Ninka diirrimaadka siiya qaxootiga ay Yurub diidday

Baadari Tibor Varga oo la jooga mid ka mid ah burjukooyinka uu ku qandiciyo qaxootiga
Qoraalka sawirka, Baadari Tibor Varga oo la jooga mid ka mid ah burjukooyinka uu ku qandiciyo qaxootiga

Ilaa 100 ayaa maalin kasta isku daya inay u gudbaan waddanka Hungary, iyagoo ka baxaya dalalka Serbia iyo Romania, arrintaas oo ay booliska ilaalada xuduudda ee Hungary ay u arkaan qulqul kale oo qaxooti ah.

Dowladda Hungary waxay milatarigeeda iyo boolis dheeraad ah u dirtay xadka, si ay dadkaas uga ilaaliyaan inay waddanka usoo gudbaan.

Hungari waxay darbi silig ka sameysan ku xeyndaabtay xuduudda ay la wadaagto Serbia. Waxaa siligaas la sameeyay ka dib markii ay dhaceen dhibaatooyinkii 2015-kii, xilligaasoo in ka badan hal malyan oo qaxooti ah - oo badankood ka barakacay goobaha dagaallada ka socdaan ee Bariga Dhexe - ay gaareen bartamaha qaaradda Yurub.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga waxay isugu tageen magaalada xadka saaran ee Subotica, oo ka tirsan waddanka Serbia.

Waxaa wakhtigan oo qabowga xagaaga lagu jiro halkaas ku qandiciya baadari ka tirsan dadka kasoo jeeda Hungary ee looga tirada badan yahay gudaha Serbia.

Tibor Varga wuxuu diyaariyaa burjukooyin dab ah oo uu ugu talagalay inay dugsadaan qaxootiga dhaxamoonaya.

Burjukooyinkaas wuxuu ka sameeyaa qalabka dabka dhaliya ee gaaska ku shaqeeya.

.
Qoraalka sawirka, Baadi Varga wuxuu aaminsan yahay inay khalad tahay in dadka qabowga lagu fiirsado

Qalabkaas ayuu dib u habeyn ku sameeyaa isagoo ku shubaya ciid iyo waxyaabo kale oo dabka ku heynaya.

Marka uu gurigiisa kusoo diyaariyo ka dib ayuu kusoo riixaa waddo tareen oo aan la isticmaalin, si ay dadka qabowga dareemaya u isugu diiriyaan.

Burjuko kasta oo uu sameeyo waxaa culeyskeeda lagu qiyaasay 30 kiilo.

.
Qoraalka sawirka, Dadka qaxootiga ah qaarkood waxay ku nool yihiin guryo hore oo laga guuray

Hay'adaha samafalka ee Serbia waxay sheegeen in qiyaastii 500 oo rag ah ay ku nool yihiin dhismeyaasha qadiimiga ah ee ku yaalla magaalada Subotica, oo u dhow xuduudda.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan waxay ka yimaadeen xeryaha qaxootiga ee dalka Bosnia-Herzegovina, ka dib markii ay u suurtagali weysay inay halkaas uga gudbaan waddanka Croatia.

Kuwo kalena waxay mar dhow ka imaadeen dhinaca Giriigga.

Map
Presentational white space

Dadka isku daya inay u xaluushaan dhinaca Hungary, waxay badanaa ku eedeeyaan booliska inay jirdil ku sameeyaan.

Mar kasta oo ay isku dayaan inay gudbaan waa la qabtaa, waxaana dib loogu soo celiyaa Serbia.

.
Qoraalka sawirka, Dhismayaasha ay qaxootiga ku nool yihiin waa kuwo kor ka bannaan oo uu qabowga kasoo galo

Kuwo ka mid ah dadkan ayaa taga guriga ninka baadariga ah, isaguna wuxuu aaminsan yahay in howlaha ay diintiisa fareyso ay ka mid tahay in la caawiyo qof kasta oo caawinaad u baahan.

Biraha waddada tareenka ayey kululeeyaan si ay qabowga uga kulaalaan.

.
Qoraalka sawirka, Qaxootiga ayaa kululeeya biraha waddada tareenka, si ay qabowga uga kulaalaan

Guryaha ay raggan hoyga ka dhigtaan waxaa xilli hore iticmaali jirtay boqortooyo.

Laakiin muddo dheer lama dagin, inta badan guryahaasna way burbureen, maadaama ay ka sameysnaayeen cooshado jilicsan.

Migrants living rough near Subotica
Qoraalka sawirka, The arrival of a barrel stove brings some comfort
Presentational white space

Hungari ayaa amar deg deh ah kusoo rogtay xadkan, wuxuuna howlgal ka socdaa halkaas tan iyo sanadkii 2015-kii.

Ka hor inta aan darbiga siligga ah la sameynin, qiyaastii 400,000 oo qaxooti ah ayaa ka gudbay xuduudaas.

Laakiin hadda, Ra'iisu Wasaaraha fikirka qaxooti nacaybka ah qaba ee Hungary, Viktor Orban wuxuu dareensan yahay in go'aankiisa uu ku saxan yahay.