Atariisho caan ah "oo ku ceebowday arrin ay ka sheegtay Dagaalkii Labaad ee Adduunka"

.

Xigashada Sawirka, Urmila Matondkar/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Urmila Matondkar waxay jirista filimada ku jirtaa 1980-kii ilaa hadda

Urmila Matondkar, oo ka mid ah atariishooyinka ugu caansan wadanka Hindiya, ayaa si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada, ka dib markii ay khalad lama filaan ah, oo dad badan ka yaabiyay ku shegetay khudbad ay jeedineysay.

Atariishan ayaa jumlad ka mid ah khudbaddeeda ku sheegtay in dagaalkii labaad ee dunida uu dhammaaday sanadkii 1919-kii, laakiin sida dhabta ah dagaalkaas wuxuu socday intii u dhaxeysay 1939-1945.

Muuqaal si aad ah u faafay oo ay barta Twitter-ka soo galisay shirkadda ANI ayey Urmila ku sheegtay in Britain ay ogeyd ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Dunida sanadkii 1919-kii uu qalalaase ka taagnaa Hindiya. Si arrintaas wax looga qabtana uu gumeystihii Britain soo jeediyay sharcigii Rowlatt, oo dhigayay in dadka la tuhmo xabsiga lagu heyn karo muddo dheer, iyagoo aan maxkamad lasoo taagin.

Haweeneydan jilaaga ah ee markii dambe siyaasadda ku biirtay ayaa isbarbardhig ku sameyneysay sharciga wax looga baddalayo dhalashada Hindiya ee muranka dhaliyay iyo sharcigii uu gumeystaha soo bandhigay ee Rowlatt.

Waxay intaas ku dartay in labada sharciba lagu xasuusan doono inay baal madow ka galeen taariikhda Hindiya.

Dadka internet-ka isticmaala ayaa durba fahmay in Urmila ay khalad weyn ku dhawaaqday, ayna tiri Dagaalkii Labaad ee Adduunka, halkii laga rabay inay tiraahdo Dagaalkii Koowad ee Adduunka.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa socday intii u dhaxeysay 1914-kii ilaa 1919-kii.

.
Qoraalka sawirka, Urmila ayaa si weyn loogu maadsaday baraha bulshada ka dib markii ay shegetay in dagaalkii labaad ee adduunka uu dhammaaday 1919-kii

Qof ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa soo qoray sida: "Laakiin Urmilla, Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu dhammaaday 1939-kii, siduu ku dhammaan karaa 1919-kii. Waxay u muuqataa in aqoontaada badankeed ay ku dhisan tahay jaamacadda WhatsApp-ka".

Qaar kale oo ka mid ahaa dadkii Urmila ku canaantay baraha bulshada ayaa sheegay in jilayaasha filimada Bollywood-ka ay mar walba khudbadaha jeediyaan iyagoo aan u diyaargaroobin waxa ay sheegayaan.

Dad badan ayaa ku maadeystay atariishadan, iyagoo siyaabo kala duwan u cabiraya qaabka ay u arkeen hadalkeeda.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Urmilla Matondkar waxay jilista filimada ku biirtay iyadoo aad u da' yar sanadkii 1980-kii, waxayna xirfaddeeda waddaa ilaa hadda oo ay da'deeda tahay 45 sano.

Dhawaan waxay xirfaddeeda u rogtay dhinaca siyaasadda, iyadoo isku dayday inay kursi baarlamaan hesho.

27-kii Bishii March ee sanadkii 2019-kii ayey ku biirtay xisbiga National Congress ee dalka Hindiya. Doorashadii isla sanadkaas dhacday ayey ugu tartantay kursiga baarlamaanka ee degmada Waqooyiga Mumbai, laakiin way ku guul darreysatay.

10-kii bishii bishii September, waxay iska casishay xubinnimadii xisbiga.