Dibadbaxyo "dumarka laga mamnuucay" oo ka dhacay Pakistan

Xigashada Sawirka, AFP
- Author, Flora Drury
- Role, BBC News
Kolonyo baabuur ah oo ay saaran yihiin rag wada gar waaweyn oo lulaya calan midabbadiisu isugu jiraan madow iyo caddaan ayaa dhawaan isugu soo baxay gudaha magaalada Islamabaad ee caasimadda dalka Pakistan.
Ujeeddada raggani ayaa ahayd in magaaladaasi ay ka dhigaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ra'iisalwasaare Cimraan Khaan oo xilka haysay muddo ka yar 18 bilood.
Inta badan raggaasi dibadbaxyada dhigayay ayaa ka tirsan xisbiga islaamiga ah ee JUI-F, waxa ayna isaga kala yimaadeen daafaha dalkaasi Pakistan.
Balse dibadbaxyadaasi ayaa aad uga duwnaa kuwa ka dhacayay daafaha kale ee caalamka, waayo dadka dibadbaxyada dhigaya kuma aysan jirin dumar.
Ka hor inta aan la shaacin dibadbaxaasi ayaa xisbigaasi waxa uu baahiyay qoraallo dumarka ka mamnuucaya in ay dibadaxyada ka qeybqaataan, taa badalkeena waxaa lagu amray in ay guryahooga ku ekaadaan, ayna ragga dibadbaxyada dhigaya u soo duceeyaan.
Amarkaasi ayaa dhaqangalay, oo hal qof oo dumar ah laguma dhex arkin dadkii dibadbaxyadii ka dhacayay Islaamabaad.
Ka dib markii taageerayaasha xisbiga JUI-F ay Jimcihii soo gaareen gudaha magaalada Islaamabaad si ay ugu biiraan xisbiyada kale ee dhigaya dibadbaxyada ka dhanka ahi dowladda, ayaa waxaa sida la sheegay soo baxay amar kale oo ah in gabdhaha weriyeyaasha ahi aysan imaan goobta ay dibadbaxyada ka dhacayaan oo aysan halkaasi warar ka soo tebin.
Gabdho suxufiyiin ah ayaa laga hor istaagay in ay gudaha u galaan goobaha ay dibadbaxyadu ka dhacayeen, halka qaar kale ay sheegeen in la fowdeeyay oo ay ku khasbanaadeen in ay goobtaasi isga tagaan.

Xigashada Sawirka, AFP
"Nin ayaa inoo yimid, wuxuuna inoo sheegay in dumarku aan halkan laga rabin oo aysan imaan karin, sidaa awgeedna ay tahay in aan meesha ka tagno. Wax yar ka dib rag ayaa nagu soo xoomay, waxa ayna billaabeen in ay qeyliyaan. Waxaan ku khasbanaannay in aan goobtaasi isaga tagno," ayay barteeda Twitter-ka ku soo qortay Shiffa Z Yousafzai oo ah gabar weriye ah.
Hoggaamiyaha xisbiga JUI-F Maulana Fazlur Rehman ayaa sheegay in ay "ixtiraam weyn u hayaan dumarka", sidaa awgeedna weriyeyaasha dumarka ahi ay ku martiqaadayaan in ay dibadbaxyadooda ka soo qeybgalaan "iyaga oo si wanaagsan lebbisan", sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee APP.
Dhanka kale, Naciima Kishwar Khan, oo xisbigaasi JUI-F u qaabilsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ayaa beenisay in dibadbaxyada xisbigeeda laga mamnuucay dumarka, waxa ayna difaacday maqnaanshaha dumarka ee dibadbaxyada xisbigaasi.
"Haddii aad eegtid ciidamada milatariga, furimaha hore ee dagaalka waxaa mar kastaa ku sugan ragga, dumarkuna safka dambe ayay ku jiraan oo waxay bixinayaan adeeg caafimaad," ayay tiri
"Dhaqdhaqaaqayaga waxa uu la mid yahay dagaal, xaaladda ayaa sii xumaaneysa. Haddii aysan sidaa ahaan lahayn, dumarku safka hore ayay ku jiri lahaayeen."
Baraha xiriirka bulshada dalkaasi Pakistan ayaa waxaa markiiba ka billowday hadal haynta arrintan. Haseyeeshee Benazir Shah oo ah gabar suxufiyad ah ayaa BBC-da u sheegtay in "go'aankaasi uu yahay mid u roon dumarka".
"Dumarka dalkan uma ay baahna in ay ka qeybqaataan dagaal u dhaxeeya ragga, sidaa awgeed, dibadbaxyadani ayaa ah loollan u dhaxeeya ragga oo kaliya.

Xigashada Sawirka, AFP
"Dibadbaxyadani ma ahan dhaqdhaqaaq isbadal doon ah, sida kuwa haatan ka socdo waddanka Lubnaan oo ragga iyo dumarkuba ay u siman yihiin. Xisbiga JUI-F waxa uu doonayaa in uu xilka ka tuuro dowlad si dimuquraaddi ah loo soo doortay, waxa uuna adeegsanayaa wax kastaa oo suurtagal ah sida diinta oo kale. Dumarka dalkani ma ahan in ay bog khaldan ka galaan taarikhda dalka."
Maxaa keenay dibadbaxyadani?
Waa markii ugu horreysay oo dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo ka dhan ah ra'iisalwasare Khaan, waxaana dibadbaxyadani hoggaaminaya Maulana Fazlur Rehman oo uu loollan adag kala dhaxeeyo Khaan, waxaana sidoo kale taageeraya xisbiyada kale ee mucaaradka ahi. Jimcihii la soo dhaafay ayay ra'iisalwasaare Khaan u qabteen 48 saac oo ay tahay in uu isku casilo.
Cimraan Khaan ayaa lagu eedeeyay in si caddaalad darro ah uu ugu guuleystay doorashada sanadkii 2018. Haseyeeshee, kormeerayaasha reer Yurub ayaa sheegay in aysan jirin caddeyn muujineysa in Cimraan Khaan uu ku shubtay doorashadaasi sandkii 2018-kii, balse waxa ay sheegeen in xisbiyada dhammaan aysan helin fursado isku mid ah intii lagu guda jiray ololaha doorashada.
Dadka ka soo horjeeda dowladda Khaan ayaa ka careysan xaaladda dhaqaale ee dalkaasi uu haatan wajahayo.

Xigashada Sawirka, AFP
"Xilka kuma aysan imaan rabitaan shacab balse waxa ay ku yimaadeen go'aan qof kale... marnaba uma adeegayaan shacabka balse taa badalkeeda waxay doonayaan in ay qanciyaan shakhsiyaadkii keensaday," ayuu yiri Rehman oo la hadlayay taageerayaashiisa.
Haseyeeshee, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalkaasi Pakistan ayaa qaarkood waxa ay sheegayaan in Rehman uu ujeeddo kale ka leeyahay dibadbaxyadan ka dhanka ah dowladda ra'iisalwasaare Cimraan Khaan.

Xigashada Sawirka, AFP










