Maxaa keenay inuu Dr Abiy Axmed uu si gooni ah ula kumo guddiga fulinta TPLF?

Xigashada Sawirka, EPRDF OFFICIAL
Guddiga fulinta EPRDF waxay shalay shaaciyeen iney xisbiga afar qowmiyadood ku koobnaa uu u gudbayo xisbi qaran oo qowmiyadaha dalka oo dhan mideeya, iyada oo 6 ka mid ah guddiga fulinta ay diideen cod aqlabiyad ahna go'aankaasi lagu meel mariyey.
Xubnaha guddiga Fulinta ee ka horyimid qorshaha mideynta xisbiga waa xubnaha guddiga fulinta ugu jira xisbiga TPLF, hal xubin marka laga reebo 6-da xubnood ee kale waa ay diideen go'aankaasi.
Asmalash Hayle Silalaase oo ka mid ah xubnaha ka soo horjeestay go'aankaasi oo BBC u warramay wuxuu sheegay iney codkooda diidmada u adeegsadeen isla-markaana ay isaga baxeen shirka go'aankaasina ay ku mujiyeen mowqifka xisbigooda.
Shirka guddiga fulinta EPRDF oo maanta maalintiisi labaad sii socda xubnaha ka socday xisbiga TPLF waxay shegeen iney shirka maanta ka qayb galeyn.
"Ra'isal wasaaraha maadaamaa uu sheegay inuu doonayo inuu si gaar ah ula kulmo guddiga fulinta TPLF" wuxuu sheegay iney diyaar u yihiin iney la kulmaan.
Wuxuu Asmalash intaasi uu ku diray qorshaha mideynta xisbiga inuu ahaa mid soo socday oo aan ku cusbeen balse maadamaa ay jiraan howla qabya ah oo aan la dhameystirin iney howsha sii socoto ilaa iyo shirweynaha xisbiga ee soo socda.
Go'aanka xisbiga ee guddiga fulinta TPLF "hadda kaddib wuxuu noqon doonaa mid quseeyo mowqifka iyo ujeeddooyinka xisbiga oo keli ah", "Masiirka xisbiga TPLF-na xisbiga laftiisa mooyee cid kale ma o'aamin karta ayuu yiri Asmalash.
Billowga midnimada Xisbiga
Arrinta mideynta xisbiga EPRDF oo ahayd mid bilooyin la hadal hayey ayaa waxaa lagu wadaa inuu xisbiga la midoobo xisbiyada 5-ta oo bahwadaagta la ahaa sida Soomaalida, Cafarta, Gaambeella, Benishaangul iyo Hararida, waxayna arrintan guddiga fulintu shegeen inay go'aan ka gaareen maalinti shalay.
Xisbiga EPRDF oo dalka Itoobiya ka soo arriminayey ku dhawaad 30 sano waxaa ku mideysnaa oo keli ah xisbiyo ka soo jeeda qowmiyadaha Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed. Waxaana sanada badan la isweydiinayey xilliga uu xisbiga qowmiyada kooban ka gudbayo una gudbayo xisbi heer qaran.
Xisbiga haddii uu midoobana wuxuu la bixi doonaa EPP, guddiga fulintana wuxuu si qoto dheer uu uga dooday barnaamijaka qabyada ah ee mideynta xisbiga.
Haddaba mideynta Xisbiga muxuu la imanayaa?
Mr Faqadu Tesema oo go'aanka guddiga fulinta xisbiga uu arrintan ka gaaray kala hadlay warbaahinta dalka Itoobiya wuxuu sheegay in shirka looga dooday nidaamka federaalka ee hadda jira, afafka, caddaaladda iyo jiritaanka qaran, wakaalasho caddaalad ku saleysan iyo arrima kale.
Xisbiga cusub ee la damcsan yahay ee heer qaranna waxaa gundhig u noqonaya shan qodob:
- Si nidaam federaal ah oo dimuqraadiyad ku dhisan qowmiyadaha dalka oo dhan ay iska dhex arkaan loo xoojin lahaa in barnaamijka iyo xeerarka xisbiga lagu soo daro.
- Xuquuqda dastuuriga ah ee ay qowmiyadaha dalka u leeyihiin iney ismaamulaan ilaa iyo aaya ka tashi in la dhowro.
- Xisbiga in si caddaalad ah looga qayb geliyo xisbiyada bahwadaagta la ahaa xisbiga iyo qowmiyadaha dalka oo dhan si ay xisbiga isaga dhex arkaan.
- Siyaasadda dalka in lagu hoggaamiyo sii xoojinta jiritaanka qowmiyadaha iyo midnimada umadda.
- In la ictiraafo afafka badan isla-markaana xisbiga uu aqoonsado afaf kale oo dalka looga shaqeyn karo.
Go'aanka xiga yaa laga sugayaa?
Go'aanka uu arintan ka gaaray guddiga fulinta xisbiga EPRDF ma aha mid halkaa ku istaagaya. Balse, waxaa lagu soo bandhigayaa shirweynaha xisbiga uu labadi sanaba mar yeesho. Go'aanka kama dambeysta ee xisbiga uu ku dhaqmana waxaa iska leh oo soo saaraya golaha dhexe ee xisbiga oo ka kooban 180 xubnood oo ka kala imanaya afarta urur uu xisbigu ka kooban yahay.
Kaddibna go'aankaasi waxaa loo sii gudbinayaa golaha guud ee xisbiga oo ay tiradiisu aadka u badan tahay halkaasi ayaana lagu soo afmeerayaa goaa'nka midnimada xisbiga oo lagu ogaanayaa go'aanka inuu meel marayo in kale.










