Mudaharaadayaasha Ciraaq oo weeraray qunsuliyadda Iran ee Karbala

Mudaharaadayaasha waxay safaaradda ku tuureen walxa ay dab qabadsiiyeen

Ugu yaraan seddex qof oo mudaharaadayaasha ka mid ah ayaa toogasha lagu dilay xilli ay mudaharaadyo ka wadeen afaafka hore ee qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay magaalada Karbala.

Mudaharaadayaasha oo dalbanaya iney Iiraan joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha dalka Ciraaq ayaa gudaha ugu daatay dhismaha qunsuliyadda Iiraan.

Wararka halkaasi ka imanaya waxay sheegayaan ciidamada ammaanku iney mudaharaadayaasha rasaas ku fureen, halka ay ila wareedyo kalana sheegayaan qof shaqsi ah oo rasaas ku furay mudaharaadayaasha inuu dilay dadkaasi.

Waxay wararku intaasi ku darayaan iney ciidaamada ammaanku rasaas noonool u adeegsadeen mudaharaadayaal Isniinti isugu baxay caasimadda Baqdaad.

Mudaharaadyo ballaadhan ayaa dalka Ciraaq ka sii socdo iyada inkasta oo ay jirto codsi ka yimid Ra'isul Wasaare Caadil Cabdul Mahdi..

Caadil Cabdul Mahdi wuxuu mudaharaadayaasha ugu baaqay- "kuwasoo ka careysan sida uu ugu fashilmay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahay, shaqa la'aanta jirta iyo adeegyada arrimaha bulshada ee aadka u liito" - iney dib u furaan waddooyinka si waddanka xaaladdiisa caadi loogu soo celiyo" isaga baaqiisaasi ka sheegay fariin uu mudaharaadayaasha Axaddi uga gudbiyey warbaahinta.

Wuxuuna Ra'isul wasaaraha sheegay dowladda iney ixtiraameyso mudaharaadyada nabdoon, balse in la xiro waddooyinka magaalada halboowlaha u ah iyo waddada aadda dakadda muhiimka ee koonfurta dalka arrimahasi oo dhan oo isbiirsaday ay horseedayaan "waxyeella iney soo gaarto saliidda dalka", arrintaasi ay ka dhalato dalka inuu balaayiin doolar uu ku waayo isla- markaana qiimaha saliidda dalka uu sare u kaco.

Madaxweynaha dalka Ciraaq Baraham Saleh wuxuu toddobaadki hore sheegay Mr Cabdul Mahdi inuu diyaar u yahay inuu iscasilo haddii la helo ciddi beddeli lahayd, isla-markaana la diyaariyey sharciga cusbaa ee doorashada.

Balse mudaharaadayaashu waxay doonayaan inu isbeddel sal balaadhan ka dhaca qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalkaasi.

Mid ka mid ah mudaharaadayaasha Ciraaq oo saaran darbiga qunsuliyadda Iiran oo suraya calanka Ciraaq

Xigashada Sawirka, EPA

Dowladda Iiraan ayaa waxay si weyn u taageertaa dowladda Ciraaq iyo milishiyaad shiica ah oo awood badan oo ka jira gudaha Ciraaq. Waxayna mudaharaadayaasha dalbanayaan "in si sharci ah qaab dhismeedka wax looga beddelo", iyaga oo weliba ka digay "Inuu cadawgu dalka Ciraaq uu doonayo inuu dalka burburiyo".

"Laamaha sirdoonka Mareykanka iyo Waddamada reer galbeedka, ayaa taageera dhaqaale ku bixinaya si ay gobolka uga huriyaan kacdoonna shacab" ayuu yiri hoggaamiyaha ruuxiga ee Iiraan Aayatullaah Cali Khameyni toddobaadki hore.

Axaddi maxaa dhacay?

Mudaharaadayaal tira badan oo dibadbax ka sameeynaya afaafka hore ee qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay Karbala waxay ku dhawaaqayeen "Karbala waa xor, Iran ha naga baxdo, bax!"

Map

Mudaharadayaasha qaar ayaa qunsuliyadda dhagax iyo walxa ay dab qabadsiiyeen ku tuurayey iyaga oo dhismaha qunsiliyaddana isku hareeyey. Seddex ka mid ah mudaharaadayaasha ayaa darbiga dhismaha qunsuliyadda fuushay oo ka dul babbisay calanka Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay ciidamada ammaanka iney rasaas noonool ku rideen mudaharaadayaasha, iyada oo ay wakaaladdu soo xigatay sargaal caafimaad oo sheegaya iney seddex mudaharaadyaal ah ay rasaastaasi ku dhaawacmeen.

Mudaharaadayaasha Ciraaq

Xigashada Sawirka, Reuters

Hay'adda sare ee arrimaha xuquuqda aadanaha u qaabilsan dalka Ciraaq (IHCHR) waxay sheegtay seddex mudaharaadayaal iney ku dhinteen iska horimaad ciidmada ammaanka iyo mudaharaadayaasha ku dhex maraya afaafka hore ee Qunsuliyadda.

Balse xog ay BBC ka heshay karbala wuxuu sheegayaa mid ka mid ah dadka dhintay inuu ahaa waardiya agmarayey goobta ay rabshaduhu ka dhacayeen.

Madaxa Qunsuliyadda Iiraan ee Karbala Mir-Masoud Hosseini wuxuu warbaahinta Iiraan uu Isniinti u sheegay inuu xaalku hadda deggan yahay xaalkuna uu "sidiisi hore ku soo noqday."

Mudahaardyada Ciraaq

Xigashada Sawirka, Reuters

Isniinti maxaa dhacay?

