Ookiyaale lagu iibiyay $183,895

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ookiyeelaha qoraxda oo uu lahaa John Lennon ayaa lagu iibiyay £137,500 oo u dhiganta $183,895.
Ninkan oo ahaa fannan wuxuu ka dhintay ookiyaale ama muraayadaha indhaha oo sida koobaabin u sameysan, kaas oo uu ku dhex hilmaamay qeybta dambe gaari, sannadkii 1968-dii.
Dareewalkii gaarigaas waday, Alan Herring, kaas oo haddan London ku xaraashay ookiyaalahaas ayaa sheegay in markii uu helay uu ogaaday in uu jabay.
"Waxaan John weydiiyay in uu doonayo inaan u soo sameeyo. Wuxuu ii sheegay in aanan isku wareerin oo arag uun loogu talagalay," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Sotheby's
Mr Herring wuxuu sheegay in weligii uusan ka sameyn meeshii ay ka jabnaayeen. Waxaa Jimcihii laga iibiyay qof aan la magacabin.
Waxyaabaha la iibiyay waxaa ka mid ahaa alaab lagu xusuustay fannaanka sida katiinad uu ku xirnaa gambaleelka lo'da oo uu mar xitay George Harrison, taas oo lagu gaday which sold for £10,000 ($13,374).
"Qoytskeyga aawadii, macno ayay ii sameyneysaa in aan macsalaameeyo wixii aan uruuriyay, anigoo weli sheegi kara sheekada ka dambeyso alaabtan", ayuu yiri.







