Hindiya oo baaraysa Isbitaalkii labaad ee ay ku dhinteen carruurta badan

In kabadan 100 carruur ah oo ku dhimatay gobolka Uttar Pradesh ayaa lala xiriiriyay in ay Oksajiin la'aan ahaayeen

Xigashada Sawirka, AFP

Booliiska dalka Hindiya ayaa baaritaan ku haya dhimashada carruur badan oo ku dhalatay isbitaal ku yaalla magaalada Farrukhabad ee gobolka Uttar Pradesh.

Afartan iyo sagaal carruur ah ayaa ku dhimatay isbitaalka Ram Manohar Lohia muddo bil gudaheed ah, ugu yaraan saddon ka mid ah carruurtaas waxay u dhinteen jidhkooda oon helin "oksajiintii uu u baahnaa"

Bishii Agoosto 160 carruur ah ayaa ku dhintay isbitaalka Gorakhpur, ka dib markii ay xaaladahaas oo kale soo wajaheen.

Laakiin saraakiil dawdalla ka tirsan ayaa diiday in ay xaaladdu tahay sida la sheegayo.

Baadhitaan ay dhawaan dawladdu samaysay ayaa shaqaalaha caafimaadka ku eedeeyay 30 ka mid ah dhimashada.

Wakaaladda warar hindiya ee The Press Trust ayaa ku warrantay in 30 ka mid ah carruurtaasi ay u dhinteen oksajiin la'aan iyaga oo waliba ku jira qaybta bukaannada liita ee isbitaalka Ram Manohar Lohia.

Afartan iyo sagaal dhimasho ayaa dhacday intii u dhaxaysay 21 luulyo ilaa 20 Agoosto.