Wakaladaha wararka ee AFP iyo Reuters waxay isku raaceen iney laamaha ammaanka ay mudaharaadayaasha magaalada Baqdaad Isniinta ka mudaharaadayey ay u adeegsadeen rasaas noonool.

Dad goobajoogayaal ahaana waxay Reuters u sheegeen iney rabshadaha ugu yaraan ku dhinteen shan qof.

Mudaharaadyadi tani iyo 1-da Bishi Oktobar ka soo billaawday dalka Ciraaq iska horimaadyada ka dhashay waxaa ku dhintay dad ka badan 250 qof halka ay ku dhaawacmeen da ka badan 9,000 oo qof.

Haweeney ka mid ah dadka mudaharaadyada dowladda looga soo horjeeda ka sameynaya magaalada Karbala

Xigashada Sawirka, AFP

Iscasilaadda Ra'isul Wasaaraha Ciraaq?

Ra'isul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi wuxuu toddobaadki hore sheegay inuu iscasilayo haddii uu xisbigiisa uu soo diyaariyo qofki beddeli lahaaa, hadalka Mr Mahdi oo ku soo beegmaya xilli ay mudaharaadyo dowladda Ciraaq looga soo horjeedo ka socdaan dalka Ciraaq.

Mr Cabdul Mahdi, oo ah siyaasi caan ah oo ka soo jeeda Muslimiinta Shiicada takhasuskiisa wuxuu yahay dhaqaalaha, wuxuuna dalka Ciraaq uu Ra'isul Wasaare uu ka noqday sanad ka hor, isaga oo ballan qaaday inuu isbeddel sameyn doono balse waxaa lagu eedeeyaa ballanti uu qaaday inuu fulinin.

1-da bisha Oktober dhalinyarta reer ciraaq oo ka careysan sida uu ugu guul darreystay inuu wax ka qabto shaqa la'aanta baahsan ee dalkaasi ka jirto, musuqmaasuqa iyo adeegyada arrimaha bulshada ee dalka oo aad u liita ayaa waxay marki ugu horreysay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Baqdaad.

Mudaharaadyadi caasimadda baqdaad ka billawdayna waxay ku sii fideen dalka oo dhan taasoo keentay iney ciidamada ammaanka ay isku dayaan iney mudahaardyadaasi awood ku muuquuniyaan dad badan ay sidaa ku dhintaan.

Ra'isul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Haadi oo ka qayb galay aas ka dhacayey magaalada Baqdaad

Xigashada Sawirka, AFP

Isniintina wadaadka Shiicada ee hoggaamiya xisbiga kuraasta aqlabiyadda ku leh baarlamaanka Dalkaasi Moqtdah Al Sadri wuxuu R'aisul Wasaaraha uu ugu baaqay inuu ku dhawaaqo doorasha xilligeeda ka hor la qabto.

Maalinti xigtayna Mr Cabdul Mahdi wuxuu Mr Sadri warqad toos uu ugu qoray uu ugu sheegay inuu damacsan yahay inuu sidaa sameeyo, balse ay jiraan shuruudo dastuuri ah oo u baahan in la buuxiyo oo ay ka mid tahay "Ra'isul Wasaaraha inuu sii joogo".

"Haddii ay ujeeddada doorashada ay tahay in xukumadda la baddalo, waxaa jira fursad aad u yar oo ah: inaad adiga iyo Hadi al-Amiiri aad isku waafqdaan inaad dhistaan dowlad cusub," ayuu ugu jawaabay isaga oo soo xiganaya hoggaamiyaha aqlabiyadda labaad ku leh baarlamaanka oo ay Iran taageerto.

Mr Sadri wuxuu ugu jawaabay isaga oo wacay Mr Amiiri iney Ra'sul Wasaaraha ku caawin karaan iney u diidaan codka kalsoonida baarlamanaka sidaana doorasha cusub ay ku dhacdo.

Khamiistina Madaxweyne Saalix wuxuu Talafishiinka uu ka sheegay Mr Mahdi inuu oggolaaday inuu xilka ka dago haddii marba ay xisbiyada aqlabiyadda ku leh baarlamaanka "ay keeneen fursad kale oo la qabali karo arrimahana sahlayo."

"Tallaabbadaasi oo muujineyso ka go'naashaha dhowridda dastuurka iyo sharciga loogana hortago dastuurka in lagu xadgudbo.

Wuxuu sida oo kale madaxweynaha sheegay inuu ku baaqay in la qabto doorasho xilligeeda laga soo hormariyey, balse ay qabsoomi karin ilaa sharciga cusub ee doorashada la meel mariyo.

Qaar ka mid ah mudaharaadayaasha mudaharaadyada dowladda looga soo horjeeda ka wado magaalada Baqdaad

Xigashada Sawirka, Reuters

Maalma kooban gudahood waxaa xilalkooda iney iska casilaan lagu qasabay laba Ra'isul Wasaare oo laba waddan oo carbeed ka soo jeeda kaddib marki ay la kulmeen mudaharaadyo xooggan oo looga soo horjeedo, Ra'isul Wasaaraha labaad oo ah Sacad Xariiri ee dalka Libnan.

Tifaftiraha BBC ee Bariga dhexe Jeremy Bowen wuxuu sheegay mudaharaadyada labada dal ka dhacay iney cabshaooyinka ay mudaharaadayaasha soo jeedinayaan ay wax badan isaga egyihiin sida ay la wadaagaanba waddama badan oo gobolka ku yaalla.

Haddii ay mar sii horreysay kacdoonnadi carabta ka dhacay 2011-ka dhaceen, wuxuu sii raaciyey sababihi dadku iney xilligaasi kacdoonnada waddooyinka ka sameeyaan ku kallifay ay weli sii jiraan iyada oo la maraya 2019-ka.