Gabadha ninjaha ee Japan: Khad aan la arkin ayay ku qortay warqadda, natiijada imtaxaankana iyadaa ugu sareysa

Eimi Haga became interested in ninjas by watching "Nintama Rantaro" on TV
Qoraalka sawirka, Eimi Haga waxay arrinta ka baratay daawashada muuqaallada carruurta e telefishinnada ka soo gala

Ardey u dhalatay dalka Japan ayaa tariikh dhigtay ka dib markii ay warqad maran u dhiibtay macallimkeeda taas oo ay ku heshay natiijada ugu sareysa ee imtaxanka - Macallimkeedii jaamacadda ayaa mardambe ogaday in khad aan la arkin lagu qoray warqadda.

Eimi Haga waxay adeegsatay farsamada dalkaas Japan laga adeegsado ee "aburidashi". Waxay saacado ku bixisay in digir ay qamiirisay ka sameyso kad aan la arki karin oo su'alaha imtaxanka ay uga jawabtay.

Ereyada warqadda waxay soo bexeen ka dib markii macallimkeeda uu kululeeyay xaashida.

"Waa wax aan ka bartay buug aan akhriyay markii aan yaraa," ayey tiri Ms Haga oo la hadashay BBC. "Waxaan filayay oo keli ah in qofna uusan fikraddaas la imaan doonin."

Ms Haga waxay jeceshahay dhaqanka ninjas - oo ah musalsal Japan laga daawan jiray. Waxay ka baratay aflaan carruur oo ay TV-ga ka daawan jirtay xilligii ay yareyd.

Sannadkeedii ugu horreeyay ee Jaamacadda Mie ee Japan, waxay qaadatay casharro ku saabsan taariikhda ninjaha, waxaana la weydiiyay in warbixin gaaban ay ka qorto madxafka Ninjaha ee Igaryu oo ay booqatay.

"Markii macallimka uu sheegay in natiijo sare uu siinayo qofkii hal-abuur fiican la yimaada, ayaan go'aansaday in warqadda aan ku qoro khad aan la arkin, oo ardeyda oo dhan waxa ay sameynayaan ka duwan," ayey sheegtay.

"Xoogaa ayaan fakaray, ka dibna waxaa igu soo dhacday fikradda aburidashi."

The essay, showing the heated and unheated sections
Qoraalka sawirka, Qoraalkeeda oo la arkay ka dib markii warqadda la kululeeyay

Ms Haga, oo 19 sano jir ah, waxay qastay digir - nooc laga helo Aasiya oo loo garanayo soybeans - ka dib way shiiday, waxayna ka saartay biyaha.

Marka ka dib way qastay - laba saacadood ayeyna ku qaadatay in ay hesho khadda rasmiga ah - ka hor intaysan billaabin qoridda sheekada ay ku barmoostay.

Ka dib markii ay qortay, ayna hubisay in warqadda ay qalashay, waxay u dhiibtay macallimka oo ay u raacisay farriin khad caadi ah ku qoran oo ay ugu sheegtay, "kululee warqadda."

Presentational grey line

Ninja muxuu yahay?

  • Waa qof adeegsada hab-lebis gaar ah oo dhar dagaal ah
  • Dhaqanka ninja wuxuu soo jiray boqollaal sano ka hor illaa xilligii dhul-goosadka ee Japan
  • Ninjas waxay khubaro ku ahaayeen basaasidda iyo istiraatiijiyadda
  • Waxaa horey looga sameyay aflaan badan oo qaarkood daawadayaasha marin habaabiya
  • Xigasho: Ninja Museum of Igaryu
Presentational grey line

Macallinka gabadhaas, Yuji Yamada, wuxuu BBC u sheegay in layaab ay ku noqotay markii uu arkay sheekada ay qortay.

"Waan arkay iyadoo lagu qoray sir iyo shuruuc, balse weligey ma arag mid ku qoran aburidashi," ayuu yiri.

"Haddii aan runta sheego, shaki ayaa iiga jiray in xuruufta ay soo bixi karaan. Balse markii aan kululeeyay, ereyo nadiif ah ayaa soo baxay, waxaana is dhahay waa 'Shaqo wanaagsan!'

"Kama labalabayn in qoralka aan siiyo dhibco buuxa - in kastoo aanan akhrin illaa dhammaadka. Qeyb ka mid ah warqadda ma kululeyn si warbaahinta aan ugu daayo haddii ay u bahdaan in sawir ay ka qaadaan."

"Waxaan aad ugu kalsoonaa in macallimka uu garan doono dadaalkeyga iyo hal-abuurkayga," ayey tiri gabadha ardeyga ah.

"Walwal kama qabin in dhico liita aan ku helo qoraalkeyga - in kastoo sheekada wixii ay ka hadleysay aysan xiiso lahayn".