Diidiinka 344 jirka ah ee sida weyn looga qaddarin jiray Nigeria

Diinka Alagba wuxuu cuni jiray cuntooyinka sida Bariiska, Digirta
Qoraalka sawirka, Diinka Alagba wuxuu cuni jiray cuntooyinka sida Bariiska, Digirta

Guri boqortooyo oo ku yaal dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in Diin ku noolaa halkaas uu ku dhintay da'da 344, Diinkan oo la oran jiray Alagba oo micnaheedu yahay 'Kii da'da weynaa' wuxuu ku noola guriga boqortooyada ee Ogbomoso ee gobolka Oyo ee waddankaas.

Diinkan waxaa bil kasta dhaqaalen jiray labo shaqaale oo howshoodu aheyd inay cunto siiyaan.

Dadweynaha waxay rumeysanaayeen inuu lahaa awood dabiici ah uu wax ku daweyn karo isla markaasna waxaa looga soo daawasho tegi jiray deegaanno fog fog.

Noolahan wuxuu ahaa mid si weyn loo qaddarin jiray, waxaana guriga boqortoyada keenay boqorkii saddexaad ee maamulkaas soo maro sanadihii 1770 iyo 1797.

Gobolka Oyo

Khuburrada seyniska waxay su'aal geliyeen da'da Diinka halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan suurogal aheyn in 344 uu jiray Diinka.

Tim Skelton oo ka howlgala xarun duur joog oo ku taal Bristol ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in Diinka uu noolan karo 200 sanno balse arrintaas ay tahay mid dhif iyo naadir ah.

Diinka Jonathan oo ku nool dalka Seychelles ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ugu da'da weyn dunida

Xigashada Sawirka, GIANLUIGI GUERCIA

Qoraalka sawirka, Diinka Jonathan oo ku nool dalka Seychelles ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ugu da'da weyn dunida

Diidiinkii abid ugu cimriga dheera dunida waxaa da'diisa lagu sheegay 187.

Boqorkii saddexaad ee ka arrimiyo gobolka Oyo ee Isan Okumoyede ayaa Diidiinka keenay qarsiga madaxtooyada kaddib 200 sanno ka hor xilliggaas uu guulo kasoo hoyiyay dagaal halkaas ka dhacay.

Dad soo booqday Diidiinka

Xigashada Sawirka, Peace Sojay and his family

Qoraalka sawirka, Dad soo booqday Diidiinka