You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa?
Dalka Kenya waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay aad u xoogeystay xiisadda siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha ka dhalatay barnaamijka dib u heshisiinta ee BBI, kaas oo ay ku midoobeen, hirgelintiisana ay lahaayeen Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradaka, Raila Odinga laba sano kahor.
Wixii intaa ka dambeeyay waxaa muuqatay in siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne ku xigeenka, William Ruto aysan ku qanacsaneyn qaabka loo wajahayo barnaamijka dib u heshisiinta, waxaana qaar badan oo kamid ah ay Raila Odinga iyo xisbigiisa ku dhaliileen in u kala qeybiyay xisbiga talada haya ee Jubilee.
Inkastoo madaxweyne ku xigeenka uu taageero u muujiyay barnaamijka dib u heshisiinta ee BBI, haddana waxaa muuqatay in isgaa iyo dhinacyada taabacsan aanay wax saameyn ah ku lahayn ololaha BBI, taaso keentay in Ruto uu marar badan dhaliilo qaabka wax loo wado.
Dadka qaar ayaa arrintan u arka inay tahay qorshe ka dhan ah hammigiisa siyaasadeed ee doorashada 2022.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa marar badan ku celceliyay baahida loo qabo in shacabka reer Kenya la mideeyo, lagana gudbo dagaalada ku saleysan siyaasadda ee Kenya ka qarxa mar kasta oo ay doorsho dhacdo.
"BBI waa mid nabadgelyo iyo horumar u horseedi doonta Kenya, aniga iyo walalkey Raila Odingana arrintaas waan ka mideysanahay", ayuu horay u yirir madaxweyne Kenyatta.
Uhuru ayaa sidoo kale marar badan ku celceliyay in qorshaha lagu mideynayo Kenyaanka aanay ahayn arrin siyaasadeed, waaana uu gashaan u daruuray kuwa dhaliilaya.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa marar badan goobo fagaara ah ku dhaliilay hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga oo hataan ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweynaha.
Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa, William Ruto ayaa sanadkii 2013-ka, markii ay asaasayeen isbaheysi siyaasadeed ku heshiiyay in marka uu Uhuru xilka ka dego uu Ruto kala shaqeyn doono sidii uu uga la wareegi lahaa, waxaana sanadihii dambe xiriirkooda siyaasadeed loo arkayay mid aad u xoogan.
Haseyeshee madaxweyne Kenyatta ayaa maalma kahor sida uu kusoo warramaya wargeyska Daily Nation waxaa uu sheegay in doorashada soo socota anu taageeri doonin qofna, taas oo u muuqata mid ka hor imaneysa hadal uu horay u yiri oo ahaa in marka uu xilak ka dego u ka shaqeyn doono sidii uu ugu wareejin lahaa ku xigeenkiisa.
Madaxweyne Uhuru ayaa inta badan mashaariicda u wakiilan jiray ku xigeenkiisa, balse malma kahor waxaa uu sheegay in aanay jirin doonin dad dambe o uu usoo wakiilna doono mashaariicda horumarineed.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in horumar muuqad aanu ka muuqanin mashaariicda dowladda, shakhsiyaad uu u igmaday in ay kormeeraanna ay u adeegsadeen dano siyaasadeeds oo u gaar ah.
"Waxaa soo diri jiray dad iga wakiil ah si ay mashaariica horumarineed u dardargeliyaan, balse mardambe dad ma soo dirayo, maxaa yeelay danahooda ay ka shaqeyn jireen, hadda kadibna aniga ayaaba imanaya", ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo ka hadlayay deegaanka Nyadarua.
Balse maalin kadib markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta sidaas yiri, waxaa isna meel fagaara ah ka hadlay ku xigeenkiisa, William Ruto oo sheegya in uu sii wado doonaa hawlaha dowladda oo ay kamid tahay hirgelinta mashaariic horleh.
"Anigu waxaan qaataa mushaarka madaxweyne ku xigeen, waxaana qabtaa shaqada madaxweyne ku xigeenka, qof walbana shaqadiisa ha qabsado oo aan is-ixtiraano", ayuu yiri William Ruto.
Waxaa tan iyo markii ay heshiiyeen Madaxweynaha Kenya iyo hogaamiyaha mucaaradaka, Raila Odinga aad u xoogeystay kala aragti duwanaashaha u dhaxeeya siyaaisyiinta ka wadatirsan xisbiga talada haya ee Jubilee, taas oo keentay in qaar badan oo kamid ah ay la saftaan dhinaca madaxweyne Kenyatta iyo Raila Odinga.
Uhuru Kenyatta iyo Raila Oidnga, waxaana ay isla garteen in la smaeeyo guddi ka shaqeeya dhibaatooyinkii ka dhashay doorashooyinkii lagu murmay, caqabadaha hesyta Dowladnimada Kenya iyo sidii looga bixi lahaa.
Guddiga loo magacaabay arrintan oo uu hogaaminayo Seneytaka Gaarisa, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa kusoo wareegay guud ahaan dalka Kenya, iyagoona sameynayay wadatashiyo ku aadan dhibaatooyinka dadka heysta iyo sida looga bixi karo.