Dhacdooyinkii cajiibka ahaa ee abaalmarinnada loogu tartamay 2019

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Siduu adiga kuu ahaa sanadkii 2019?

Hambalyo, waad kasoo gudubtay sanadkii hore, sanad kale ayaase ku sugaya, oo dhacdooyinkiisana wata.

Waan ognahay inaysan mar walba sahlaneyn, marka waa kuwan abaalmarinnadii: waa sheekooyinkii dadka ay ku dhoollacaddeeyeen sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii.

Xitaa waxaa ka mid ah qaar xayawaanno khuseeya.

Badbaadintii xayawaanka ee ugu wanaagsaneyd sanadka

Guuleystaha kaalinta koowaad galay

Jiir ku xanniban gob bir ku dhex yaalla

Xigashada Sawirka, Berufstierrettung Rhein Neckar

Bal xoogaa ka fikir sheekadii ku saabsaneyd jiirka maskiinka ah ee buuran, Wuxuu bishii February ku dhex xayirmay god bir ka sameysan.

Xayawaankan dhaddigga ah waa la badbaadiyay ugu dambeyn. Laakiin dadkii ag marayay ayaa inta aan meeshaas laga saarin ka qaatay sawirro cajiib ah oo muujinayay walwalka hayay.

Kaalinta labaad

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dabkii keymaha ee ku fiday qeybo ka mid ah keynta gobolka California waxaa si toos ah looga arkayay madxafka taariikhda ee uu sameeyay madaxweynihii Mareykanka, Ronald Reagan

Marka laga hadlayo dhacdadan, xayawaanka ayaa ahaa kuwa wax badbaadinayay, halka sawirkii hore uu ahaa xayawaan la badbaadinayay.

Markii lasii sahmiyay saameynta ka dhalan kartay dabka ka kacay keymaha, maamulka madxafkaas wuuxuu kireystay 500 oo ari ah, si ay cowska uu dabka qabsan karo halkaas uga cunaan. Tallaabadaas waxaa la qaaday bishii May.

Sidaas darteedna, markii uu dabkaas ballaartay bishii October, madxafka wuxuu ku badbaaday dhulka ballaaran ee uu ariga u banneeyay si looga hortago dabka.

Shaqo fiican ayaad qabateen, ariyoow.

Abaalmarinta 'sawirka hadlaya'

Guuleystaha kaalinta koowaad galay

Lucie ka hor inta aysan iskuulka tagin iyo ka dib

Bishii August, malaayiin qof ayaa akhrisatay sheekada cajiibka ahayd ee ku saabsaneyd gabar 5 jir ah oo lagu magacaabo Lucie. Waxaa lasoo bandhigay sawirro muujinaya markii ay gabadhaas iskuulka u socotay maalintii koowaad iyo markii ay kasoo laabatay isla maalintaas. Waxaa sawirradeeda markii hore soo qaatay wargeys ka howlgala Scotland, ka dibna waxaa lagu faafiyay caalamka oo dhan.

Markii ay hooyadeed aragtay iyadoo kusoo laabatay guriga, waxay weydiisay waxa ay Lucie soo sameyneysay intii ay iskuulka ku maqneyd.

"Wax saas u badan ma jirin", ayey ugu jawaabtay.

Kaalinta labaad

Nin faraanti haya

Xigashada Sawirka, Edi Okoro

Edi Okoro, wuxuu muddo hal bil ah sawirro qarsoodi ah ka qaadi jiray saaxiibaddiis isagoo guur usoo bandhigaya, mana aysan ka warheynin. Ugu dambeyntii way ka aqbashay guurka.

Dadaalkii dhinaca ciyaaraha ee ugu fiicnaa sanadka

Guuleystaha kaalinta koowaad galay

.
Qoraalka sawirka, Sarah Thomas waxaa dhibaato gaarsiiyay kalluun iyadoo dabaalaneysa

Hal sano uun markii laga joogo xilligii laga daweeyay kansarka naasaha, Sarah Thomas waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ku dabaashay biyaha jasiiradda English Channel.

Waxay dabaalaneysay afar jeer oo aysan kala joogsi lahayn.

Waxay sidaas ku sameysay 54 saacadood, ka dibna waxay tiri: "Hadda aad baan u daalay".

Kaalinta labaad

Jasmin Paris

Xigashada Sawirka, YannBB

Kani wuxuu ahaa tartan aad la isugu dhawaa.

Laakiin waxaa amaan weyn mudan Jasmin Paris, oo taariikh ku gashay tartanka masaafaha 268-mile, kaasoo ay ku sameysay wax ka badan 12 saacadood.

Marar waxay u istaageysay inay si joogto ah naasaheeda caanaha uga listo markii ay soo buuxiyaanba. Waxayna seexatay saddex saacadood oo kaliya. Intaas waxaa usii dheereyd inay bartanka uga jirtay qormada buugga ay jaamacadda uga qalin jabineysay heerka ugu sarreeya ee PhD-da.

Jawaabtii ugu hal-abuursaneyd

Guuleystaha kaalinta koowaad galay

Josh iyo Joe

Xigashada Sawirka, Josh Thompson

Josh Thompson oo ah nin ilaaliya xuquuqda dhinaca qoraallada iyo sawirrada ayaa maalin darbiga goobtiisa shaqada ku arkay qoraal, xilli loogu yeeray inuu la kulmo madaxdiisa, wuxuuna wajahayay in shaqada laga eryo.

Maamuleyaashiisa waxay ku dhiirrigaliyeen inuu soo wato "qof caawiya" oo niyadda uga dhisa dhibaatada la xiriirta marka uu shaqadiisa waayo, arrintaasna waa mid uu u oggolaanayo sharciga dalka New Zealand.

Laakiin isagu intii uu soo wadan lahaa qof ehelkiisa ah, ama saaxiibkiis ah, ama xayawaan la nool, waxaasoo dhan ma uusan sameynin. Wuxuu soo kaxeystay nin majaajileyste ah oo uu siiyay lacag aad u badan oo gaareysa NZ$200 (£100). Majaajiliistahaas oo lagu magacaabo Joe waa dadka wajiga midabka marsada oo buufinka ka sameeya xayawananada.

Wixii uu ka shanqarinayay intii uu shirka socday ayaa dhawaaqoodu dhibay Josh, markaas ayuu intuu murugadii oo dhan hilmaamay yiri: "Wiilow, naga daa, waxan soo aad uma qeylo badna?".

Guuleystaha kaalinta koowaad galay

Eimi Haga became interested in ninjas by watching "Nintama Rantaro" on TV
Qoraalka sawirka, Eimi Haga became interested in ninjas by watching TV shows

Top marks to Eimi Haga waxay imtixaanka ku heshay dhibco aad u badan. Gabadhan u dhalatay waddanka Japan waxay sanadkii 2019-ka sameysay ficil ay taariikhda ku gashay, indhaha caalamkana kusoo jiidatay. Iyadoo imtixaan u fadhisa ayey macallinkii ilaalinayay u dhiibtay warqad cad oo u muuqatay inaysan waxba ku qorneyn.

Laakiin goor dambe ayuu barfasoorkeeda ogaaday inay imtixaankii ku qortay qalin aad dusha sare si toos ah looga arkeynin.