Clinton oo lagu cadaadinayo inay mar kale la tartanto Trump

Hillary Clinton

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Hillary Clinton

Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay wajahayso culees badan oo kaga imaanaya saaxiibada iyo taageerayaasheeda oo ku aadan in ay markale la tartanto Donald Trump.

Iyada oo la hadlaysay BBC ayay sheegtay in aysan meesha ka saaraynin suurtagalnimada ah in ay tartanka kusoo biirto.

Clinton oo 72 jir ah ayaa sheegtay in had iyo jeer ay ka fikirto "madaxweyne ceynkee ah ayaan noqon lahaa, haddii aan 2016-kii ka guuleysan lahaa Trump.

17 musharax oo xisbiga dimoqoraadiga ayaa haddaba shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxtinimada Maraykanka.

Clinton ayaa wariyaha BBC-da ku tiri " halkan hadda aan kula fadhiyo ee Studiyaha ah, arrintaas qorshahayga kuma jirto" ayay tiri Clinton.

Waraysigan ayaa ka dhacay magaalada London, halkaas oo ay ay u tagtay hawlo la xiriira buug ay wada qoreen iyada iyo gabadheeda Chelsea Clinton.

Is reeb-reebka musharixiinta ee xisbiga dhexdiisa ayaa bilaaban doona bisha feberaayo ee sanadka dambe, waxaana la go'aansan doonaa musharaxa qura ee soo bixi doona si uu ula tartamo Trump.

Clinton ayaa markii sedexaad u tartamaysa xilka madaxtinimada.

Hadal haynta in ay Clinton kusoo biireyso tartanka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii xoogaysana ardaayada Washington ee siyaasadda lagu karkariyo.