku ha ahaadee, tiro sare oo shirkado iyo ganacsiyo ah ayaa weli xiran dad badan ayaana la filayaa inay guryaha ka soo shaqeeyaan.

Gobolk Hebei, ee dariska la ah caasimadda dalkaas ee Beijing, ayaa warbaahinta dowladda waxa ay ku warramaysaa in dugsiyada ay sii xirnaan doonaan ugu yaraan ilaa 1-da Maarso, halka qeyba badan oo gobolka Hubei ah ay weli xiran yihiin. Deegaannada kale ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraado adag oo dhinaca socdaalka iyo kulanka ah.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay wararka been abuurka iyo xogaha khaldan ee la isla dhexmarayo ay caqabad ku noqdaan jawaab ka bixinta cudrkan cusub ee coronavirus.

Agaasimaha guud ee hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa warfidiyeennada u sheegay wararkaasi been abuurka iney saameeyeen shaqaalaheenna har iyo habeen ku howlan xal u helista cudurkan.

Haweeney Shiineys ah oo oo ku sugan Beijing xiran dharka lagaga gaashaanto cudurka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad ka badan 34, qof ayaa laga helay cudurka coronavirus

Caalamka oo dhana waxaa cudurkan cusub coronavirus laga helay dad ka badan 34,800, iyada oo tirada ugu badan ee dadkaasi ay yihiin dad u dhashay Shiinaha.

Dalka Shiinaha oo keli ah waxaa cudurkaasi u dhimatay dad ka badan 723, waddanka kale ee Shiinaha ka baxsan ee cudurkaasi looga dhintayna uu yahay dalka Philippines.

Dr Tedros wuxuu intaa ku daray cudurka inuu dalka Shiinaha oo keli ah uu ku haleelay 34,598 qof, ku dhawaad 25,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin kuwa ku nool gobolka Hubei, ee dalka Shiinaha gobolkaasi oo ah halki ugu horreeyey oo cudurka cusub uu ka dillaacay.

"Waxaa kale oo aan doonayaa inaan si tifatiran uga hadlo muhiimadda ay leeyihiin xogaha rasmiga ah, Sahacabkuna waa iney helaan fursad ay ku heli karaan xogaha dhabta ah ee la xidhiidha sida uu qofka isaga ilaalin karo cudurkan iwm" ayuu yiri.

Dr Li Wenliang wuxuu ahaa dhakhtarki ugu horreeyey ee ogaaday cudurka balse dowladda Shiinaha ay ka hor istaagtay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhimashada Dr Li Wenliang, waxay cara ka abuurtay dalka Shiinaha

"Hay'adda WHO ahaan lama dagaallameyna oo keli ah caabuqa corona, balse waxay sida oo kale la dagaallameysay wararka been abuurka ah ee caqabadda ku noqon kara mas'uuliyadda na saaran.

"Wargeyska the Guardian oo boggiisa hore cinwaan uga dhigay, "Xogaha Khaldan ee ku saabsan cudurka coronavirus iney noqon karaan xogaha ugu khatarta badan ee cudurka laga faafiyo."

Wargeyska The Guardian qaybta uu kaga faalloodo araa'da, wuxuu ku daabacay qoraal uu Dr Adam Kucharrski uu ku doodayo sida ugu wanaagsan ee wararka been abuurka ee la faafiyo looga hortagi karo iney tahay "in caabuqan loo daweeya si la mid ah faayrasyada caadiga ah."

Toddobaadyadi la soo dhaafay oo keli ah waxaa caalamka ku baahay xogo khaldan oo ku saabsan faayrsakan cusub.