Dusha sare ee qoraxda oo "macluumaad wax ku ool ah laga helay"
Eeg dusha sare ee qalalan ee qoraxda oo weligeed aan macluumaad laga helin.
hay'adda hawada sare iyo cimillada ee Hawaii ayaa baahisay muuqaallo ay ka muuqadaan astaamo lagu qiyaasay 30km.
Seynisyahannada ayaa arrintan ku tilmaamay mid cajiib ah, marka la eego qoraxda sida ay tahay markaan dhanka dhulka ka daawaneyno. Waxay sheegeen in qoraxda ay gareyso 1.4 milyan oo Km, sidoo kale "in ay dhulka u jirto 149 mlyan oo km.
Hannaankan oo u eg unugyo yaryar, waxay qiyaas ahaan la egyihiin dhulka uu ku fadhiyo gobolka Texas ee Mareykanka. Waxaa ka soo baxaya kuleyl aad u badan, gaas iyo xuubad yaryar.
Meesha dhexe ee dhalaaleysan (ee ka muuqata fiidiyowga kore) waa halka uu kuleylka ugu badan ka soo baxayo, hareereheedana ee diimaha madow, waa meesha uu ku sii fidayo, sid ay seynisyahannada sheegayaan.
Waxay tilmaameen khubaradan in baritaanka ay u adeegsan doonaan in ay bartaan sida qoraxda ay u shaqeyso. Waxay doonayaan in aragti cusub laga qaato sida qoraxda ay tahay iyo xilliyada ay aadka u kulushahay - Waxay howlgalkan u bixiyeen cilimada hawada sare.
Uumibaxa ka yimaada qoraxda iyo cuf-jiidadkeeda, sida horey loo sheegay waxay sababaan dhibaato gaarta dayax-gacmeedyada dhanka dhulka ku sugan, cirbixiyeennada iyo sidoo kale in xiriirka isgaarsiinta uu shaqeyn waayo. Sidoo kale shirkadaha tamarta dhaliya ayay waxyeello ka soo gaartaa.
"Dhanka dhulka, waan dareemi karnaa markuu roob soo socdo, laakiin marka hawada sare la joogo sidaas ma ahan weli", ayuu yiri Matt Mountain, oo ah madaxweynaha isutagga jaamacadaha baaritaanka ku saweeya arrimaha hawada ee sidoo kale maamula DKIST.
DKIST waxay ka shaqeyn doontaa heer kulka hawada (SolO), taas oo laga billaabi doono Florida, isbuuca soo socda.
Hay'adda oo ay ku mideysan yihiin Yurub iyo Mareykanka, waxay sawiro ka soo qaadi doontaa qoraxda, iyagoo ugu dhowaanaya si aan horey u dhicin - Waxay u jirsanayaan illaa 42 Milyan oo km.
"Waxaan si wada jir ah u eegeynaa qorshaha ay horey u sameeyeen DKIST iyo Solar Orbiter, kaas oo noqon doona mid cajiib ah oo aad u fiican," sida ay sheegtay Prof Louise Harra, oo ka tirsan Laanta kormeerka isbedelka cimillada ee Davos Switzerland.

Xigashada Sawirka, ESA











