Hogaanka Hungary waxaa mar kale ku guulaystay nin dareen ka qaba Midawga Yurub

Viktor Orban ayaa markii saddexaad noqon doona ra'iisulwasaare

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Viktor Orban ayaa markii saddexaad noqon doona ra'iisulwasaare

Ra'iisulwasaaraha Hungary Viktor Orban oo siyaasaddiisu garabka midig raacsan tahay ayaa guul wayn ka sheegtay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday Axaddii.

Ninkan 54 jirka ah ayaa markii saddexaad qaban doona xilka ra'iisulwasaarenimada, xisbigiisa Fidesz ayaa helay saddex meeloodow labo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, iyaga oo sidaas ku sii xajistay aqlabiyaddii baarlamaanka ee ay ku naaloonayeen.

Xisbiga Fidesz ayaa ku guulaystay ku dhawaad kalabar, waxaana ilaa iyo hadda la tiriyay 93% codadkii la dhiibtay, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka qaran ee dalka Hungary.

Orban ayaa dareen aad u wayn ka qaba Midawga Yurub, wuxuuna ku ol'olaystay fikradihiisa uu ku diidan yahay soogalootiga.

Khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyay habeenkii Axadda ayuu Orban ka sheegay in guusha uu gaaray ay dadka Hungary "fursad u siinayso in ay is difaacaan, dalkoodana difaacdaan".

Waxaa natiijadaas awgeed isu casilay masuuliyiinta xisbiyada kaalinta labaad iyo saddexaad kala galay.