Nin si lama filaan ah boqortooyo u dhaxlay

Qoraalka Muuqaalka, Daawo duca diimeedka boqorka

Boqorka Japan ee Naruhito ayaa si rasmi ah boqornimadiisa looga dhawaaqay munaasabad ballaaran.

Boqorka oo 59 sano jir ah ayaa si rasmi ah xukunkiisa u bilaabay bishii May ka dib markii boqor Akihito uu sheegay in uusan shaqada boqornimada sii wadi karin.

laakiinse ka dib dhowr taxane oo cibaado dhaqameed ah oo ka dhex dhacay qasriga boqortooyada ee Tokyo, boqornimadiisa ayaa hadda si rasmi ah u dhaqan gashay.

Munaasabadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Japan ay ka soo kabaneyso saameynta Typhoon Hagibis, oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​80 qof. Waxaana la baajiyay gaaradda ka cayaar muhiim ahaa iyadoo lagu xishmaynayo dadkii duufaanta ku le'day.

Maxaa ka dhacay munaasabadda?

The Sokui no Rei - ama munaasabadda xuska ayaa kasoo muuqaday boqorka oo ilaa 6.5mitir dhulka ka sareeyo.

Wuxuu akhriyay bayaan rasmi ah, isagoo ku labisan dharka boqorka oo jaalle ah isaga oo ay boqorada ku dhaariyeen munaasab gaar ah.

"Waxaan ku dhaaranayaa in aan u dhaqmayo sida ku qoran dastuurka waxaana fulin doonaa mas'uuliyadeyda taasi oo astaan ​​u ah dowladnimada iyo midnimada dadka," ayuu yiri, sida lagu sheegay tarjumadda Reuters.

Xaaskiisa Boqorad Empress Masako, ayaa la sheegay inay xiranayd 12 lakab oo dhar ah, iyadoo ku jirta guri yar oo gooni ah.

Empress Masako

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Empress Masako

Raiisel wasaare Shinzo Abe ayaa halkaas ka jeediyey khudbad hambalyo ah, ka dibna waxaa daba socotay qeylo "Banzai!" taasi oo macnehedu yahay ''Boqorka waxaan u rajaynaynaa nolol waarta''

.

Xigashada Sawirka, AFP

Munaasabadda, oo inta badan lagu aamusay ayaa waxaa la keenay seeftii qaddiimiga ahyd oo ka sameysan dahab.

Waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay dhowr qof oo ajaanib magac leh ah kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska ee Charles,

Qoraalka Muuqaalka, Empress Masako
Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Boqor Akihito ayaa xilka u wareejiyay caafimaad darro soo wajahday awgeed wuxuuna noqday boqorkii ugu horreeyay oo xilka wareejiyo muddo ka badan 200 sano.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images