You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kalluun la yaab leh oo lagu arkay xeebta Gobolka California
Kumannaan noola ah oo u eg xubinta taranka ragga ayaa waxa ay ku soo caariyeen xeebta gobolka California ee dalka Maeykanka
Noolahani ayaa sidoo kale u eg goriyaanka sida sawiradda ka muuqata.
Waxaa jira cadeymo muujinaya in noolahan u eg xubinta taranka ragga uu so jiray muddo 300 oo milyan oo sano ah, qaarkoodna ay noolaadaan 25 sano, sida uu sheegay Ivan Parr oo ahkhabiir ku taqasusay noolaha.
Wuxuu dhex galaa bacaadka xeebta illaa dhowr taako si uu halkaasi gabaad uga dhigto.
"Noolahani ayaa caadiyan ah mid loogu talagalay in uu ku noolaado dhulka hoostiisa," ayuu qoray Ivan Parr oo khabiir ku taqasusay noolaha.
Waxaa noolahan u eg xubinta taranka ragga cuna libaax-badeedka iyo noocyo ka mid ah kalluunka.