Booliska Hindiya oo dilay nin carruur afduubtay

Xigashada Sawirka, Deepak Kumar Srivastava
Nin u dhashay dalka Hindiya oo xaflad dhalasho oo been abuur ah u sameeyay gabadhiisa hal sano jirka ah, kaddibna afduubtay in ka badan 20 carruur ah, ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa waxa ay ninkaasi ku sheegeen Subhash Batham kaas oo lagu eedeeyay inuu dil gaystay hasayeeshee damaanad bannaanka ku joogay.
Dadka ku nool degmada Farrukhabad ee gobolka Uttar Pradesh ayaa markii dambe waxa ay garaac naftii kaga jareen xaaskii ninkaasi.
Booliska ayaa iskudayay inay wadahadal la galaan 10-kii saacadood ee uu is afgaranwaaga kahor inta aanay dhismaha xoogga ku galin.
Ninkan carruurta afduubtay ayaa ku dhintay rasaastii la iswaydaarsanayay. Hasayeeshee dhammaan carruurtii uu haystay oo da'doodu ay u dhaxaysay lix bilood ilaa 15 sanadood ayaa iyagoo badqaba la soo badbaadiyay.
Xaaska Batham oo aanan magaceeda la sheegin ayaa markaas kaddib la weerraray mar ay iskudayaysay inay goobta ka baxsato. Booliska ayaa sheegay in dadka ay haweenaydaasi la dhaceen dhagxuun iyo bulikeetiyo.
"Madaxa ayey ka dhaawacantan waana ay dhiigbaxaysay markii isbitaalka la gaynayay," Mohit Agarwal oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sidaasi u sheegay taleefishinka Hindiya laga daawado ee NDTV.
Haweeneyda ayaa markii dambe u geeriyootay dhaawacyada soo gaaray. Mana ay cadda inay ku lug lahayd afduubashada carruurta iyo inkale.

Xigashada Sawirka, Deepak Srivastava
Deepak Kumar Srivastava oo ah weriye deegaankaas ku sugan ayaa BBCda u sheegay in dadka deegaanku ay habeenkii argagax ku joogeen guryahooda.
"Dadka xaafadda oo dhan waa ay cabsanayeen mana aanay jirin cid seexatay. Qofkasta waxa uu ka walwalsanaa badqabka carruurta.
"Boolisku waxa uu muddo dhowr saacadood ah iskudayayay inuu ku qanciyo inuu isdhiibo. Waxa ay u yeerteen ciidammada gaarka ah markii iskudaygaas uu guuldarraystay," ayuu yiri.
Batham ayaa carruurta waxa uu ka soo casuumay tuuladiisa Farrukhabad si ay uga qeybqaataan xaflad dhalasho oo uu u sameeyay gabadhiisa. Hasayeeshee halkii uu xaflad u qaban lahaa carruuurta ayuu iyagii oo dhan ku afduubtay gudaha dhismaha.
"Waxa uu rumaysnaa in dadka deegaanka ay mas'uul ka ahaayeen xarigiisa la xiriiray kiis dil, oo waxa uu doonayay inuu aargoosto," Mr Srivastava ayaa intaas ku daray.
Hal canug oo lix bilood jiro ayaa loo ogolaaday inuu dhismaha ka baxo, taasna waxa ay dhacday markii Batham uu balakoonka uga dhiibay qof dariska ah, todoba saacadood kaddib markii uu carruurta afduubtay.

Xigashada Sawirka, Deepak Srivastava
Markii dadka dariska ah ay mas'uuliyiinta u sheegeen waxa dhacay waxaa goobta yimid booliska, markaasna waxa uu ninkii bilaabay inuu guriga rasaas ka soo rido.
"Markii la ogaaday awooddiisa uu wax ku toogan karo iyo cabsigelinta ah inuu bambaano adeegsan doono, ayaa dhammaan saraakiisha sarsare ee booliska waxa ay go'aansadeen in ninka la weerraro," ayuu yiri madaxa booliska gobolka Uttar Pradesh, Om Prakash Singh.
"Waxaannu isku daynay inaan guriga gudaha u galno…Subhash waxa uu ku dhintay israsaasayntii."
Inta ay socotay israsaasaynta ayaa waxa uu dhaawac soo gaaray ninkaasi xaaskiisa, laba boolis ah iyo qof meesha taagnaa.
Sida lagu daabacay warbaahinta India Today, Batham ayaa xilli hore waxa uu xaakimka deegaanka u diray warqad uu kaga cabanaayo inuusan haysan musqul iyo tas-hiilaad kalaba, waxa uuna sheegay in loo diiday guryaha dowladda.
Waxa uu sheegay inuu yahay shaqaale ayna guriga u joogto hooyo xanuunsan oo ay tahay inay bannaanka ku xaajo-gudato.
Inta uu socday weerrar saacadaha qaatay, ayaa dhowr taleefishin waxa ay Batham ugu baaqeen inuu la soo xiriiro haddii uu doonaayo in waxyaabaha uu dalbanaayo ay tahay inay dowladda ama mas'uuliyiintuba siiyaan.










